Birxamar Media News

Birxamar Media News birxamar Media News Warar sugan

Sacuudiga ayaa markii u horreysay waxaa ka da’ay baraf illaa heer qabowga halkaa ka jira uu gaaray -4°C, iyadoo goobaha ...
17/12/2025

Sacuudiga ayaa markii u horreysay waxaa ka da’ay baraf illaa heer qabowga halkaa ka jira uu gaaray -4°C, iyadoo goobaha uu barafka qariyay ee maanta muuqaallada laga soo bandhigay ay ku jiraan Jabal Al-Lawz ee gobolka Tabuk oo ka tirsan waqooyiga galbeed dal saxare iyo dhul qalalaan lagu yaqaanay ee Sacuudiga, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka rasmiga ee Sacuudiga .

Buurihii qalalnaa waxay yeesheen muuqaal la mid ah buuraha dalka Switzerland ee bartamaha Yurub.

05/12/2025

Gudida wadada iyo qaybo ka mida bulshada Oo isugu jira hawen iyo wax garadka degaan Oo ka war bixinaya wadada yubbe iyo shidan mesha ay hada marayso iyo inta dhidhinka uga hadhsan .

Xaquuqda video ga Akram Osman Mahmed

30/11/2025

Mareykanka ma wuxuu weerarraya Venezuela? sheekadda oo dhammeystiran

Birxamar Media News

Following

Machadka cilmi-baarista iyo amniga qaranka Itoobiya ayaa baahiyay warbixin lagu sheegay badda dheer ee Soomaaliya inay t...
30/11/2025

Machadka cilmi-baarista iyo amniga qaranka Itoobiya ayaa baahiyay warbixin lagu sheegay
badda dheer ee Soomaaliya inay tahay halka lagu xallin karo baahida Itoobiya ee marin badeed, halka lagu sheegay Madaxweyne Xasan, mowqifka uu ku taageerray siyaasadda Itoobiya ee labada biyood inay ka dhigantahay isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Soomaaliya ee arrimaha Itoobiya ,xilligaana labada dal ay soo gaareen heer xiriir kalsooni leh , taa oo aan h**ey u dhicin taariikhda oo dhan.

Halkan ka akhri warbixinta;

Siyaasadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay xaaladdeeda gudaha iyo cadaadiska dibadda. Xilligii xukunkii Siyaad Barre, aragtida Soomaaliya ee ku saabsan dhulka la isku haystay—sida dhulka ay Itoobiya iyo Kenya la wadaagto waxay noqotay xoogga hagayay siyaasaddeeda arrimaha dibadda. Taasi waxay sanado badan dhaawac ku reebtay xiriirka Soomaaliya iyo deriskeeda. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991, xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid marba meel joogay

Toddobadii sano ee ugu dambeeyay, isbeddello ka dhacay Itoobiya, gaar ahaan hoggaan cusub oo is-beddel doon ah, ayaa keenay in Addis Ababa isku daydo inay qaab cusub u wajaho gobolka iyo xiriirka Muqdisho. Si kastaba, dadaalladaas natiijo weyn ma dhalin, maadaama dhaawacyadii h**e, hay’adaha daciifka ah iyo xasaradaha siyaasadeed ee Geeska Afrika ay weli saameyn xooggan yeesheen. Sidoo kale, arrimo ka baxsan gobolka sida loollanka biyaha Niilka iyo geopolitics-ka ayaa xasiloonida ka dhigay mid aan sahlanayn. Sidaas awgeed, xiriirka labada dal wuxuu u socday mid ku socday si taxaddar iyo caqabado badan ay la socdaan.

Dhammaystirka mashruuca Biyo-Xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), iyo ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ee xafladdii furitaanka, waxay noqotay arrin calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid mowqifka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale muuqday isbeddelkaas markii madaxweyne Xasan Sheekh uu waraysi uu siiyay Al-Arabiya kaga hadlay GERD oo uu ku qeexay mashruuc horumarineed oo fursad u ah wada shaqaynta gobolka. Sidoo kale wuxuu taageeray codsiga Itoobiya ee ku saabsan inay hesho marin bad , aragti h**e loogu arki jiray arrin xasaasi ah oo khilaaf keenta.

