02/28/2025
Maxaa Keenay Hoos U Dhaca Bitcoin? Meeqo Ayuu Qiimaha BTC Hoos Ugu Dhici Karaa?
Siddeedii maalmood ee la soo dhaafay, Bitcoin wuxuu hoos uga dhacay $99,000 ilaa $79,000, taasoo la micno ah in dhammaan faa’iidooyinkii laga helay xamaasadda siyaasadaha crypto ee Madaxweyne Trump la waayay. Laakiin maxaa keenay hoos u dhacan deg-degga ah, ilaa meeqo ayuuse hoos uga dhici karaa Bitcoin?
Bitcoin, oo ah cryptocurrency-ga ugu weyn, wuxuu hoos u dhacay in ka badan 5% 24-kii saac ee la soo dhaafay, wuxuuna gaadhay heerkii ugu hooseeyay ee afar bilood oo ah $79,263. Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee hoos u dhaca waa cabsida sii kordhaysa ee la xiriirta hanjabaadaha Trump ee canshuuraha, taasoo abuurtay hubanti la’aan dhaqaale.
Sidoo kale, Crypto Fear and Greed Index wuxuu hoos ugu dhacay 21, heerka ugu hooseeya muddo ku dhow saddex sano. Tani waxay muujinaysaa in maalgashadayaal badan ay ka walwalsan yihiin suuqyada.
Khasaaraha ugu badan waxaa la kulmay maal-gashadayaasha muddada gaaban ee Bitcoin (STHs), kuwaas oo bilaabay inay iibinayaan iyagoo argagaxsan. Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay:
Maalgashadayaashii Bitcoin iibsaday todobaadkan waxay lumiyeen $927 milyan.
Kuwa Bitcoin iibsaday bishii la soo dhaafay waxay lumiyeen $678 milyan.
Kuwa haystay Bitcoin hal ilaa 12 bilood waxay lumiyeen $257 milyan.
Xitaa kuwa Bitcoin iibsaday 24-kii saac ee ugu dambeysay waxay lumiyeen $322 milyan.
Tani waxay muujinaysaa in maalgashadayaal badan ay kalsooni beeleen, waxayna bilaabeen inay Bitcoin si deg-deg ah u iibiyaan.
Hoos u dhaca Bitcoin wuxuu sidoo kale la xiriiraa niyad jabka laga qabo siyaasadaha Trump ee ku aaddan crypto. Maalgashadayaal badan waxay filayeen in Madaxweyne Trump uu dhaqso u dhaqan gelin doono sharciyo crypto-friendly ah. Laakiin marka waxqabadka si tartiib ah u socda, waxay keentay cadaadis lagu iibinayo crypto-ga kor u kacay markii h**e Trump darteed.
Altcoins Oo Iyana Dhulka Galay
Hoos u dhaca Bitcoin wuxuu saameeyay dhammaan suuqyada. Cryptocurrencies kale oo waaweyn ayaa iyaguna lumiyay qiimahooda:
Ethereum (ETH) wuxuu hoos u dhacay 7.5%.
XRP wuxuu lumiyay 8.2%.
Solana (SOL) wuxuu lumiyay 9%.
Tani waxay muujinaysaa in maalgashadayaal badan ay ka quusanayaan suuqyada crypto.
Meeqo Ayuu Qiimaha Bitcoin Hoos Uga Dhici Karaa?
Hoos u dhaca Bitcoin wuxuu abuuray walaac badan. Khubaro qaar waxay aaminsan yihiin in Bitcoin uu buuxin doono “gap” qiime ah oo ku dhow $80,000 ka hor inta uusan dib u kicin. Laakiin haddii uu taasi sameyn waayo, qiimihiisu wuxuu gaadhi karaa $73,000.
Dhinaca kale, xogta la xiriirta Bitcoin options waxay muujinaysaa in maalgashadayaal badan ay saadaalinayaan in Bitcoin uu hoos ugu dhici karo ilaa $70,000. Tani waxay muujinaysaa in suuqyada crypto laga yaabo inay sii yaraadaan kahor inta aysan dib usoo kaban.
Maxay tani uga dhigan tahay jeeb yarta sida Soomaalida oo kale ? Fikirkaaga hoos nagula wadaag, share dheh hadaa ka hesho wararka suuqyada dhaqaalaha.
Eng. Abdishakur Mohamed