Daafeet

Daafeet Shabakada Warbaahinta Daafeet Media

Siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka labada aqal oo gebi ahaantood kasoo jeeda maamulka gooni goosadka ee somaliland ayaa ...
01/01/2026

Siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka labada aqal oo gebi ahaantood kasoo jeeda maamulka gooni goosadka ee somaliland ayaa maanta warbaahinta magaalada muqdisho u aqriyey bayaan ay ku taageerayaan maamulka somaliland ayagoo iska dhigaya iney mar walba u taagan yihiin ka shaqeynta midnimada somaliya hadalkaas oo ah kalaam faaruq.

Hadaad dhegeysateen hordhaca hadalkooda wexey ku sheegeen in somaliland oo Dal ah ay kusoo biireen somaliya oo Dal ah, Taasoo beenta koowaad ah waxa isku biirey ma ahayn Laba Dall ee wexey ahaayeen Laba Gobolood, Gobolada Waqooyin oo markasi gumeysanayey British iyo Gobolada koonfureed oo markaasi gumeysnayey Talyaaniga.

Wexey kaloo sheegeen in dhamaan dowladihii la dhisey isku biirista gobolada waqooyi iyo gobolada koonfureed kadib ay xukunkii oo dhan wada qaateen siyasiyiintii kasoo jeeday Gobolada Koonfureed halka siyaasiyiintii kasoo jeedey Gobolada Waqooyi aan waxba la siin, taasoo ayadana ah been kale halka dowlada kacaanka bilow ilaa iyo dhamaad ka tirsanaayeen, waxaana 25kii golaha sare ee kacaanka ugu jirey Gaanshaanle sare Ismaciil Cali abukar iyo Axmed Saleebaan Dafle iyo qaar kaloo badan.

Wexey kaloo ka hadleen in xukumadii siyaad bare ay dhibaato badan u geysatey Gobolada Waqooyi dad badana lagu xasuuqay, Taasoo ayadana ah marin habaanin kale ama beentii loo sheegayey shacabka Reer Somaliland oo la rabo in la dhabeeyo, Maamulka Siyaad bare ma jirin reer uu gooni u beegsadey balse wuxuu beegsanaayey jabhado lidi ku ahaa xukuumadiisa taasina waa wax ay sameeyaan dhamaan madaxda dowlado badan.

Siyaasiyiintan aan ka war heyn waxey ku hadlayaan amaba aan daraasaad badan kusoo sameyn doodooda ayaa waxaa kaloo noo sheegeen in xiligii carte ilaa iyo maanta in siyaasada dalka ay hogaanka u hayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Koonfureed taasoo ayadana been kale ah, Xiligii carte ilaa iyo maanta siyaasiyiinta kasoo jeeda waqooyiga k**a marneyn siyaasada dalka, Waa laga yaabaa in kooxdii mataleysay waqooyiga ineysan aheyn dad mug ku leh siyaasada shacabka waqooyiga laakiin ayagaba dhowrkii sano ee lasoo dhaafay matalayey welina u taagan iney Matelaan hadeysan ayaga is aaminsaneyd xilka ha iska casileen.

Ugu dambeyn kooxdani wexey soo saareen bayaan ka kooban dhowr qodob oo ay ugu yeereen talo balse aan talo eheyn oo dhinac u janjeera markastana wexey gardarada saarayeen dowlada federaanka somaliya iyaga oo aan marnaba ka hadlin qaladaadkii kala duwanaa ee ay galeen siyaasiyiinta la magac baxay somaliland iyo weliba kan hadal heynta badan dheliyey.

Isku soo wada duub aniga talo ahaan waxaan kusoo jeedin lahaa kooxdan magalada muqdisho usoo shaqo doonatey in dib loogu musaafuriyo deeganada ay sheeganayaan markaasi kadib in wadahadal sax ah lala galo kooxda ay ka go,an tahay in lagala xaajoodo arimaha somaliland, Kuwan iyo weliba kuwo kaloo badan yaan waqtiga lagu lumin, dad dhor iyo labaadan sano siyaasad ay kusoo jireen mushaar iyo xilana kasoo qabtey kana been sheegaaya in ay ku weyn tahay qadiyada somalinimo anagoo arkeyna iney ku weyn tahay mida reerkooda ma garan karo waxa loo heysto.