Marka loo eego taariikhda xiriirka labada dal oo marar badan u dhexaysay iskaashi iyo ismaandhaaf, hadallada Madaxweynaha Soomaaliya waxay u muuqdaan leexasho diblomaasiyadeed oo weyn. Waxayna muujinayaan in dadaalladii dib u heshiisiinta ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay gaareen heer cusub.

Soomaaliya waxay leedahay xeeb ka mid ah kuwa ugu dheer Afrika, waxayna ku taallaa meel istaraatiiji ah oo u dhow marinada caalamiga ah ee ganacsiga: Kanalka Suways, Baab-el-Mandab iyo Badweynta Hindiya. Booskaasi waa fursad, hase yeeshee sidoo kale waa mas’uuliyad culus oo keenta nuglaansho amni iyo faragelin dibadeed.
Tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladdii Soomaaliya 1991, Itoobiya mar kasta waxay si dhow ula socotay xaaladda amni ee Soomaaliya. Intii u dhexeysay 2018 iyo 2022, labaduba waxay dhex maraysay xilli cusub oo iskaashi sare leh, iyada oo Itoobiya ku dhowaaqday siyaasadda deriska marka h**e iyo isku xirka gobolka. Laakiin isbeddelkii siyaasadeed ee Soomaaliya iyo saxiixii heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 1-da Janaayo 2024 ayaa dib u kiciyay xiisaddii labada dal. Kaabis ahaan, heshiiskii Ankara ee 12-kii December 2024 ayaa noqday waddo lagu dejiyo xiisaddii oo dib loogu bilaabo diblomaasiyad degan.

Itoobiya, oo ahayd dal mar marin bad lahaa ilaa 1991, haddana maanta ah dal ciriiri ku jira oo xanniban, waxay la tacaalaysaa laba khatar oo waaweyn: loollanka biyaha Niilka iyo khataraha ka jira Badda Cas. Sidaa darteed, Addis Ababa waxay qaadatay istaraatiijiyadda Laba Biyo, taas oo muhiimad siinaysa:

•Isticmaalka si cadaalad ku dhisan ee biyaha Niilka (GERD)

•Badbaadada marinada badda ee gobolka

Isbeddelladii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka qeybgalka Madaxweynaha ee xafladdii GERD iyo hadalladiisii taageerada ahaa ee ku wajahan marin-badeedka Itoobiya, waxay caddeeyeen in Villa Soomaaliya qaadatay aragti diblomaasiyadeed oo cusub, taas oo wax ka beddeleysa siyaasaddii h**e ee ku dhisnayd shaki iyo feejignaan joogto ah.

Sababaha arrintan muhiim ka dhigaya waxaa ka mid ah:

• Soomaaliya waxay marar badan ahayd meel loo adeegsado cadaadis ka dhan ah Itoobiya, hadda taa waa la yareeyay.

•Soomaaliya waxay xubin ka tahay Madasha Badda Cas iyo Jaamacadda Carabta, sidaas darteed waxay noqon kartaa isku xire gobolka.

•Xeebaha Soomaaliya oo dheer waxay noqon karaan waddo lagu xalliyo baahida Itoobiya ee marin bad oo nabad ah.

•Taageerada Soomaaliya ee istaraatiijiyadda Laba Biyo waxay fureysaa bog cusub oo diblomaasiyad ah oo muhiim u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka.

Saamaynta Isbeddelkan

Isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu yeelanayaa saameyn fog. Haddii Soomaaliya ku biirto mashruuca korontada ee GERD, waxay ka heli kartaa fursado cusub oo ganacsi, maalgashi iyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha. Tani waxay sare u qaadi kartaa koboca dhaqaalaha iyo xasilloonida labada dal. Sidoo kale, hadday Soomaaliya qaadato siyaasad dheellitiran oo ku saabsan khilaafka GERD, waxay heli kartaa kalsooni diblomaasiyadeed oo ka dhigta dhexdhexaadiye lagu aamini karo. Labada dalba waxay fursad u heli karaan maalgelinta caalamiga ah ee kaabayaasha, tamarta iyo ganacsiga.

