Somali Swiss Tv

Somali Swiss Tv SOMALI SWISS TV BASED IN SWITZERLAND PROVIDES IN DEPTH COVERAGE OF SOMALIA AND ALL OVER THE WORLD

02/06/2025

CAWAYSKA IYO BASHAALKA ROOBKA

23/05/2025
13/09/2024

DOOD KULUL, DAMACA ITOOPIYA EE DAKADAHA SOMALIYA

01/09/2024

DOOD KULUL, MAXAA LA GUDBOON UMADA SOMALIEED DHANKA DAMACA ITOOPIYA

01/09/2024

DOOD KULUL, KALA TAGA SIYAASADEED EE FARMAAJO IYO FAHAD

27/08/2024

DOOD WADAAG AY KA QEYB GALAYAAN SIYAASIYIIN UU KA MIDYAHAY AMBASHATOR CAWAD IYO XILDHIBAANO

18/08/2024

XAALKA QAAR KA MID AH SOMALIDA QURBAHA

17/08/2024

FILMKII ODAY YUULKA IYO SHEEKADA DAMACA ITOOPIYA EE BADA SOMALIYA

12/07/2024

FALANQEYNTA CAYAARTA FINALKA AH EE U DHAXAYSA XULALKA SPAIN IYO ENGLAND EE DHACAYSA AXADA BARI DANBE AH IYO WARIYE YAXYE BARAWAANI

08/07/2024

NATIIJADA DOORASHADII FRANCA OO LA SOO SAARAY IYO JAWHAREER KA DHASHAY

Heshiiskii is afgaradka aha ee Mau ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoopiya waxa loo badalay heshiiska is afgaradka Mau ee...
08/07/2024

Heshiiskii is afgaradka aha ee Mau ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoopiya waxa loo badalay heshiiska is afgaradka Mau ee u dhaxeeya Dowlada federalka Somaliya iyo Itoopiya wax ka buuqayana ma jiraan . Cajiiib???????!!!!!!

WAA IMISA TIRADA DADKA SOMALIDA AH EE WADANKAN SWIISKA KU NOOL IYO SHARCIYADA AY HEYSTAAN HALKAAN KA AQRISODalkaan Switz...
29/06/2024

WAA IMISA TIRADA DADKA SOMALIDA AH EE WADANKAN SWIISKA KU NOOL IYO SHARCIYADA AY HEYSTAAN HALKAAN KA AQRISO

Dalkaan Switzerland waxaa ku nool oo dagan Soomaali tiro ahaan dhan 6,506 qof kuwaas oo isugu jira rag iyo dumar iyo waliba caruur.

Jaantuska hoose waxaanu idin kugu soo gudbin doonaa guud ahaan Soomaalida ku nool wadankaan, gobolada ay ku kala nool yihiin iyo sharciyada ay haystaan iyo noocyadooda.

Xasuusin: tirada Soomaalida ah ee aanu halkaan ku soo gudbinayno kuma jiraan dadka Soomaalida ah ee haysta dhalashada ama baasaboorka wadankaan iyo sharciyada kumeel gaarka ah ee F iyo N.

Tirada guud ee Soomaalida wadankan ku nooli waa 6,506 kuwaas oo 3,644 ay rag yihiin, 2,862-na ay dumar yihiin.

Soomaalida Swisska joogta waxay kala deggan yihiin 25 Kanton, oo kamid ah 26-ka Kanton ee dalkaasi uu ka kooban yahay, midka keliya aysan Soomaalidu degganeyn waa Kantonka Appenzell Innerrhoden.

Soomaalida ku nool dalkaan Swisska waxay u badan yihiin rag, waxaana mar walba raga ay ku laba jibaarmaan dumarka, halka gobolka ay dumarku raga ka badan yihiin uu yahay gobolka Tessin oo ay ku nool yihiin 22 dumar ah iyo 15 qof oo rag ah oo Soomaali ah.

