Axmed Salaad Ali

Axmed Salaad Ali Every day is another chance to Chang your life

Saxafiyadda caanka ah Sarah Khaliif ayaa lagu xukumay dil, kaddib markii lagu helay kiis la xiriira ka ganacsiga darooga...
09/05/2026

Saxafiyadda caanka ah Sarah Khaliif ayaa lagu xukumay dil, kaddib markii lagu helay kiis la xiriira ka ganacsiga daroogada.

⚖️ Xukunka ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Masar iyo baraha bulshada.

09/05/2026

Qof walbo Waxay rabtaa qof fahma iyadoo hadlin🙆🏻‍♂️❤️👏🏻

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu eedeeyay in askartiisu si arxan-darro ah ula dhaqmeen maxbuus laga...
09/05/2026

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu eedeeyay in askartiisu si arxan-darro ah ula dhaqmeen maxbuus laga qabtay Al-Shabaab.

Maxbuusku wuxuu leeyahay xuquuq iyo karaamo, waxaana ciqaab bahalnimo ah sida neef-qabatin ama biyo lagu cabburiyo ay ka hor imaanayaan Islaamka iyo xeerarka dagaalka. Ciidanka Qaranka waa inay muujiyaan caddaalad, sharci iyo bini’aadannimo.

Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa ka socda bannaanbaxyo looga soo horjeedo duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday...
09/05/2026

Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa ka socda bannaanbaxyo looga soo horjeedo duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday guriga Jeneraal Shub ee magaalada Doolow.

Shacabka bannaanbaxaya ayaa bartamaha magaalada ku gubay sawirka Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Calanka Turkiga, iyagoo ku eedeeyay dowladda Turkiga inay ka dambeysay duqeynta.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. 💔😭Walaahi aad ayaan uga naxay geerida walaalkeen Iyeey, oo dhaawac dhawaan soo...
09/05/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. 💔😭

Walaahi aad ayaan uga naxay geerida walaalkeen Iyeey, oo dhaawac dhawaan soo gaaray ugu dambayn u geeriyooday.😢

Geeridu waa xaq, qof walbana wuu dhimanayaa. Aan uduceyno Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisana samir iyo iimaan haka siiyo. 🤲

09/05/2026

Bal eeg sida uu farxay markii Baaro soo booqatay ganacsigiisa sh xabiib Marka soo dhaweeya oo aan dhiirigalino walaalkeen aan u duceyno inuu ilaahey ubarakeeyo ganacsigiisa❤️🥹🤲🏽

Sii share garee muuqaalka🙌

Qaar ka mid ah dhalinyarada dalka Nigeria ayaa la sheegay inay bilaabeen inay kelyahooda ku iibiyaan lacag aad u yar, iy...
09/04/2026

Qaar ka mid ah dhalinyarada dalka Nigeria ayaa la sheegay inay bilaabeen inay kelyahooda ku iibiyaan lacag aad u yar, iyagoo doonaya inay kaga baxsadaan saboolnimada iyo duruufaha adag ee nolosha. Keli kasta waxaa lagu sheegay inay ku iibinayaan lacag gaareysa $1,100 oo keliya.

Madaxweyne-ku-xigeenkii h**e ee Nigeria, Atiku Abubakar, ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladdan. Wuxuu sheegay in dhalinyarada iyo dadka danyarta ah ay cadaadis weyn kala kulmayaan qiimaha cuntada, shidaalka, kirada guryaha, daryeelka caafimaadka iyo korontada oo qaali noqday, sida uu ku qoray bartiisa X.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Booliiska Nigeria ay baarayaan kiisas la xiriira dad si sharci-darro ah looga saaray kelyahooda, iyadoo afar qof loo haysto eedeymo arrintan la xiriira, waxaana ku jira laba khabiir oo ku takhasusay kelyaha.

Marka qof dhalinyaro ah uu saboolnimo darteed ka fikiro inuu iibiyo xubin jirkiisa ka mid ah, waa digniin muujinaysa heerka ay gaartay xaaladda nololeed ee bulshada. 💔

💔 BILOW FIICAN… RAJO AYAAN HELNAY! 🤲🏽❤️Nimco, gabadhii yarayd ee Jigjiga ku xanuunsanayd, ee buro madaxa uga soo baxday,...
09/04/2026

💔 BILOW FIICAN… RAJO AYAAN HELNAY! 🤲🏽❤️

Nimco, gabadhii yarayd ee Jigjiga ku xanuunsanayd, ee buro madaxa uga soo baxday, maanta waxaa soo gaaray $4,400 oo loogu gurmanayo daaweynteeda. Alxamdulillaah! 🤲🏽

Nimco waxay ka timid Boorama. Buradii madaxa uga soo baxday markii h**e lama garan inay kansar tahay, balse markii ay sii weynaato oo xaaladdeedu xumaato ayay noqotay bukaan jiif. Waxaa hadda la sheegay in haddii buradu sii faafto ay arageeda halis gelin karto. 💔

Dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen in Addis Ababa loo qaado oo qalliin degdeg ah lagu sameeyo. Maanta qoysku waxay ku jireen xaalad murugo leh, iyagoo aan xitaa haysan lacagtii lagu gaarsiin lahaa Addis Ababa.

Laakiin Alle ayaa albaab fura marka aad mooddo in wax walba xirmeen. 🤲🏽❤️

$4,400 ayaa maanta soo gaartay. Haddii wax yar oo dheeraad ah lagu daro, waxaa suuragal ah in Nimco loo qaado Hindiya, halkaas oo loogu sameeyo daaweynta iyo qalliinka ay u baahan tahay.

⏰ Xaaladdu waa degdeg. Berito ayaa la qorsheynayaa in la qaado.

Qof kasta oo awooda, fadlan Nimco ha ka qayb qaato gurmadkeeda. Xitaa lacag yar oo aad bixiso waxay noqon kartaa qayb ka mid ah lacagta lagu badbaadinayo nolosheeda. ❤️

📱Ebir: 093 873 5588
Hinda Abdi Nur

📱 ZAAD: 0636408714
Hinda Aabdi Nuur

Haddii aadan awoodin inaad lacag dirto, SHARE garee.
Waxaa laga yaabaa in qofka aad gaarsiiso uu noqdo sababta Nimco loogu helo gurmadka ka dhiman. 🤲🏽❤️

Maanta waa Jimce aan uduceyno inuu Alle u fududeeyo, caafimaad taam ahna ha siiyo. 🤲🏽💔

09/03/2026

Nin waa nin marwalba ajaanib ayuu kaa yahay?🙆🏻‍♂️💔🤔

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyey in ganacsiyada yaryar iyo tafaariiqda loo xiro oo keliya muwaadin...
09/03/2026

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyey in ganacsiyada yaryar iyo tafaariiqda loo xiro oo keliya muwaadiniinta Kenya, iyadoo ajaaniibta lagu amray inay ka baxaan ganacsiyadaas.

Go’aankan ayaa si gaar ah u saameyn kara Soomaali badan oo Kenya ku nool, kuwaas oo aan haysan dhalashada Kenya balse nolol maalmeedkooda ku tiirsan dukaamada iyo ganacsiyada yaryar.

Ganacsigii ay sannado ku shaqaysanayeen haddii albaabada loo laabo, maxaa u qorshaysan Soomaalida? 💔🇸🇴

Arrintan ayaa hadda noqotay walaac weyn oo ay tahay in bulshada Soomaaliyeed si dhow ula socoto.

Address

65 Saddlesmith Cir, Kanata
Ottawa, ON
K2M2Y9

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Axmed Salaad Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Axmed Salaad Ali:

Shortcuts

Share