Doogsan Media

Doogsan Media Doogsan Media Shirkad Warbaahineed Oo Ka shaqaysa Arimaha Bulshada.

12/14/2025

DEG DEG''Raadiyihii Boosaaaso ku xirnaa ee hawada Badda cas ayaa hadda qarxay''Maareeyaha Hay'adda Duulista DFS Axmed Macalin

12/14/2025

Sidee Garowe loogu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Doolo ee Dowlad Degaanka?

Doogsan Media

Kulamadii Galabta ilaa Caawa ee Tartanka Horyaalka Ingiriiska oo aan waxba la isku Reeban ,City oo Garaacday Crystal Pla...
12/14/2025

Kulamadii Galabta ilaa Caawa ee Tartanka Horyaalka Ingiriiska oo aan waxba la isku Reeban ,City oo Garaacday Crystal Place una so jirsatay Arsenal Labo Dhibcood-

Astonfila oo Garaacday Westaham Ciyaar Mucjiso ahayd iyo Forest oo Garaacday Toteham , Xilli Darbigii Maanta Sunderland iyo New castle ay badisay Sunderland-

Madaxda Sare ee Puntland iyo Bahda Dhaqanka oo Ka Cudur-daartay La Kulanka Nasir CigeGaroowe Madaxda ugu sareysa Dowladd...
12/14/2025

Madaxda Sare ee Puntland iyo Bahda Dhaqanka oo Ka Cudur-daartay La Kulanka Nasir Cige

Garoowe Madaxda ugu sareysa Dowladda Puntland iyo bahda dhaqanka ayaa ka cudur-daartay in ay la kulmaan isla markaana sawir lala galo nin lagu magacaabo Nasir Cige kaas oo maalintii shalay isaga tagay magaalada Garoowe.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u sheegay in Nasir Cige uu doonayay kulan iyo is dhexgal uu la yeesho masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah isimada dhaqanka, hase yeeshee codsigaasi uusan hirgelin sababo la xiriira arrimo aan si rasmi ah loo shaacin.
Dhankiisa Nasir Cige ayaa la xaqiijiyay in uu shalay ka dhoofay magaalada Garoowe inkasta oo aan si faahfaahsan loo ogeyn halka uu u gudbay iyo ujeedada safarkiisa xiga.

PUNTLAND;Dowladda Hoose ee Dagmada Qardho ayaa soo bandhigtay qaab-dhismeedka cusub ee uu yeelan doono garoonka kubadda ...
12/14/2025

PUNTLAND;Dowladda Hoose ee Dagmada Qardho ayaa soo bandhigtay qaab-dhismeedka cusub ee uu yeelan doono garoonka kubadda cagta Qardho, kaas oo lagu wado in hadda la bilaabo qorshayaal garoonka lagu dhisayo

12/14/2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Dhismayaal iyo Dayactir balaaran oo lagu sameeyey Qeybta Guud ee Nabad-gelyada Gonolka Banaadir Taraafiko

12/14/2025

Gudoomiyaha Xirirka kubada cagta Puntland oo booqasho ku tagay Magaaladda Qardho ayaa booqasho ku tagay Garoonka Kubada Cagta ee BOOBE STUDIUM kaas oo Guddomiyaha iyo injneero la socday ay qiimayn ku sameeyeen xaalka Garoonka.

Gudoomiye Xakiiki Waxaa soodhaweeyay Guddomiyaha G/Karkaar Abdi Siciid, Guddiga Garoonka & bahda Sports ka G/Karkaar.

Gudoomiye Xakiiki ayaa tan iyo intii uu Xilka la wareegay wuxuu dardar galin xoogan ku sameeyay Horumarinta Ciyaaraha PUNTLAND.

12/14/2025

Isimo dhaqan oo ka kala yimid Mudug, Nugaal iyo Karkaar oo arin darteed u tagay magaalada Xingalool

WARDEGDEG: Ciidamo ka tiraan PMPF ayaa xirtay maanta albaabada lagga galo xeradda PMPF ee Boosaaso iyo sidoo kale wadada...
12/14/2025

WARDEGDEG: Ciidamo ka tiraan PMPF ayaa xirtay maanta albaabada lagga galo xeradda PMPF ee Boosaaso iyo sidoo kale wadada aada deegaanka Qaw, waxayna joojiyeen isu-socodka xeradda iyo deegaankaas, sababo la xariira gadood shaqo oo ka dhashay mushahar la’aan sidda uu baahiyay Weriye Maxamed Jaamac oo ka mid ah suxufiyiinta Boosaaso.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamadii PMPF ee ku sugnaa Magaalada Balidhidib ay iyaguna gadood uga soo baxeen deegaankaas, iyaggoo u safray magaalada Boosaaso. Ciidamadii kale ee shalay soo gadooday deegaanka Geesaqabad ayaa iyaguna soo gaaray deegaanka Kobdhexaad.

Jahwareer dhaqaale iyo isku-dhexyaac maamul ayaa ka taagan hay’ada PMPF, Ciidamada ayaa mushaharkii yara ee korontada, kirada, biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo deymaha ay ku maareyn-jireen la’a iyadoo bishu marayso 14, waxaana bishaan usii dheer lacagihii imtixaanada iskuuladda oo la sugayo sidda ciidamadda buuraha saaran qaarkood noo sheegeen.

Mohamoud Nadif Shire

Puntland ayaa u yeertay Mas'uuliyiin dowladda ee gobolka Raascasayr (heer gobol iyo heer degmo) inay imaadaan Garowe
12/14/2025

Puntland ayaa u yeertay Mas'uuliyiin dowladda ee gobolka Raascasayr (heer gobol iyo heer degmo) inay imaadaan Garowe

12/14/2025

DFS oo tageertay soona dhawaysay in wariyaasha Puntland aysan war ka duubin wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid

12/14/2025

Muungaab oo Shiikh Shariif ku tilmaamay madax jabiye been badan

Address

Ottawa, ON

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Doogsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Doogsan Media:

Share