10/08/2026
JAAMACADDA CAMUUD: HANTIDA UMADDA LAGUMA BEDDELI KARO GOOB GUUL-WADAYN
Jaamacadda Camuud waa hanti ummadeed, waana hay’ad waxbarasho oo loo aas-aasay inay soo saarto aqoon, akhlaaq, fikir madax-bannaan iyo jiil u adeega danta bulshada. Maaha meel lagu barto dabadhilifnimo, kaba-qaadnimo iyo guul-wadayn. Balse maanta waxaa soo baxaya su’aal culus: Jaamacaddaydii camuud ma waxay ku socotaa ujeeddadii loo aas-aasay, mise waxay isu beddelaysaa xaruntii kacaanka kabaqaadnimada iyo guulwadaynta?
Waxaan dhammaan shacabka Gobolka Awdal iyo gaar ahaan bulshada reer Borama weydiinayaa:
Haddii Professor Ruush—oo ahaa Bare xaqa sheega, qiyamka, karaamada iyo danta ummaddiisa ilaaliya hadii sidaas qiimaha daran loola dhaqmo, maxaad ka filaysaan in lagu barto jaamacadda?
Jiilka la soo saarayo Ma noqon karaa kuwo aqoon iyo hal-abuur ku hubaysan, mise waxay soo saaraysaa kuwa kaba-qaad iyo guul-wadayn iyo habrasho yaqaan?
Jaamacadda Camuud jiilka bari ma waxay saari doonta jiil ku dhac leh doontii , mise kuwo habrada oo guulwadayaal ah?
Jaamacaddu waa dhaxalka ummadda; himiladii loo aasaasayna lagama leexin karo.
W/Q Mowliid Daahir Alaale