Eng Khadar

Eng Khadar Founder, Yoolgroup China 🇨🇳
Cross‑border trade developer, industrial sourcing specialist & China‑Africa business educator. +86,195,8481,5017

04/10/2026
03/10/2026

Normal to VIP business lounge, magaalooyinkee ku haboon?


03/10/2026

China waa kala foghahay


02/10/2026

02/10/2026

Caqabadaha Soomaalida ka qabsata Warshadaha Shiinaha iyo xalkooda


01/10/2026

kii 3aad meeluu kabaxay waan la’ahay 😁 kan kusii suga intaan baarayo.

01/10/2026

Ugaar ah 02

29/09/2026

Ugaar ah

WQ; Farax Ayaanle Dayaxweerar Sidee ayaan iskaga ilaaliyaa in aan qof xaasido. Waxa aynu nahay ibnu aadan! Waxa aynu jec...
29/09/2026

WQ; Farax Ayaanle Dayaxweerar

Sidee ayaan iskaga ilaaliyaa in aan qof xaasido.

Waxa aynu nahay ibnu aadan! Waxa aynu jeclaan karnaa waxa ay dadka kale haystaan. Nebi Muxamed NNKH waxa uu inoo sheegay in xasadka ama xaasidnimadu ay laba nooc tahay.

Nooca koowaad waa “Xasad Madmuum” oo ah xasadka qofka kale waxa uu haysto aad jeclanaysanayso in aad adigu hesho. Oo nimcadaas aad majeeranayso uu waayo qofka kale. Waana xaasidnimada reeban ee aan la oggolayn.

Iyo nooca labaad oo ah “Xasad Mamduux” waa adiga oo arka qof wax wanaagsan oo aad u baahan tahay Illaahay siiyey Kadibna yidhaahda Illaahayoow u siyaadi anigana waxaas isii. Waana la oggolyahay. Oo tartan iyo yididiilo ayay noqon kartaa. Iyo in aad hiigsato dadka kaa nolosha wanaagsan.

Haddaba aniga oo markasta maskaxda ku haya Xadiiskaan marka aan arko qof wax wanaagsan oo aan ka helay haysta talaabooyinkan ayaan qaadaa. Ugu horrayn waxa aan idhaahdaa “MashAllah” k**a xishoodo in aan qofka u sheego in uu wax wanaagsan haysto. Sidoo kale waxa aan weydiiyaa dariiqa uu heerkaas ku gaadhay (Waxbarasho, Shaqo, ganacsi) waxyalaaha la xidhiidha. Haddii uu alaab yahay waan weydiiyaa meesha uu ka soo iibsaday. Haddii uu qurux badan yahay waan u sheegaa Waxa aan ku idhaahdaa waad qurux badan tahay. Haddii Illaahay dabeecad wanaagsan siiyey ama hibo kale oo la majeerto waxa aan idhaahdaa waxaa iyo waxaas oo wanaagsan baad haystaa ee Illaahay ha kuu siyaadiyo.

Haddii aan iskaga shakiyo in qalbigayga qof inyar oo xaasidnimo ahi ay u soo gashay, shaydaanka ayaan iska naaraa. Waxa aan akhriyaa “Wa min shari xaasidin idaa xasad” sidoo kale waan u duceeyaa qofkaas.

Haddii uu qof wax i weydiiyo oo aan waxaas wax uun ka qaban karo waxa aan isku dayaa in aan ka caawiyo sidii uu waxaas ku heli lahaa ama ku gaadhi lahaa. Anigana Illaahay albaabo badan ayuu i furaa. Ducadana wuu iga aqbalaa.

Illaahay qalbigeennna nadiif haka dhigo. Qofkasta in uu yoolasha noloshiisa gaadho ayaan u rejaynayaa. Aynu isku oggolaano in aynu wanaagga isku qirno. Qofkii wax wanaagsan haystana aynu u sheegno in Illaahay nimco siiyey.

27/09/2026

Haddii aad Bandhigga Carwada Shiinaha usocoto, 🇨🇳


Address

Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng Khadar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eng Khadar:

Shortcuts

Share