Young Looshane

Young Looshane “ U jeedaalka falsafadda iyo rimminta maanka xorta ah “

MAXA AY FALSAFADDU U TAHAY HURIWEYTO                         (BEERTARAND RUUSEL)Waxqabadyadii u alkumay kaahinkii iyo ka...
15/01/2025

MAXA AY FALSAFADDU U TAHAY HURIWEYTO

(BEERTARAND RUUSEL)

Waxqabadyadii u alkumay kaahinkii iyo kabaalkii qarnigii 20aad ee ‘ Beertaran Raasal ‘ waxa ay bud-dhigeen qalab jeedaal oo aad u heer sarreeya. Mufakiriin badan ayaa iska dhex arkay qotodheernaanta falsafadda ruusel ee aad ka u kadaalliga badan. Maqaalkannina waxaa u daarranyahay oo u kaahinaya dhab ahaan ujeeddada u ka laha kacdoonkii mar la arkayga aha ee uu beertaran ruuseel ku aslay falsafadda, iyo sida u qudhiisa ugu kanballay kalkaalinteeda iyo kalkaggeeddiga u maray iyada darteed. Beertaran Ruusel waxaa uu ahaa kaadiriintii ugu sitay qarnigii 20aad ee ina dhaafay. Waxaa loo aqoonsaday in u ahaa mid ka mida aasaasayaashii iyo bud-dhigeyaashii faslafadda gorfeynta ee casrigan. Waxqabadyadiisu waxa ay kaallin muuqata ku yeesheen tirodhigta/ xisaabta, loojiga amase maangelka cilmiga ah, indheergaradnimada gacan ku sameyska (artificial intelligence), sayniska baraadka (cognitive science) iyo sayniska agaasinka kala dhigan (computing science). Nolosha namuunta leh ee Ruuseel qaabeeysay waa mid aan laga gayoon karin oo dhiirigelin leh, sida ay waxqabadkiisuba tilmaamayaan ee ay u yihiin jaadgoonni. Waxaa dhalkacaanimadiisii laga soo eryay labada jaamacadood “ Cambridge Trinity College ‘ iyo ‘ New York City College “. Waxaa uu la soo kacaamay labadii dagaal ee edegta, waxaa uu laba gooraalaba la soo kulmay xabsi, jawr iyo jujuubid loogu eersannayay u olloleyn siyaaasadeed, illaa u ka gaadhayey darajada “ Order of Merit “, iyo ku guulleysigiisii abaalmarinta “ Nobel “ ka ee suugaanta. Kollal horre oo waayihiisanna waxaa u soo noqday qowsaar iyo hadaljeediye warbaahiinneed, oo ka qayb qqatay xiisad dejin lagu soo rogay dhinacyadii isku afsaarray xiisaddii gantaalada Kuubba. Russell ma ahayn keliya faylasuuf ku kooban meegaarada boodhka leh ee cufan ee aakaaddemiga. Ahaanshaha iyo dabeecaddii Russell waxaa laga yaabaa in sida ugu wanaagsan looga dheehan karro dhacdo halleeshay dhammaadkii noloshiisa. Kolkii da’diisu cago cageynnaysay 89 jirkiisii, waxaa loo taxaabay xabsiga oo u ku soo laacay 7 maalmood oo loo heystay amase loo gefey in u kul lulglahaa nabad-diidnimo, isago kolkaas loo qoonsaday in uu metelaad u yahay gacanka indheergaratada, waxaanna loo heystay “ burin nabadeed/ breach of peace “ maaddaamma u ka qayb qaatay gadood iyo bannaanbax lagaga soo horjeeday “farsameynta Bu’awga / nuclear “ (anti-nuclear demonstration). Mar u garqaadihii kiiskiisa gadhwadeynayay u soo jeediyay jeefaaf iyo in uu xabsiga ka saarrayo haddii uu naftiisa u leexiyo oo u ballanqaado in ay la jirsan doonto anshax wannaag-nanna; waxaa u ku qablamay “ Maya, ma yeelli doonno / ‘ No, I Will not ‘ “.

