10/11/2023
NIDAAMKII FEDERALISMKA EE SOOMAALIDU AADKA UGU HANWEYNEYD YAA FASHILINAYA?
Soomaalida oo h**ey ugu khasaartay nidaamkii 4,5ka ee Carta lagu soo yamyamey oo markale hadana xal mooday nidaamka Federalismka, si looga badbaado kalitalisnimo, islamarkaana talada loogu soo daadajiyo shacabka ayaa markale u dhow inay ku hungowdo nidaamka Federalismka ee ay qaadatay 20 sano ka h**e.
La mood, noqon,se weydey!
Fedreralismka iyo awoodda oo shacabka loo daadajiyo bedelkeed nidaamkii loo hanweynaa waxaa loo bedeley Isbaarooyin calamo kala duwan ka dul-babanayaan. Waxaana intooda badan isu caleemosaaray hogaamiyo-kooxeed iyo hogaamiyo-diimeed ka daran magafayaasha saxaraha jooga. Taasoo ay usii dheertahay faragalinta shisheeyaha iyo xiriirkooda Caalamiga ee ay si madaxbannaan ula samaystaan Caalamka iyo cidday doonaan, iyagoo iskala weyn dowladda dhexe iyo dastuurka federalka Somaliya.
Xal u helid la’aanta dowladda dhexe 12ka sano ee Axmed Madoobe iyo Lafta gareen oo isna hadda u muuqda inuu cagta saaray wadadii Sheekha, ayaa ku tuseysaa nooca loo bedelay iyo sida loo afduubay nidaamkii Somalidu caashaqday.
Fashilka Federalismka waxaa ka marqaatikacaya, mucaaradka kasoo jeeda Jubaland iyo Koonfur-Galbeed oo quus ka jooga in doorasho xor oo wakhtigeeda lagu qabto ka dhacdo deegaamadooda.
Dhibka ay ku hayaan shacabka ka sokow horjoogayaasha maamul-goboleeyada waxay awood u leeyihiin inay bedeli karaan Madaxweynaha Federaalka hadii uu ku cadaadiyo inay qabtaan xattaa doorasho waafaqsan dastuurkii ay iyagu gacmahooda ku qorteen, sidii ay h**eba xukunka uga tuureen Farmaajo kadib markii uu hawlohooda faraha la galay.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa hadda ku marmarsoonaya in doorashooyinka dalka la mideyndoono lana qaban doono November 2024, kadib markii ay xal u waayeen hoggaamiyaha muddada fog ku fadhiya kursiga Jubbaland, taasoo keentay inay ku adkaato inay ku deg-degaan Lafta-gareenka Koonfur Galbeed oo ay siyaasadda ku kala fogaayeen, una arkaan haraagii Farmaajo.
Intixaamka ugu wayn ee hadda Madaxweyne Xasan Sheekh horyaallo waa sidii uu uga badbaadin lahaa nidaamka Federalismka Axmed Madoobe iyo Xertiisa?
Sidaa awgeed Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiyaa nuu 3 mid yeelo!
1. Inuu hogaamiyayaasha maamul-goboleedyada ku qanciyo inay qabtaan doorashooyinka, wakhtigoodana ku qabtaan
2. Inuu wadadii Farmaajo qaado oo uu xoog iyo xeelad u isticmaalo hogaamiyo-kooxeedyadani hortaagan shacabka ku nool maamul-goboleeyada.
3.Inuu talada dib ugula soo noqdo shacabka Soomaaliyeed, si loo qiimeeyo markale nidaamka Federalismka.