01/06/2025
Ukraine oo maanta fulisay hawgal khasaare daran gaystay burburiyeyna diyaaradaha Ruushka ee xambaara gantaalada Nukliyeerka, lagana baqayo inuu horseedo dagaal daran oo ka dhex qarxa Ruushka iyo reer Galbeedka
Hawlgal Ukraine ugu magacdartay "Operation Spiderweb" oo loo fuliyey si cajiib ah ayaa darooniska Ukraine waxay beegteen afar saldhig ee Ciidamada Cirka ee Ruushka ee ay ka duulaan diyaaradaha noocyada loo yaqaan 4T-95 iyo TU-22M. Ukraine ayaa sheegatay in ay burburiyeen 41 diyaaradood oo wada nooca kore ah; laakiin illaa iyo hadda warbaahinta Ruushku waxay xaqiijiyeen 9 diyaaradood oo nooca nukliyeerka xambaara ah. Si kastaba ha ahaatee warbaahinta Ruushku waxay qiraysaa in dhaawac xooggan oo lamafilaan ah uu maanta soo gaaray ciidamada cirka iyo nukliyeerka Ruushka.
Hawlgalka ayaa laga fuliyey aagag ka agdhow saldhigyada diyaaradaha ee dhulka fog ee Ruushka ayada oo la isticmaalayo gaadiidka xammuulka oo ay saaranyihiin konteero ay ka buuxaan daroonis wada hubeysan. Sida ay faafisay SBU oo ah sirdoonka Ukraine, qalabka waxaa lagu rakibay guryo ka agdhow saldhiyada, dabadeedba waxaa la galiyey konteenaro furitaankooda laga hagayey Ukraine. Sidoo kale darooniska ayaa waxaa laga hagayey isla Ukraine. Ukraine ayaa sheegatay, sida ay qorayaan warbaahinta Ukraine, in ay Mareykanka waqti yar kahor ogaysiiyeen duulaanka ay ku qaadayaan Ruushka.
Qalabka oo rakiban oo konteenarada gaadiidkii la saaray ayaa darawal aaan waxba la socon loo dhiibay, sida ay warbaahinta Ruushka qaarkood qorayaan.
Warbaahinta iyo ilaha ka agdhow sirdoonka Ruushka ayaa farta ku fiiqaya in hawgalka ay fuliyeen sirdoonka Ingiriiska, hagitaanka satelitekana Mareykanku uu fududeeyey. Marnaba suurtagal ma aha, bay leeyihiin, in darooniskaas meel ka baxsan Ruushka laga hago ayada oo aan la isticmaaleyn sateliteka Mareykanka.
Siyaasadda Ruushka iyo waliba tan Mareykanka ee arrimaha nukliyeerka ayaa qeexaysa in haddii la weeraro agabka nukliyeerka xambaara ay ka dhigantahay ayada oo dalka nukliyeer lagu soo weeraray, jawaabtuna noqon doonto nukliyeer. Su'aasha maanta la isweydiinayaa baa ah, Ruushku jawaab intee le'eg buu ka bixin doonaa weerarka maanta ee militari ahaan gaarsiiyey dhaawac uusan marnaba filaneyn?
Falaanqeeyayaasha dagaalka Ukraine ayaa weerarka maanta ku macnaynaya mid Ingiriiska iyo madaxda EU-du ay ku daandaansanayaan Ruushka, ayaga oo daneynaya in Mareykanku uu si toos ah dagaalka u soo galo. Macno kasta oo weerarka maanta xambaarsanyahay, waxaa cad in dagaalka Ukraine aysan fari ka qodneyn, loona qorsheeyey in uu noqdo mid ay toos isu abbaari doonaan quwadaha reer Galbeedka iyo Ruushka iyo xulufadiisa oo ay ugu horreeyaan Shiinaha, Iran iyo Waqooyiga Kuuriya.