Somaliya soomaali baa leh, Shaqsi walba oo Qaran qabiil ka doorbida yaan lagu dhexheyn siyaasada dalka sababtoo ah waa qof xanuunsan qof xanuunsana danta guud laguma aamini karo.

Somaliya mar walba Guul.

Ani weli ma fahmin cictiraafka noocaan lagu raadinaayo iyo faa'iidada uu leeyahay, hadii raadinta cictitaafka wadadan id...
01/01/2026

Ani weli ma fahmin cictiraafka noocaan lagu raadinaayo iyo faa'iidada uu leeyahay, hadii raadinta cictitaafka wadadan idinla galey hadii la idin siiyo dhaqankiina muxuu noqon doonaa.

SHARAFTAADA IYO DADNIMADADAADA MARBA HADII LAGAGA BEDELAN KARO SHEY WAXAAD OGAATAA IN AADAN WAX QIIMO KU FADHIN.

Bahda Daafeet Media oo u aqoonsatey shaqsiga sannadka 2025 Safiirka somaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Abuk...
12/31/2025

Bahda Daafeet Media oo u aqoonsatey shaqsiga sannadka 2025 Safiirka somaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Abukar Dahir Osman Baale, oo runtii ah shaqsi howl wanaagsan u qabtey bulshada soomaaliyeed magaceedana kor u qaadey tan iyo intii loo magacaabey inuu noqdo safiirka somaliya u fadhiya Qaramada Midoobey.

Ambassador Abuukar Daahir waxaan ku leenahay well done, Shaqada aad bulshada u heysana ilaahay hakugu garab galo.

Waxaan maqli jirey dhabaq dhabaq h**e dhabanaheys dambey leedahay, Cictiraafkan ay tolkan ku waasheen waxaan ka baqayaa ...
12/26/2025

Waxaan maqli jirey dhabaq dhabaq h**e dhabanaheys dambey leedahay, Cictiraafkan ay tolkan ku waasheen waxaan ka baqayaa inuu meel xun oo aan la gala soo laaban karin la galo.

Cictiraafka uu maanta ku dhawaaqay Nataniyahu muxuu salka ku hayaa kooxaha asaga ku taageeri doono oo ay ka mid yihiin Emaraad, Mareykanka iyo Ethiopia dantoodu mexey tahay shacabka somalilandna mexey ka faaiidi doonaan.

Mida kale ee su'aasha u baahan wexey tahay Nataniyahu mala socdaa xududaha wadanka uu aqoonsadey halka ay ka bilowdaan xuduudihiisa iyo halka ay ku eg yihiin mise waxaa u cad oo keliya sidii halkaasi uu xarun milateri uga sameyn lahaa.

Ilaa iyo hada waxaan filayaa iney noqon doonto hadal afka laga yiri oo aan dhaqan geli doonin hadii la damco in la dhaqan geliyana dowlado badan ay isku qabsan doonaan.

Sawirka noocaas oo kale markaad aragto waxaa kaaga soo baxaaya in qaranimo soomaaliyeed aysan soo dhaweyn.Waxaanan weli ...
12/20/2025

Sawirka noocaas oo kale markaad aragto waxaa kaaga soo baxaaya in qaranimo soomaaliyeed aysan soo dhaweyn.

Waxaanan weli garan siyaasiyiintan ma cudurka hilmaankaa ku dhacay mise garaadka caqligooda ayaaba intan ah.

Somaalida mexey isku leysay oo ay ku kala maqan tahay goormeese ka gudbi doonaan in reer ama laba reerood masiirka umada u afduubnaado 35 sano maku filnaan weydey.