Laakiin si loo gaaro faa’iidadaas, labada dal waa inay muujiyaan go’aan, kalsooni iyo deggenaan siyaasadeed.

Gunaanad

Ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ee xafladdii furitaanka GERD iyo hadalladii uu ku taageeray mashruuca iyo baaqiisa ku wajahan in la xalliyo arrinta marin-badeedka Itoobiya waxay calaamad u yihiin isbeddel diblomaasiyadeed oo muhiim ah. Soomaaliya waxay ka leexatay siyaasaddii shakiga iyo kala fogaanshaha ahayd ee muddada dheer jirtay, waxayna u dhaqaaqday siyaasad ku dhisan kalsooni, iskaashi iyo dan guud oo gobolka ah.

Isbeddelkan wuxuu fariin cad u dirayaa xoogagga qaska ka abuura Geeska Afrika: xilliga colaadda joogtada ah wuu dhammaaday, waxaana la gaaray waqtigii wadahadalka. Haddii diblomaasiyaddan cusub la fuliyo, waxay noqon kartaa dariiqa lagu gaaro mustaqbal deggan, koboc dhaqaale, iyo xiriir ku dhisan iskaashi dhab ah oo u dhaxeeya Itoobiya, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

27/11/2025

Wadadii dhalaax ilaa shidan oo shaqo baaxad leh oo is xil qaan bulsho ku socota ayaa meel fiican maraysa

Ganan awoowe Ahmed mohmed xasan
Xaquuqada video gacma Dahab Akram Osman Mahmed

RASMI: Millateriga Guinea-Bissau ayaa ku dhawaaqay in la wareegeen talada dalkaasi, ka dib markii khilaaf ka dhashay doo...
26/11/2025

RASMI: Millateriga Guinea-Bissau ayaa ku dhawaaqay in la wareegeen talada dalkaasi, ka dib markii khilaaf ka dhashay doorashadii madaxrinimo ee dalkaasi, waa markii tobnaad ee la afgambiyo dowladda Guinea-Bissau — AFP.

Soomaaliya ayaa mar kale wajahaysa doorashooyin laysku khilaafsan yahay, tan oo timaadda dhammaadka muddo-xilkeedka afar sanno kasta.

26/11/2025

Xuutiyiinta oo hoos u dhigay xiriirkii ay la lahaayeen Iiraan, waa maxay waxa ay ka caraysanyihiin?

Birxamar Media News

24/11/2025

Maxaa ka Socda Soomaaliya ?

Mudo intee le,eg bay ku jiri doontaa xaaladan deganaansho la,aaneed siyaasad xumi iyo dib u dhac hanaan dowladeed.
Maxaase hortaagan In lasoo af,jaro argagixisata aa,faysay hor u socodka dowlad iyo dal, ahaa need.
Maxayse ka dhigan tahay siyaasiyiinta aragtida kursi leh
Balse aan taaba gelin Karin hor u socodka hanaanka dowladnimo.

Birxamar Media

  Baarlamaanka dalka Burkina Faso ayaa maanta ansixiyay heshiiska iskaashiga nukliyeerka oo ay Burkina Faso la gashay Ru...
23/11/2025


Baarlamaanka dalka Burkina Faso ayaa maanta ansixiyay heshiiska iskaashiga nukliyeerka oo ay Burkina Faso la gashay Ruushka, kaas oo siinaya qaab sharciyeed in Ruushka uu gudaha dalkaa ka dhiso warshado tamarta nukliyeerka, la wadaagida xirfadaha iyo tababbar ay Ruushka ka helayaan khubarada reer Burkina Faso.

Fiiro gaar ah;

Heshiiskan wuxuu ku koobanyahay tamarta laga dhaliyo nukliyeerka oo door ka qaadanaysa horumarinta warshadaha , laakin ma aha nukliyeerka hubka , balse lagama tagi karo in halkan ay tahay meesha ay ka dhalato dalalku inay ku hamiyaan hub nukliyeer ah.

Birxamar Media News
Following

Adresse

Democratic Republic Of The

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Birxamar Media News publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Birxamar Media News:

Raccourcis

Partager

Type