14/10/2025
Digniin📣📣
Halista caafimad battery yar yar (bottom battery)
Waalid ma ka war qabtaan halista caafimad ee ay leeyihiin baytariyada yar yar ee ku jira qalabka electroniga ee aynu isticmaalno sida maalinlaha Ah saacadaha gacanta, tasbiixda Electronic ah ( tally counter), remoteka furaha gaadhiga, qalabka caruurtu ku ciyaarto.
*Hadaba waa maxay halistani❓️
caruurta raad qaadka ahi waxa ay nugul yihin in ay liqaan baytariyada yar yar
sababta oo ah ilmahu waxa uu ku jira barashada deeganka uu ku nool nahay battery inta badan waxa ay leeyhin dhalaal
soo jiidasho u sameeyo ilmaha
⛔️maxaa dhici Kara marka ilmaha yar hadii uu liqooo uu hunguriga cuntada ku istaago? 🚫
Waxa mudo aad u kooban oo 30 daqiqo ah ku dhici Kara dhaawac wayn oo sababibi karta in labada hunguri ee cuntada iyo neefmareenku isku dalooshamaan kadibna uu ilmahaasi waajaho halis caafimad oo aad u xun taas oo sababi karta dhimasho
Waa maxay sababta uu baaterigu u keenayo dhibtaas caafimad mudo yar
falgal kimikaad (chemical reaction)
iyo dhaawac danabeed (electrical damage)
⛔️Dhibaatadani dalkeena ma ka jirtaa❓️
- Haa
▶️Tiroba sadex jeer ban la kulmay bukaan u dhintay xalad sababtay in ilmo u dhinto battery uu liqay mar dalkeena labo jeerna intii aan takhasuska ku jiray.
Sidoo kale waxa jira tiro badan oo bukaan caruur ah oo aan ka saaray Lakin samayn caafimad uu kaga tagay sidasanku isku dalooshamo
⛔️Sababta aan maanta digniintan u bixinaynaa waa maxay
⚠️Waxa aad suuqa hada u soo galay nooc tasxbiix tiriye ah oo leh battery si fudud u furmi Karo aadna loo isticmaalo taas oo ilmo badan halis caafimad galin karta iyo oo aanu waalidku iska war qabin
➡️ Fariin Waalid iska hubi in qalabka electroniga ee aad isticmaasho hadii uu battery yar yar ku shaqeeyo in aanu si fudud u furmi Karin oo uu leeyahay boolka yar ee xajiyaha ah.