
27/05/2025
Ilaahay Markuu Wax Ku Qoro, Qofna KaamaHor istaagi Karo
✈️🕋
Nin dhalinyaro ah oo Libya u dhashay oo la yiraahdo Aamir ayaa u safrayay Xajka. Intii uu ku guda jirey nidaamka baaritaanada garoonka, wuxuu la kulmay caqabad la xiriirtay magaciisa. Ciidanka ammaanka ayaa ku yiri: “Waan isku dayi doonaa inaan xallino arrintaada, ee fadlan wax yar naga war sug.”
Xujeydii kale way dhamaysteen howlahoodii, diyaaraddiina way fuuleen, albaabkiina waa la xiray. Daqiiqado kaddib, arintii Aamir waa la xaliyay, laakiin duuliyihii diyaaradda wuu diiday inuu mar kale albaabka furo diyaaraddiina way duushay.
Ciidankii garoonka waxay isku dayeen inay Aamir qalbiga u qaboojiyaan iyagoo leh: “Wax walba qorsha Rabbi bay ku dhacaan, laga yaabaa inay jiraan wax innaga qarsoon.”
Laakiin Aamir wuu diiday inuu baxo, wuxuuna si kalsooni leh u yiri:
“Anigu Xaj ayaan u soo tabaabushaytay, haddii Alle ii idmona waan aadayaa.”
Si lama filaan ah, fariin baa soo dhacday: diyaaraddii cilad baa ku timi, wayna soo laabatay, isla markiiba Ciladdii waa la xalliyey, markii laga codsaday duuliyihii inuu Albaabka furo si’ uu Aamir usii qaado wuu diiday. Sarkaal ayaa Aamir ku yiri: “Ma kuu qorneyn safarkan.”
Aamir wuxuu ugu jawaabay:
“Anigu Xaj ayaan u soo tabaabushaytay, haddii Alle ii dimona waan aadayaa.”
Markale diyaaraddii way dhaqaaqday balse mar labaad cilad baa ku timi, waxayna kusoo laabatay garoonka. Wakhtigaas, duuliyihii wuxuu fahmay in arrintani mucjiso thy, wuxuuna yiri:
“Aamir la’aantiis ma duulayo”
Sawir xusuus ah buu Aamir la galay, dhammaan xujeydii way wada duuleen, si nabad ah ayena Xajkii ku gaareen.
Markii Aamir la waydiiyey: waa maxay sirta adi iyo Rabbi idinka dhexaysa? Wuxuu yiri: keliya waxaan aaminay inaan Xajka aado.
Marka Alle talo saaro, wax walba oo Alle kuu qoray waad heli sabab walboo dhacda…
Cajiib