Dallada Bad-Baadada Jiilka Somaliyeed

Dallada Bad-Baadada Jiilka Somaliyeed Kusoo Dhawaada Page cusub oo aan ugu tala galnay jiilka soo karaya

Fermé définitivement.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa ku soo ...
08/10/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha.

Waa safarkii afaraad ee Madaxweyne Xasan Sheikh ku tago Eritrea tan iyo intii uu xukunka qabtay. Waxaa safarkiisa maanta ku wehliya Amb. Cumar Idiris oo lagu wado inuu noqdo Safiirkii u horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona Asmara.

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO U AMBA BAXAY DALKA TALYAANIGA  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadd...
08/10/2023

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO U AMBA BAXAY DALKA TALYAANIGA
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBA-BAXAY dalka ereteria Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mu...
08/10/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBA-BAXAY dalka ereteria
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo AS ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ahAS.

Eedeysanayaashii Dhawaan maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in dambiga lagu waayey ayaa goordhaw lagasii daayey xab...
02/10/2023

Eedeysanayaashii Dhawaan maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in dambiga lagu waayey ayaa goordhaw lagasii daayey xabsigii ay ku xirnaayeen.

Xubnahan oo xabsiga ku jiray tan iyo khamiistii lasoo dhaafay waxaa jirtay in xeer ilaalintu ay racfaan dalbatay.

Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo Agaasimayaal kasoo noqday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee XFS iyo Aadan Maxamed Cabdi oo kuwada xirnaa CID iyo Cabdulqaadir Cabdi Socdaal oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ayaa dhammaantood la sii daayey sida ehelkooda iyo qareenadii u doodayeyba ay noo xaqiijiyeen.

Waxaan  tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxar...
02/10/2023

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho

Gaar ahaan waxaa geeridaa xanunka badan aan wadagayaa ugaaskayga Maxamuud cali ugaas

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaliyeed G/ sare dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale ayaa g...
02/10/2023

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaliyeed G/ sare dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale ayaa gaaray degaanka biyacadde ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo fadhigodu yahay degaanka Biyacadde ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Wefdiga taliyaha, ujeedka socdaalka ayaana ah dardar galinta howlgalka ka dhanka ah AS

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda gobolka Banaadir...
01/10/2023

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda gobolka Banaadir.

Hoobiyaal wax yeelo gaystay ayaa kusoo dhacay xaafad ku taala dagmada wadajir ee gobolka Banaadir
01/10/2023

Hoobiyaal wax yeelo gaystay ayaa kusoo dhacay xaafad ku taala dagmada wadajir ee gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Gu...
30/09/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii h**e ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii h**e iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Khawaarijta, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah

28/09/2023

Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday Xukunka Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda iyo bankiga dhexe.

Adresse

Democratic Republic Of The

Téléphone

+252612016392

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Dallada Bad-Baadada Jiilka Somaliyeed publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Dallada Bad-Baadada Jiilka Somaliyeed:

Partager