Qaranjoog Media

Qaranjoog Media Qaranjoog Media is to provide a trusted and indispensable source of information, news and entertainme

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra'isulwasaare Mohamed Hussein Roble  waxaa uu gaaray hee...
12/27/2021

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra'isulwasaare Mohamed Hussein Roble waxaa uu gaaray heerkii ugu xumaa abid. Marka loo eego waraaqaha wiiftada ah ee baraha bulshada la isumarinaya midkoodna ma muujin odaynimo, diin, akhlaaq wanaag, Soomaalinimo iyo rajo dowladnimo.

Runtii hadalka maanta Soomaali weyn u baahnayd kan kasoo yeeray madaxda ma ahan, qalbi jab aad u weyn ayaa laga dheehan karaa hadalada labada Mas'uul. Wadadii doorashada dalka ku qabsoomi lahaydna lagama shaqeynayo iskabadaaye baasiin ayaa lagusii shubayaa colaadda taagan.

Waxaan Allah ka rajaynayaa in dalka uusan galin xaalad dagaal oo horleh.

Qiso Cajiib ah oo dhexmartay Hooyo iyo Wiilkeeda!Waxaa la yiri Wiil baa wuxuu lahaa xaas iyo labo caruur ah, waxaa la no...
11/17/2021

Qiso Cajiib ah oo dhexmartay Hooyo iyo Wiilkeeda!

Waxaa la yiri Wiil baa wuxuu lahaa xaas iyo labo caruur ah, waxaa la noolayd hooyadiis, waxayse ku noolayd nolol aad u liidata, qol yar oo ciriiri ah oo la mid ah meelaha Eyga cidda u jooga lugu xiro, hooyada waxaa mar walba canaanan jirtay, caayi jirtay oo aad u xaqiri jirtay xaaska wiilkeedu qabo, isna dan k**a geli jirin oo xaaska ayuu aad u raalli gelin jiray, carruurta ayey uga tagan jireen wiilkeeda & xaaskiisu iyagoo iska dalxiis taga markii ay doonaan.

Markaa waxaa dhacday in maalin maalmaha kamid ah uu xaaskiisa iyo carruurta u wado meel shopping ah, kadib hooyadii ayaa tiri anigana maanta hala i wado lugo baxsi uun ilmaha ayaan ku daalay sidaan u hayaye, awal hooyada waxay u hayn jirtay ilmaha, wiilkeedii iyo xaaskiisa ayaa oo aad u dhibsanaya ayaa si quursi ku jiro u yiri waayahaye bal iska soo bax.

Waxaa la tegay meel Dukaan ah si alaab looga soo gato, wiilkii xaaskiisu waxay soo qaadatay alaabo faro badan oo uu ku jiray Dahab qaali ah, carruurtiina mid walba wuxuu doono ayaa loo iibiyey, weliba wiilka ayaa xaaska iyo carruurta mid-mid ugu lahaa waxaad rabto qaado, hooyadu waxay ogayd in aan iyada cidna waxba u iibinaynin sidaa awgeed waxba ma aysan soo qaadan, ugu danbayntii markii meesha lacagta lagu bixinayay la taagan yahay ayey hooyadu aragtay faraanti yar oo cajabiyay mase ahayn mid wax lacag sidaasa joogay.

Halka wiilka xaaskiisu dahab badan soo qaadatay, hooyadii ayaa faraantigii soo qabsatay oo iyadoo baqaysa ku tiri wiilkeedii: Hooyo macaan anigana faraantigan ii iibi waan ka helee, durba wejigii wiilka xaaskiisa ayaa is baddalay kaddibna ninkeeda hooyadiis aad u canaanatay iyadoo leh: waa maxay waxaad ku hadlaysid, waxaad tahay duq duqowday ilmaha keliya noo haay, waa maxay waxaad qaadaneysid?

Wiilkii ayaa isaguna sii raaciyey: waa run xilligaan maxaad iska qurxinaysaa, xaaskii ayaase sii dib ka sii raacisay iskase daa ilmaha ayey noo haysaa alaabtana way noo dhaqdaahe ha iska qaadatee.

Hooyadii ayaa intay ilmaysay iska tuurtay faraantigii oo tiri: wiilkaygiyow sidaad adduun iiga illaalisay adigana ilaahey naarta ha kaaga ilaaaliyo.

Waxaa halkaas ka muuqda hooyadu weli iyadoo sidaas ay u xumeeyeen wiilkeeda iyo gabadhii ay soddohda u ahayd in ay weli u sii ducaynayso, marka hooyo waxaa hela qof nasiib leh, Alle ha noo daayo.

Ma rabo inaan qoraal iyo faah faahin ku qoro Sawiradaan. Bes hadaad caawin karto Caawi, hadii aadan Caawin Karin u taabo...
07/21/2021

Ma rabo inaan qoraal iyo faah faahin ku qoro Sawiradaan. Bes hadaad caawin karto Caawi, hadii aadan Caawin Karin u taabo Share

Khadar 16 jir Kansar ayuuu la daala dhacayaa. Waa Codsi caawi waxaad ku awoodo. Sii share Garey. Waan hubaa inuu heli doono caawin 😭😭

La xiriir: Siman Maxamud Cilmi 00251929255180

Idris Alteeso

01/26/2021
01/25/2021

Qaar kamid ah Saraakiiisha dowladda Soomaaliya ee kusugan degmada Baladxaawo oo shacabka lahadlayay ayaa ka warbixiyay dagaalkii halkaasi kadhacay

01/25/2021

'Waxaan kutaami jiray in aan mar un ciidanka xoogga dalka kusoo biiro'

waxaa waxaa uu kamid ahaa askartii duullaanka kusoo qaadday degmada Baladxaawo

01/20/2021

Afar sano oo jahawareera kadib maanta ayuu faaruqiyay Xafiiska madaxweyne Donald J. Trump. Sawaxan iyo buuq ayuu kala kulmay afaafka h**e ee guriga cad

Maxaad lagu xusuusan doonaa Donald Trump

01/19/2021

Sheikh Abdurrahman Mossad

01/16/2021

Sheikh Usuuli iyo Su'aal laxiriirta bidaarta

01/14/2021

Hantida dhabta ahi waa caafimaadka ee ma ahan dahab, dollar iyo daara-dhaadheer.

01/14/2021

Abdihafid Mahamud ma ahan oo kaliya wariye ee sidoo kale waa aftahan, wadani dhab ah jecel dalkiisa dadkiisa iyo Masiirka Umadda Soomaaliyeed in uu hagaago.

Daawo siina Share-garee.

Address

8004 Bank Street
Ottawa, ON

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qaranjoog Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qaranjoog Media:

Share