Dhanka kale, Soomaalida waxay u badan yihiin Kanton-nada kala ah:

Kanton Zürich
Kanton Bern
Kanton Waadt
Kanton St. Gallen
Kanton Genf

Mid mid ama Kanton ahaan haddii loo xisaabiyo, sidan ayay Soomaalidu ugu kala deggan yihiin Kanton-nada dalkaas:

Kanton Aargau: 310 qof (117 dumar ah, 193 rag ah; 228 sharciga B, halka 82 sharciga C)
Kanton Appenzell Ausserrhoden: 19 qof (10 rag ah, 9 dumar ah; 18 sharciga B, halka 1 sharciga C)
Kanton Bern: 949 qof (424 dumar ah, 525 rag ah; 721 sharciga B, halka 228 sharciga C)
Kanton Basel-Land: 108 qof (52 dumar ah, 56 rag ah; 74 sharciga B, halka 34 sharciga C)
Kanton Basel-Stadt: 160 qof (66 dumar ah, 94 rag ah; 104 sharciga B, halka 56 sharciga C)
Kanton Freiburg: 149 qof (60 dumar ah, 89 rag ah; 99 sharciga B, halka 50 sharciga C)
Kanton Genf: 576 qof (286 dumar ah, 290 rag ah; 384 sharciga B, halka 192 sharciga C)
Kanton Glarus: 17 qof (4 dumar ah, 13 rag ah; 16 sharciga B, halka 1 qofna sharciga C)
Kanton Graubünden: 107 qof (39 dumar ah, 68 rag ah; 72 sharciga B, halka 35 sharciga C)
Kanton Jura: 19 qof (8 dumar ah, 11 rag ah; 12 sharciga B, halka 7 sharciga C)
Kanton Luzern: 318 qof (130 dumar ah, 188 rag ah; 271 sharciga B, halka 161 sharciga C)
Kanton Neuenburg: 185 qof (86 dumar ah, 99 rag ah; 140 sharciga B, halka 45 sharciga C)
Kanton Nidwalden: 7 qof (1 dumar ah, 6 rag ah; 3 sharciga B, halka 4 sharciga C)
Kanton Obwalden: 13 qof (6 dumar ah, 7 rag ah; 12 sharciga B, halka 1 qofna sharciga C)
Kanton St. Gallen: 594 qof (244 dumar ah, 350 rag ah; 368 sharciga B, halka 226 sharciga C)
Kanton Schaffhausen: 92 qof (41 dumar ah, 51 rag ah; 54 sharciga B, halka 38 sharciga C)
Kanton Solothurn: 258 qof (117 dumar ah, 141 rag ah; 165 sharciga B, halka 93 sharciga C)
Kanton Schwyz: 32 qof (8 dumar ah, 24 rag ah; 25 sharciga B, halka 7 qofna sharciga C)
Kanton Thurgau: 68 qof (30 dumar ah, 38 rag ah; 60 sharciga B, halka 8 qofna sharciga C)
Kanton Tessin: 37 qof (22 dumar ah, 15 rag ah; 30 sharciga B, halka 7 qofna sharciga C)
Kanton Uri: 9 qof (1 dumar ah, 8 rag ah; 7 sharciga B, halka 2 qofna sharciga C)
Kanton Waadt: 713 qof (321 dumar ah, 392 rag ah; 493 sharciga B, halka 220 sharciga C)
Kanton Wallis: 139 qof (73 dumar ah, 66 rag ah; 117 sharciga B, halka 22 qofna sharciga C)
Kanton Zug: 150 qof (70 dumar ah, 80 rag ah; 110 sharciga B, halka 40 sharciga C)
Kanton Zürich: 1,477 qof (646 dumar ah, 831 rag ah; 1,074 sharciga B, halka 403 sharciga C)

Tirakoobkaan aanu hadda idiin soo gudbinay wuxuu ku sallaysan yahay kii ugu dambeeyay ee 31/12/2023. Midka sanadkan aanu ku jirno ee 2024 waxaa la soo gudbin doonaa dhammaadka sanadkan ilaa bilowga sanadka cusub.

Adresse

Zürich

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somali Swiss Tv erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Somali Swiss Tv senden:

Teilen