12/10/2025

NISSA IYO CIIDAMO AJNABI AH OO DAD MAATO OO AAN WAXBA GALABSAN KU XASUUQDEY DEEGAANKA JAMBALUUL EE DEGMADA AFGOOYE.

NISSA AYAA WAXAA AY SHEEGTEY INEY DUQEYN LA BEEGSADEEN CIIDAMO KA TIRSAN ALSHABAB OO TUULADAASI KU SUGNAA TAASOO RUNTII AH MARIN HABAABIN LAGU SAMEYNAYO SHACABKA SOOMALAIYEED.

HADABA HADII DADKA LA BEEGSADEY AY AHAAYEEN ALSHABAB MAXAA KEENEY IN 30 QOF OO SHACAB AH OO WELIBA U BADAN CARUUR IYO HAWEEN INEY DHIBAATO KASOO GAARTO.

WAA MASHAAKIL HADII GARSOORKII IYO KAN FULINAAYO IYO KAN BULSHADA DHIBKA KU HAYO AY ISKU MID YIHIIN.

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, Bahda Daafeet Media Waxaa ay halkan tacsi tiiraanyo leh uga direysaa Reer Caliyow ...
12/02/2025

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, Bahda Daafeet Media Waxaa ay halkan tacsi tiiraanyo leh uga direysaa Reer Caliyow Ibroow oo maanta walaalkood Eng Maxamuud Xuseen Caliyow ku geeryoodey dalka Jabiiti.

Waxaan Eebe uga baryeynaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodeyna In samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo Alaahuma Amiin.

11/24/2025

YAA MUDNAA IN TELIYAASHAN U SHEEGO AMARKA UU XEER ILAALIYAHA AQRINAAYO? HALKEESE MUDNEYD IN LOOGU SHEEGO? YEYNA KA AMA QAATAAN LABADAN TALIYE?

WAA DHOWR SU,AALOOD OO AY BULSHADA U BAAHAN TAHAY INEY ISWEYDIIYAAN JAWAABAHANA WAA DHANKIINA.

XALKA DALKA KA SOCDA IYO WELIBA QAABKA AY U SHAQEYNAYAAN MAXKAMADAHA DALKA WAXAAD MOODAA IN KAANGAROO COURT AY TAHAY, KANGAROO COURTANA MARWALBA WAXAA GO,AANKA IS KALEH GARSOORAHA MEESHA FADHIYA SAX IYO QALADBA.

ALOW UMADA U MACIIN, KUWA SHARCIGA AAN SAXDA EHEYN DADKA KU XUMAAYANA ALOW XAQA TUS.

Gudoomiyihii h**e ee baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa sheegey inuu iska casiley xilkii uu ka hayey Xisbiga Horumar iyo m...
11/22/2025

Gudoomiyihii h**e ee baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa sheegey inuu iska casiley xilkii uu ka hayey Xisbiga Horumar iyo midnimo Qaran oo ay dhawaan isla aasaaseen Gudoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Tani waxaa ay daliil u tahay in uusan eheyn mid sidaasi usii fog hanka siyaasiga Digil iyo Mirifle balse uu salka ku hayo oo keliya Mansab iyo Dhaqaale.

Iimaan Alaa Uur Buuxiyo

Dacwada maalmahan ka socota xerada belidoogle waxaa ka maqan oo isna in maxk**adaas lasoo taago mudan Xildhibaan Daahir ...
11/20/2025

Dacwada maalmahan ka socota xerada belidoogle waxaa ka maqan oo isna in maxk**adaas lasoo taago mudan Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah Aabihii colaada degmada walaweyn iyo nawaaxigeeda.

DAAHIR AMIIN JEESOOW OON LASOO QABAN MAXKAMADAASNA LASOO TAAHIN LAGAMA YAABO IN COLAADAAS EY ISTAAGTO.

COLAADAAS WEXEY KU BILAABATEY WAA ISBAARO, NABAD HADII LA RABO ISBAARADA DEEGAANKA YAALA HALA XAKAMEEYO.

Address

Toronto, ON

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daafeet posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daafeet:

Share