06/28/2026
Gabdhaha qaatay fikradda feminism-ka xagjirka ah ha akhriyaan buugga “Heshiisyada Caalamiga ah iyo Saamayntooda ay ku leeyihiin Burburinta Qoyska.” ee Dr. Kaamiliya Xilmi Maxamed
Dr. Kaamiliya Xilmi Maxamed waa cilmi-baare iyo aqoonyahan ku takhasustay daraasaadka qoyska, xuquuqda aadanaha iyo heshiisyada caalamiga ah. Waxay shahaadada PhD ka qaadatay sannadkii 2019, iyadoo ku qaadatay mowduuca: saamaynta heshiisyada caalamiga ahi ku leeyihiin qoyska, taas oo markii dambe loo daabacay buuggan oo ka kooban 745 bog. Intaa waxaa dheer, waxay haysataa shahaadada Master-ka oo ku qaadatay mowduuca fahamka erayga ‘rabshadaha qoysas ka ka dhex jira (Domestic violence/العنف الأسري) iyo sida loogu adeegsado ereygaan heshiisyada caalamiga ah, iyo Diploma dhinaca bulshada rayidka iyo xuquuqda aadanaha oo ay ka qaadatay Jaamacadda Qaahira. Waxay muddo dheer ka qayb galaysay shirarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, iyadoo ahayd isku-duwaha Isbahaysiga Ururrada Islaamiga ah, waxayna si dhow ula socotay habka loo diyaariyo heshiisyada iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya haweenka, carruurta iyo qoyska. Khibraddaas awgeed ayay sheegtay in buuggeedu aanu ahayn falanqayn aragtiyeed oo keliya, balse uu ku dhisan yahay daraasad ay ku samaysay qoraallada rasmiga ah ee heshiisyada iyo shirarka caalamiga ah.
Mowduuca ugu weyn ee buuggu waa dhaliisha fikirka feminism-ka xagjirka ah (radical feminism). Sida ay Dr. Kaamiliya ku dooddo, khatarta ugu weyn ee qoyska maanta ma aha is maandhaaf ka lammaanaha ama dhibaatooyin dhaqaale oo keliya, balse waa isbeddel fikir oo si tartiib tartiib ah loogu gudbinayo bulshada iyadoo la adeegsanayo magaca xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta. Waxay ku doodaysaa in feminism-ka xagjirka ahi uu ka gudbay dalabkii ahaa in haweenku helaan xuquuqdooda, uuna isku beddelay mashruuc dib u qeexaya xiriirka ragga iyo dumarka, qoyska, guurka iyo xitaa aqoonsiga lab iyo dheddig. Sida ay sheegtay, hadafka ugu dambeeya ee fikirkan waa in la tirtiro kala duwanaanshaha dabiiciga ah ee u dhexeeya ragga iyo dumarka, lana beddelo qoyska oo ahaa tiirka ugu muhiimsan ee bulshada.
Buuggu wuxuu si gaar ah u sharxayaa in feminism-ka xagjirka ahi u arkaan qoyska inuu yahay meel lagu dulmiyo haweenka. Sidaas darteed, waxay ku doodaysaa in taageerayaasha fikirkan ay u arkaan in xorriyadda haweeneydu aysan dhammaystirmayn ilaa laga saaro waxa ay ugu yeeraan “doorarka dhaqanka” ee hooyonimada, daryeelka carruurta iyo ku tiirsanaanta ninka. Sida ay Dr. Kaamiliya qortay, tani waxay horseedaysaa in qoyska loo arko caqabad, halkii loo arki lahaa saldhigga bulshada. Waxay aaminsan tahay in tani tahay sababta ay heshiisyo badan oo caalami ahi ugu baaqaan in la beddelo kaalinta ama door ka aabbaha iyo hooyada laguna beddelo waxa loogu yeero “doorar jinsiyadeed” (gender roles).
Sida buuggu qabo, fikradda gender waa tiirka ugu weyn ee feminism-ka xagjirka ah. Qoraagu waxay ku doodaysaa in eraygani aanu ku koobnayn ixtiraamka dadka kala duwan, balse loo adeegsado in lagu diido in ragga iyo dumarku leeyihiin doorar dabiici ah oo kala duwan. Waxay sheegaysaa in marka fikradda gender la aqbalo, ay ka dhalanayso baaqyo ku saabsan sinnaan buuxda oo dhinac kasta ah, baabi’inta qawwaamada, diidmada kaalinta gaarka ah ee hooyada iyo aabbaha, iyo sharciyo meesha ka saaraya kala duwanaansho kasta oo ku salaysan jinsiga. Sida ay qoraagu qabto, tani ma dhisayso qoys, balse waxay sii kala fogaynaysaa xubnaha qoyska.
Dr. Kaamiliya waxay sidoo kale ku doodaysaa in feminism-ka xagjirka ahi aanu ku koobnayn doodaha tacliimeed, balse uu saameyn weyn ku yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay. Waxay soo bandhigaysaa dood ah in guddiyada qaabilsan haweenka iyo carruurta ay muddo dheer saamayn ku lahaayeen dad taageersan aragtidan, taas oo ay ku andacoonayso inay sababtay in heshiisyo badan lagu daro ereyo sida “gender”, “caafimaadka taranka”, “xorriyadda galmada” iyo “xuquuqda taranka”. Sida ay iyadu u aragto, ereyadan waxaa loo adeegsadaa in si tartiib tartiib ah loo beddelo sharciyada iyo dhaqamada bulshooyinka kala duwan.
Buuggu wuxuu kaloo ku doodayaa in feminism-ka xagjirka ahi dhiirrigeliyo siyaasado ay ka mid yihiin kor u qaadidda da’da guurka, caadi ka dhigista galmada ka baxsan guurka, sharciyeynta ama aqoonsiga xiriirrada dadka isku jinsiga ah, xuquuqda ilmo iska soo rididda. Sida ay qoraagu qabto, marka arrimahan oo dhan la isku geeyo waxay dhalinayaan guur yaraada, furriin bata, dhalmo hoos u dhacda iyo qoys daciifa. Sidaa darteed ayay buugga oo dhan ugu celcelisaa in feminism-ka xagjirka ahi, sida ay iyadu u fahamsan tahay, uu yahay mashruuc lagu burburinayo qoyska, halkii uu ka ahaan lahaa dhaqdhaqaaq lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka.
Gabagabadii, Dr. Kaamiliya waxay ku baaqaysaa in bulshooyinka Islaamka ay si qoto dheer u bartaan heshiisyada caalamiga ah ka hor inta aan la saxiixin ama la dhaqan gelin. Waxay ku talinaysaa in la xoojiyo guurka, la taageero kaalinta hooyada iyo aabbaha, la dhiirrigeliyo xarumaha talo-bixinta qoyska, lana mideeyo hay’adaha u ololeeya ilaalinta qoyska. Sida ay ku soo gunaanadday daraasaddeeda, qoyska ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee bulshada, waxaana ay ku doodaysaa in fikir kasta oo meesha ka saaraya qaab-dhismeedkiisa iyo doorarkiisa uu ugu dambayn horseedi karo dhibaatooyin bulsho oo waaweyn.
Haddii aad rabtid account Facebook ga ee Sr Kamaaliya halkaan ayaad kala socon kartaa: د. كاميليا حلمي طولون