somaliween.tv

somaliween.tv Somaliwey.tv is an independent media platform covering important events in Somalia. fadein began cid gear ah lidi puma than

Hambalyo, inkastoo aan soo daahay, 14 Agoosto.”
14/08/2025

Hambalyo, inkastoo aan soo daahay, 14 Agoosto.”

13/08/2025

Dhaqaalaha shacabka laga soo aruuriyo ma aha mid lagu ciyaari karo.

Madaxweynaha Galmudug, Qoor Qoor, ayaa laba diyaaradood ku kireeyay dhalinyaro si ay uga qayb galaan xaflad. Ujeeddadu waxay ahayd in dhalinyaradaas oo inta badan isticmaala baraha bulshada uu sawir kula galo. Arrintan ayaa ku kacday qiyaastii $130,000K, taas oo maanta ay dad badan ku noqotay mid yaab leh oo caro dhalisay.

13/08/2025

Mahad wuxuu jufadiisa ku dhaqmay qabyaalad, taasoo caqabad ku noqotay xal uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.Tusaale ahaan, 60 askari ayuu u qaybiyay beesha uu kasoo jeedo ee Ayaanle, isaga oo si aan sinnaanta ahayn u kala saaray jufaha Ebakar iyo Cumar. Ebakar wuxuu siiyay 49 askari, halka Cumar loo qoondeeyay kaliya 11 askari. Anigu ma jecli in aan qabyaalad ka hadlo, mar walbana waxaan ahay qof jecel in aan Soomaalida mideeyo oo aanan kala qaybin.

Ma taqaan magacyada xigigaha? 7-da xigid ee halkan ka muuqda — magacyadooda ma garanaysaa, Soomaalina ahaan ma jiraan ma...
12/08/2025

Ma taqaan magacyada xigigaha? 7-da xigid ee halkan ka muuqda — magacyadooda ma garanaysaa, Soomaalina ahaan ma jiraan magacyo dhaqankeena iyo heesaha ku jira?"

09/08/2025

Aabe iyo gabadhiisa oo isku aflagaadeynaya baraha bulshada, mid kastana uu kan kale ceebtiisa faafinayo, ma aha dhaqan wanaagsan. Waxaa habboon in aabuhu u naxariisto gabadhiisa, ama gabadhu ay ixtiraam iyo roonaansho u muujiso aabaheed.

07/08/2025
07/08/2025

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo isku hub uruursanaya

Waxaa runtii laga argagaxaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta aqbasho in ninka h**ey u aflagaadeeyay dalkeena,...
07/08/2025

Waxaa runtii laga argagaxaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta aqbasho in ninka h**ey u aflagaadeeyay dalkeena, isagoo ku tilmaamay Muqdisho inay ahayd xarun xasuuq iyo inuu sheegtay in Somaliland ay ka xoroowday Soomaaliya, loo magacaabo safiirka Itoobiya ee Muqdisho u fadhiya.

Suleiman Dedefo – oo hadal noocaas ah si cad ugu qoray baraha bulshada – waa shakhsi si toos ah u gafeeyay qaranimada iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed. Ma aha nin u qalma inuu matalo dal deris ah oo xiriir diblomaasiyadeed naga dhaxeeyo.

Waa nasiibdarro weyn in qof gefkiisa cad yahay lagu sharfay in uu ku fadhiyo Muqdisho – caasimaddii uu aflagaadeeyay. Tani waxay hoos u dhigeysaa sharafta qarannimada Soomaaliyeed waxayna dhaawacaysaa kalsoonida shacabka.

Waxaan ugu baaqayaa dowladda Federaalka:

Inay si degdeg ah dib ugu eegto magacaabista safiirkaas.

Inay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan hadalkii h**e ee ninkaas.

In laga hortago wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo sharafta dalka Soomaaliyeed.

Ma jiro dal qaranimadiisa u taagan oo ogolaanaya in la aflagaadeeyo dalkiisa, hadana qofkii aflagaadeeyay lagu casuumo magac safiirnimo.

Falanqeeye Arrimaha Bulshada
SomaliWeen.TV

05/08/2025

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ka hor yimid qorshaha lagu burburinayo Suuqa Weyn ee Siinaay, magaalada Muqdisho.

03/08/2025

Maamulka Guriceel oo Shacabka iyo Ciidanka Iska Hor Keenay

Ciidamada militariga ee ku sugan magaalada Guriceel ayaa lagu eedeeyay in ay xabad nool u adeegsadeen darawallo bajaajleyaal ah, taasoo keentay cabsi iyo kacsanaan ka dhalatay gudaha

02/08/2025

Wuxuu doonayaa inuu dib u habeeyo fankii h**e ee Soomaaliyeed, una keeno casriyeyn cusub oo waafaqsan dhadhanka jiilka maanta, isagoo ilaalinaya qiimaha iyo dhaqanka suugaanta Soomaaliyeed.

Adresse

Berlin

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von somaliween.tv erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an somaliween.tv senden:

Teilen