Intii uu ku gudojirey waayihiisa akkaademiyeed, ruusel waxa u qorey tiro kalaasiigga ah (classics), oo ugu horreeyey waxqabadkiisa mar la arkayga ah ee “ Principia Mathematica “ illaa uu ka gaadhayey waxqabadkiisa “ Human Knowledge: Its Scope and Limits “, ee u ku soo ebyiday caalamka qoraalka. Laakiin, buug yaraha qaabka hordhaca ah u qoran ee ku saabsan falsafadda laguna magacaabo “ The Problems of Philosophy “ waa ka keliye xardhay ee laga dhadhansaday sida u Ruusel ugu miiggannaa beekhaaminta falsafadda. Dhigannahaasina waa ka uu ku soo qotomiyay tiro mawduucyo ah, abla ableyn ah oo hor leh, kedibna waxa u dusha ugu baxay taawinta iyo dhisidda jeedaal haashaar leh oo ku aaddan sababta ay falsafaddu u tahay lagama maarmaan iyo huriweyto “ on why philosophy matters “ ; waxaanna u ku kala dhigdhigaya qaayaha ay leedahay in falsafadda wax lagu abqaallo, lagu dhaqmo oo lagu negaado.

Si aannu u muquurrano, Ruusel waxa uu qeexayaa sababta ay u jirraan iska soo jaryo iyo dabeecado diidmo ah oo ku wajahan falsafadda. Waa sida uu hadalka u dhigay’e, waxa uu leeyahay: “ Aadame badan oo ku hoos yuubban saameynta qarka weyn leh ee sayniska amase aal-aqoolka, ayaa u janjeedha in ay weyddiin geliyaan amase bal haddii ay falsafaddu barro dhafsiisantahay waxyaallaha eersasha ka madhan balse ma dhallayska ah, is kala sooca la mooda sidii timo la kala gurayo iyo murannada ku saabsan arrimaha ku aaddan aqoonta aan la dhaadi karin ee loo caalwaayay. ´Many men, under the influence of science or of practical affairs, are inclined to doubt whether philosophy is anything better than innocent but useless trifling, hair-splitting distinctions, and controversies on matters concerning which knowledge is impossible “. Iska soo jarka diidmeysan (dismissive attitude) ee ka dhanka ah falsafaddu waa mid ku qotoma oo laga dheehan karro laba arrin oo waaweyn, waa sida uu ruusel qaba’e. Waa marka koowaad’e, waxaa loo celin karaa xaqiiqada jirta ee sheegaysa in falsafaddu aysan dhallin waxtar muuqda oo dhayda ka cad oo la taaban karro, sida sayniska iyo aal aqoolka.
Waa marka labaad’e, waa sababta oo ah falsafaddu ma awooddo inay banka keento warcellinaha inta badan weyddimaha ay qudheedu isweyddiiso . Maxay haddaba falsafaddu qiimo u leedahay, oo ay kaaga taalla?

- [x] HUBAALWAAGU WAA LAGAMA MAARMAAN

Si kastoo u caal helno ka gungaadhidda rabitaannadeenna iyo u warcelinta faduulnimadeenna sii deysan——, ruuseel ayaa ku doodayee, —waa lagama kacaan in aynnu joogteynno xiisaha iyo doonitaanada ayynu ka filaneyno amase ka kubkusiigaalleynayno koonka, xiisahaasiina waa ka ay dhici karto in u haaadan naga tuuro, haddii aynnu ka gaabinno amase ka lugtoolno waxa ay tahay in aynu garanna. Sabab?, maxaa yeellay, hubaantii la’aanta, maaha iyo mihayga ay falsafaddu inagu ladhaa waxa ay na dhaxalsiinayaan qaayasoorka iyo dhab ahaan lama hurraanimada falsafadda. waxaannu Raaasal ku sii daray : “ Aadanaha aan falsafadda wax uga bilaabneyn ee ka araadanii, waxaa u weligii u afduubnaanaya oo maxbuus u ahaan doonna iska soo gaadhyada (prejudices) laga soo dhirandhiriyey muctaqadaadka la caadeystay ee ka aalsan waayihiisa iyo edegtiisa iyo male ku rimisyada ku naaxay maskaxdiisan ee aan la soo saarrin gorfeynta iyo sababeynta. Sanku neeflahaas oo kalle, dunidu waxay ula muuqata oo uu malleystaa amase u bawsadaa wax go’anno sugan, idiltiran oo dhammays ah, cad oo madmadow ka nasahan, arrimaha shaacsannaha ah ee aloosannina kuma kurbeeyaan in uu weyddiin galo, filashooyinka iyo suurtogelnimada aannu la barrana si dhayalsi iyo quudhsi leh bu gannafeeya “.

