Warbaahinta War iyo Wacaal

Warbaahinta War iyo Wacaal War iyo Wacaal Media waxay ka mid tahay warbaahinta xorta ah ee casrigaan curatay

06/07/2023

MADAXWEYNAHA JUBBALANDOO MAGACAABAY TALIYAHA CIIDAMADA DARAAWIISHTA EE GOBOLKA GEDO.

Tix-raac: XM/DGJS/033/2023

UJEEDDO: MAGACAABIS TALIYAHA CIIDAMADA DARAWIISHTA GOBOLKA GEDO.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:-Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72aad, Farqada(5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Garwaaqsaday:- Muhiimada ay leedahay in dib loo dhiso Ciidanka Daraawishta Dowlada Jubaland qeybta Gobolka Gedo.

Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam u magacaabay, Sarreeye Guuto Cabaas Ibraahim Cabdi Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Gedo.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

DHAMMAAAD.

06/07/2023

Amisom oo bilowday wareejinta saldhigyo muhiim ah.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in wadar ahaan 7 saldhig ay wareejiyeen kuwaasi oo loo qoondeeyay in lawareejiyo si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.

Saldhigyadda ay baneeyeen ayuu ku sheegey inay kala yihiin Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).

Saldhiga Gherille oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa Ciidamaka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS halka Saldhiga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah ATMIS.

05/07/2023

Somali lagu xiray Dalka Switzerland

Wiil Somali ah ayaa ka mid noqday 7 qof oo lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen rabshado ay dhalinyaro iyo Poliska magaalada Lausanne ee dalka Switzerland ka dhacay.

In ka badan boqol dhalinyaro ah ayaa rabshado ka sameeyay bartamaha magaalada. Sida laga soo xigtay booliska magaalada Lausanne, waxay geysteen burbur hantiyeed oo soo gaaray dukaamada, taasoo keentay in tiro dad ah la xiro.

Poliska ayaa baaraya cida kicisay rabshadaan Qadar Ada geysatay ayadoo ay jiraan warar sheegaya in rabshadan ay xariir la leedahay rabshadaha ka socda haatan dalka Franca ee xaduuda la leh dalka Swisska.

05/07/2023

Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa kasoo horjeestay in ciidamada ATMIS laga saaro gudaha waddanka Soomaaliya, iyaga oo arrintaas u sababeeyay in ay ka danbaysay dowladdii h**e ee laga adkaaday.

03/07/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan deg deg ah oo siyaasadeed ku baaqay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadka soo socda bilaabaya kulamo uu Muqdisho kula yeelanayo xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka midka ahaa Isbaheysigii Midowga Musharaxiinta ee uu xubinta ka ahaa xilligii Mucaaradka ku ahaayeen dowladdii h**e.

Waxaa maalmaha soo socda Muqdisho tagaya Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii h**e Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka qeyb geli doona kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday siyaamileyda siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan la kulmay Madaxweynihii h**e Shariif Sheekh ayaa ka codsaday inuu isugu yeero kulan uu la qaato xubnaha saamileyda siyaasadda si ay dood iyo aragti wadaag uga yeeshaan heshiiskii Siyaasadeed ee 27 May ee sanadkan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Xubnahan Siyaasiyiintan ayaa war ay si wadajir u soo saareen waxay ka soo horjeesteenqodobada ka mid ah heshiisyadaas oo uu ka mid ahaa hannaanka la rabo inuu dalka u guuro ee ah nidaamka Madaxtooyada iyo in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi.

Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa soo dhaweeyay oo kaliya Madaxweynihii h**e Maxamed Farmaajo oo u muuqday mid taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod lagu galo nidaamka Xisbiyada, inkastoo qodobada qaar uu ku xiray in wadar-oggol loo galo.

Xigasho Golof yard

03/07/2023

Dowlada Sacuudiga oo fal diblomasiyadeed oga falcelisay kitaabki Quranka ee lagu gubay dalka Swiden

Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay safiirka Sweden u fadhiya dalkaas, si ay u cambaareyso falkii lagu gubay Kitaabka Qu’raanka, oo Arbacadii ka dhacay dibedda Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, waxaa sidaas maanta werisay warbaahinta dowladda.

Boqortooyada, oo hoy u ah labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Makka iyo Medina, ayaa h**ey Arbacadii u cambaareysay falkaas oo uu gaystay Salwan Momika oo ah 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden.

Salwan ayaa ku istaagay kitaabka kahor inta aanu jeexin bogag ka mid ah oo dabadeedna dab qabadsiin, taasi oo dhalisay caro xoogga oo Sweden kaga timid dalalka Islaamka.

03/07/2023

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Madaale oo ka horyimid ka beecmushtarka qabuuraha Barakaat.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta ku baxay xiisadda ka taagan qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla xaafadda Tareedisho ee deegaanka Garasbaaley oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Booqashada guddoomiyaha ayaa timid, kadib markii ay arrin walaac leh kasoo korortay qabuurahaas oo dadka qaarkood ay kala soo baxeen maydadka, kadib markii burburin lagu bilaabay dhulkaasi oo uu horay u waqfay, Marxuum Macallin Nuur Maxamed Siyaad.

Duqa Muqdisho oo ay wehlinayeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay shacabka ka wal-walsan arrintaasi oo halkaasi buux dhaafiyay.

Madaale ayaa shaaca ka qaaday in qabuuraha Macalin Nuur ay yihiin kuwa soo jireen ah, isla-markaana aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan

03/07/2023

Dowlada madaxweyne Xasan Shiikh oo mushaarkii Xildhibaanada wali aanan bixin. Ma qasnadii baa sagxada noqotay Durba mise 9 bilod ee h**e ayuu ilaabay

Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji ayaa socdaal ku soo gaaray dalka  Soomaaliya gaar ahaa...
02/07/2023

Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji ayaa socdaal ku soo gaaray dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismayo. Kulamo ayaa hada waxaa uu la qaadanayaa Maamulka Madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiinta amniga ee maamulka. Ujeedka kulanka ayaa lagu tilmaamay mid sirdoon xili ciidanka Kenya ay ku suganyahiin qeybo ka mid ah maamulka Jubbaland

Qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho oo gatay Xabaalahii Caanka ahaa ee dadka lagu aasayay ee Baraka...
02/07/2023

Qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho oo gatay Xabaalahii Caanka ahaa ee dadka lagu aasayay ee Barakaat. Ujeedka ganacsatadu waa in ay macaash dhaqaale ka raadiyaan goobtaas ay ku aasanyahiin boqolaalka Somalida ah ee mootan ayaga oo waliba sida la sheegayo damacsan in lafa maydka ay babaanka u soo saaraan.

Adresse

Bachstrasse 2
Horw
6048

Öffnungszeiten

Montag 09:00 - 17:00
Sonntag 09:00 - 17:00

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Warbaahinta War iyo Wacaal erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Warbaahinta War iyo Wacaal senden:

Verknüpfungen

Teilen