09/08/2026
WASIIRKA WASAARADDA WAXBARASHADA JSL OO KORMEER KU TEGAY DUGSIYADA MAGAALADA CEERIGAABO
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf (Cadhoome), oo maalmahan ku sugan magaalada Ceerigaabo, ayaa kormeer shaqo ku tegay dugsiyada waxbarashada ee magaalada Ceerigaabo.
Kormeerkan uu Wasiirku ku marayey dugsiyada magaalada ayaa daaranaa u kuurgalidda habsami u socodka hawlaha waxbarashada, xaaladda guud ee dugsiyada, joogtaynta ardayda iyo macallimiinta, iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ka jira goobaha waxbarashada.
Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku jiray la kulmay maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo ardayda, isagoo warbixino ka dhegaystay xaaladda waxbarashada iyo hawlaha ka socda dugsiyada uu booqday.
Wasiid Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa sheegay in kormeeradani ay qayb ka yihiin geeddi-socodka horumarinta waxbarashada dalka iyo dadaallada ay Wasaaraddu ku xaqiijinayso in waxbarasho tayo leh ay helaan ardayda Somaliland.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku boorriyey maamulka dugsiyada iyo macallimiinta inay sii xoojiyaan masuuliyadda ka saaran waxbaridda iyo kobcinta aqoonta ardayda, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada iyo dalka.