Isla judha aannu u geyfano ka bogoshada falsafadda iyo in aannu wax falsafadeynno, si kastaba ha ahaatee waxaynu ogaannayna in “ xitaa waxyaallaha maallinlaha ah badankood ay inoolla muuqannayaan/ u arki doonno caalwaa, dhib iyo eedaad, keliya ku hakada amase ku banjarma warcellino aan laga salgaadhin oo u baahan in la durkiyo.” Waa Raasal’e waxaa u markalle leeyahay “ Si kasto ay tahay, (falsafaddu) iyado gudhinaysa dareenkeenna hubantinimada ee ku aaddan dabeecadaha ay yeellan karaan waxyaallaha qaari amase weelleynaysa malleysiga aroorka dhabta ah ee wax gaar ihii yeellan karaan, ayay falsafaddu dhanka kallenna si weyn u tadhahinaysaa ogaalkeennu iyo aroorkeennu waxa ay noqon karaan, ee u salka ah. Waxa ay sidoo kale meesha ka saarraysaa gacan ku rimisyada iyo iska soo gaadhyada tookhaysan (arrogant dogmatism) ee ay qabaan kuwa aan weligood iyo waaqood u saanqaadin amase u guureyn edegta iyo aagga laga banto looyaanta, qalalabka, shakiga iyo hubaalwaaga ; waxaannay dib iskugu toollaysa oo naf kale ku afuufaysaa dhaadkeenna fillanwaaga iyo amakaagga , iyada oo nagu kallifaysa oo nagu durkinaysa in aannu waxyaallaha inala caadiga ah ka fiirrino xagal ka duwan ta aynu horre uga eegaynnay. “

- [x] DHAADMAALKA DHAAFSIISAN QUDHEENNU WAXAA INAGA DHIGA DAD ABYOON

In aynu hoos u dhigno hubaal ahaansheheennu oo jammiridda salka u soo daadijino waxay inoo horseedeyaan/sa qaaye umuc leh oo aan la tirin karin. Markaynu ka fikirno, jeeqaaqno amase jeedaalino haldhigyada qotodheer, ka caagan dhaadashada, meehaalleysan ee daahsoonnaantu ku lammaantahay— ayay kaallinta iyo ujeeddada aynu ka leennahay carro edegtanni (way) bulaashaa oo beekhaamta illaa heer aynu dhaafsiisanno dannaha inoo gaarka ah. Dabeecadda noocaas ah la’aanteed, waxaa laga yaaba in aynu dawdarno oo dayacno jeeqaaqa aynu siin lahaynq qof alla ama wax alla , yaannay si toos ah saammeyn ba noogu yeellane; ama ka sii darrane, waxay u dhigta wax allaaba sidii in ay aagaan iyo bukur ku yihiin jeelashadeenna, jamaashooyinkeenna iyo rabitaanadeenna ; ugu dambeynna waxay indhogashigeenna caaalamka u kala tiqraari tagaabo iyo tabaallo, jaal iyo col. Beertaran Raasal oo arrinkaas ka hadlaaayanna waxaa u leeyahay : Haddii aynnaan ballaadhin ahmiyad siinta aynu ku taabideynayno caalamkan caadyaalka ah ama ifyaalka ah, waxa aynu ku go’i sidii ganle rakiban (garrison) oo dhex ool qalcad go’doonsan. Nolosha sidaa ihii k**a jirrayso nabdoonnan, bal’e waxa ku ladhan loollan joogto ah oo u dhexeeya ku raadjoogga rabitaanada iyo awood la’aanta higsiga iyo doonidda. Si kastaba ahaatee, haddii aynu u jeellannahay in ay nolosheennu noqoto mid guulleysata oo xornimo u dheertahay, waa in aynu ka libdhannaa xabsigan iyo loollankan na takhantakheeyey. Jidadka aynnu u mari karno baxsashadaasina waa u fiirsashada, dhexmuquuridda iyo gorfeynta falsafadda. “

