Suheyba Badqas

Suheyba Badqas This is the Official Facebook fan page of Suheyba Mohamed Sirad (Badqas)
(4)

I respect everyone, safeguard the ethics and act responsibly in all the content I create for my Facebook.

12/25/2025

ILAAHAYOW subaxdan waxaan kaa baryaynaa nolol deggan, qalbi saafi ah, guul joogto ah, iyo farxad aan dhammaad lahayn. ILAAHAYOW wiilasheenna iyo gabdhaheena ka ilaali sharka fidnada kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba. ILAAHAYOW hagaaji xaaladaha Muslimiinta meel kasta jogan ILAAHAYOW hagaaji xaaladdayada. ILAAHAYOW naga fogee fidnada. ILAAHAYOW ilaali dalkeenna iyo dadkeenna. Ilaahayow hoggaamiyayaashayada xaqa tusi, ILAAHAYOW fahansii inay u naxariistaan dadka ay hogaaminayaan, ILAAHAYOW ilaali dadka iyo dhammaan dhulka Muslimiinta.

12/23/2025

Curadka iyo culaysyada uu la kulmo xanuunada uu ka qaadi karo!

Adiga hadaad curad tahay ma jiraan culays aad la kulantay?

12/22/2025

Fursaddan muhiimka ah oo ay kuu hayso SOFA CITY ka faa'iideyso hadaad Nairobi joogto...December Deals

12/22/2025

ILAAHAYOW naga dhig kuwa la badbaadiyay adduun iyo aakhiro, sidaad addoommadaada wanaagsan u badbaadisay, oo naga dhig kuwa dhaxla Jannadaada sare, oo barakee nolosheenna adduunyada oo ka dhig dhammaadkeeda aakhiro mid wanaagsan, Naxariis badanow. ILAAHAYOW dalkeenna ka ilaali dhibaatooyinka. ILAAHAYOW waxaan kaa baryaynaa farxad qof kasta oo dhibaataysan, bogsiin qof kasta oo buka, cafis dembiile kasta, hanuun addoon kasta, quudin qof kasta oo baahan, iyo aqbalaadda duco kasta. ILAAHAYOW guul sii walaalaheenna Muslimiinta ah ee la dulmay meel kasta oo ay joogaan. Aan ku salina NNKH.

12/21/2025

“Hadaad aragto Qofka aad nolosha la wadaageyso oo ku gumeysanaya waxbana aadan iska oran karin waad sixrantahaye ogow”

12/20/2025

"Iyadoo hal Wiil u haysa Guurkooduna cusub yahay Ayuu Xaas kale ka raacay iyadina furay telfoonkana ka xirtay, kadibna wax layaable ayaa dhacay"

Ustadah Fartuun Maxamed

12/19/2025

Curad hadaa tahay arrimahan ma ku soo mareen? Ma dareentay? Mauuliyadaada maxay aheyd? Wali masuuliadi ma ku saaran tahay?

12/19/2025

ILAAHAYOW na sii dabeecad wanaagsan oo suuban. ILAAHAYOW dhibka naga fududee, culayska naga fududee, na sii wanaag badan, na hanuuni, oo hagaaji xaaladdeenna. ILAAHAYOW na cafi anaga iyo waalidkeen iyo qoysaskeenna. ILAAHAYOW xooji go'aankeenna oo naga qaad dhibaatada iyo masiibooyinka. ILAAHAYOW dhulkeenna hooyo ka dhig mid ammaan ah oo xasilloon oo hanuuni dadkeeda iyo hoggaamiyeyaasheeda. ILAAHAYOW aqbal ficilladeenna wanaagsan oo cafi dembiyadeenna iyo falalkeenna xun. ILAAHAYOW guul sii walaalaheenna Muslimiinta ah ee la dulmay meel kasta oo ay joogaan. Aan kusalina Nabiga NNKH. Jumca Mubarak

12/18/2025

Fariin ku socota Dadka Qur'aanka inta xifdiyey kadibna katagay!

Ustaadah Suad Sh Cabdulahi

12/17/2025

Kani waa Barnaamij cusub oo aan uga hadli doonno Welwelka (anxiety)

"Nin baan qisadiisa idinla wadaagayaa iminka nool, asalkiisu waa ayrish, waa qolooyinkan Inkiriiska ehee asalkiisu ayris...
12/16/2025

"Nin baan qisadiisa idinla wadaagayaa iminka nool, asalkiisu waa ayrish, waa qolooyinkan Inkiriiska ehee asalkiisu ayrishka yahay, waa 24 jir markaas, wuu islaamay, kadibna wuxuu bilaabay in uu Diinta barto, fiqiga ayaa loo bilaabay, kadibna wuxuu arkay iyadoo la leeyahay shaafici baa sidaas yiri Axmed baa yiri hebel baa sidaas yiri, kolkaas buu yiri waa kuma ragaan aad sheegeysaan, markaas baa lagu yiri waa Culimo waaweyn, kadibna wuxuu ku jawaabay anigu waxaan rabaa Alle wuxuu yiri inaan toos u fahmo oo cidina aysan inoo dhaxayn, kadib ayaan ragga kale fahamkooda ogaan doonaa"

"Waa la ambabixiyey waxaana loo diray halka ay joogaan Culimo waaweyn si uu Shareeadda islaamka usoo barto, 10 sano ayuu maqnaa, kadibna wuxuu kusoo laabtay isagoo 34 jir ah Masjidki England ku yaalay ee shahaadada loogu qabtay, hadadan aan sheekadiisa idinla wadaagayo waa Imaamka Masjidka, kuwi shalay ku dhiirrigelshay in uu wax soo barto maanta isaga ayeey weydiiyaan wixi diiniyan ah oo ay rabaan in laga jaahil baxsho, kuwi Diintan macaan ku dhashay Manta isagaa kutubta u akhriya oo ay ka dambeeyaan"

"Ujeedka hadalkaygu waxa weeye war hadaad fursadaas heli karto baro diinta Islaamka oo wax badan ka fahan, hubaal wax badan ayeey nafsadaada ka bedeli doontaaye"

Shekh Almis.

12/15/2025

"Quraanka in ay Tirtiraan wey jeclaan lahaayeen laakiin waxaa kahortaagan kuwa isagoo dhan xifdisan"

Dr Cumar Maxamed Warsame.

Address

3099 Uplands Drive
Ottawa, ON
K1V9T6

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suheyba Badqas posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share