Marka aynu dhex jibbaaxno mawduucyada inaga tanka badan, waxa aynu ka taransan deggennaan ay isduldhig ku ladhantahay. Sida uu Raasal’ba ka dhaawajinayanna waxaa u leeyahay “ Koonkan sii deysan ee aan hakad lahayn, caqliga gorfeeya ee ku dhexmuquura, waxaa u dhaxli oo hantiyii mug weyn oo sii deysnaan ah. “ Sidoo kalle, Ruuxdan fekeraysa waxa ay dhexjibbaaxii fallalkeenna iyo ficilladeenna. Annagoo taas ka dabqaadanay-nanna waxa aynu uu carrin meehaaladeenna iyo rabitaanadeenna qaabka ugu mudan ee laga dhadhansan karo ilbaxnimo iyo macne guud.
Sidaas darteed, ta’amulkaas iyo fekerkaasii ma korriyo oo ma beekhaamiyo ku dhex suganayaasha dhaadkeenna oo keliya, bal’e iyanna waxa u bullaalsha ku dhex suganayaasha qabadkeena iyo raadeynteenna: Ta’amulkaasii waxaa u innagga dhiga muwaaddiniin kowni ah oo meel dheer wax ka fiirsha, maaha keliya muwaaddiniin ku dhex go’doonsan magaallo meegaarran/ weegaaarran oo dagaal kula xarbiyeysa kuwo ka shisheyeeya’e. Sidaas darteed muwaaddinimadaas kowniga ihii—waxa ay koobsannaysa xornimada runta ah ee insaanka iyo ka libdhashada amase isbixinta uu kaga farobaxsannayo cabiidnimada meehaalka miiqan ee aan meelna gaadhsiisnayn iyo ka irdhoobidda cabsida. In la barto oo lagu dheygago falsafaddu, waxa ay innoo furraysa adduunyo cusub oo hor leh, waxa innaga dhigeysa kuwo ka fekera in dhaafsiisan ahaanshiyahooda si ay u daryeellaan muuqaallada ballaadhan ee lagama kacaanka ah ee ay noloshu inagu habayso.

Raasalna waxaa u ku so gebagebaynayaa : “ Falsafadda maaha in loo gorfeeyo, loo barto oo lagu celcelsho sidii loo heli lahaa uun warcellino qeexan oo la duldhigayo weyddiimaheeda, maaddaamma uusan/ aysan jirrin warcellino qeexan oo aan laga dhaqaajin karin oo deeqaya weyddiimaha falsafaddu la soo golle fadhiisato. Sidaas darteed ka xeer ahaan, waa in aad raacdeysataa oo aad naftaada ku habta sidii aad u noqon lahayd amase u heli lahayd runta iyo xaqiiqada, adiga oo ka duullaya weyddiimaha ku hordhigan ee lagama kacaanka tahay in ay ku carriyaan oo ay meehaalkaagana durduriyaan ; maxaa yeelayse weyddiimahannii waxa ay balaadhinnayaan oo ay beekhaaminayaan adduun araggeenna iyo shaandhada noo kala tiqraarta maxaa caqligel ah, maxaase ahayn caqligel. Sidoo kalle, waxa ay naaxisaa khayaalkeenna garasho iyo hummaag bixinta fiiradeennu kalkaaliso, waxa ayna dhanka kalle dedefaysaa oo ay bakhtiisa been abuurada iska soo gaadhka ee la qaatay amase la qabo (dogmatic assurance), ee ay suurre tahay in ay oodaan filashooyinka uu maanku ku carrismayo. Intaaba waxaa ka korreeya--innaga oo dhaadayna wacdaraha iyo weynaanta koonku la tadhahay ee uu ku agaasimo dabeeecaddiisa, ayay falsafaddu dhankeedana ku feker baxaysaa, kana shidaal qaadanaysa weyddiin gelinta ay isla kownka gelinayso, sidoo kalenna maskaxdu amase baraadkeennu isna wuxuu ku hanaqaadmaya shaandheynta, kala haadinta iyo shiilitaanka uu ku sameynayo xaqiiqada kownka iyo aroorka dhabta ah ee ay tahay in laga dhaado dabeecadda iyo kownka. Intaas waxaa uu dheer oo uu noqon mid awood iyo xad u leh in u la jirsado la midoobo kownkaas ay lagama dhibcaanka tahay in uu u qaabeeyo heerkiisa ugu wannaagsan “.

DHAMMAAD

W/Q: Jaalle Looshane

Adresse

Berlin

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Young Looshane erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Hervorgehoben

Teilen

Kategorie