Jiilka Maanta Media

Jiilka Maanta Media Our main mission is to create the most captivating content from somalis around the world .
(3)

20/12/2025

Ethicskaa la isku dhaafey ,
Way to go Mr President

Xarumaha gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka waxaa ka soconaya  wadatashiyo u dhexeeya shacabka, Xukuumadda iyo...
20/12/2025

Xarumaha gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka waxaa ka soconaya wadatashiyo u dhexeeya shacabka, Xukuumadda iyo Xisbiga Barwaaqo. Kulamadan ayaa lagu soo bandhigaya Bishaarooyinkii Guba iyo waxqabadka Dawladda Wadajirka (Medemer State) ee heer dal iyo heer deegaan.

Shacabka ayaa si weyn u bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda Dawladda Wadajirka, iyagoo muujiyey horumarka muuqda ee laga sameeyey dhinacyada kala duwan ee adeegyada iyo kaabayaasha horumarka, isla markaana adkeeyey kalsoonida ay ku qabaan jihada guud ee dalka iyo deegaanku u socdaan.
Dhanka kale, shacabka ayaa si furan u soo bandhigay baahiyaha kaabayaasha aas-aasiga ah, sicir-bararka iyo maciishadda, tahriibka, iyo dabagalka mashaariicda. Arrimahan waxaa si wadajir ah la isula qaatay in Xukuumaddu, heerarkeeda kala duwan, ay si buuxda mas’uuliyadda uga qaadato, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo baahiyaha degdegga ah ee bulshada.

Ujeedada kulamadan wadatashiga ah ee Xisbiga Barwaaqo joogteyey ayaa ah in la xoojiyo xiriirka shacabka iyo Xukuumadda, dhageysiga tabashooyinka iyo baahiyaha bulshada. Kulamadani waxay sidoo kale saldhig u yihiin in si masuuliyad leh looga jawaabo caqabadaha jira, iyadoo mudnaan la siinayo baahiyaha aas-aasiga ah ee shacabka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa horaantii todobaadkan ka codsaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya ...
19/12/2025

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa horaantii todobaadkan ka codsaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali in uu Askar ku biiriyo ciidamada ammaanka ee Gaza, sida ay sheegeen laba diblumaasiyiin reer galbeed ah oo arrintan wax ka og oo la hadlay wargeyska
(📷: CFP)

DEG DEG:  Waxaa la shaaciyay Qabashada tartanka koobka Degmooyinka Gobollada DeegaankaXafiiska Dhalinyarada iyo ciyaarah...
19/12/2025

DEG DEG: Waxaa la shaaciyay Qabashada tartanka koobka Degmooyinka Gobollada Deegaanka

Xafiiska Dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa si rasmi ah u shaaciyay in tartanka koobka degmooyinka gobollada la qaban doono 2/5/2018 Tirsiga Taariikhda Dalka Itoobiya.

Dalag iyo Daryeel Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (P.H.D) iyo masuuliyiinta Gobolka Qoraxey aya...
19/12/2025

Dalag iyo Daryeel

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (P.H.D) iyo masuuliyiinta Gobolka Qoraxey ayaa maanta booqasho lagu dhiirrigelinayo ganacsatada, shirkadaha iyo hantilayaasha ku tagay goobaha ay ka hirgelinayaan barnaamijka wax-soo-saarka dalag iyo daryeel

Booqashadan, oo qayb ka ah qorshayaasha horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada ee Xisbiga Barwaaqo, ayay ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta shirkadaha iyo maalqabeennada si ay uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira DDS. Waxaa sidoo kale lagu xoojinayaa dadaallada lagu yareynayo ku-tiirsanaanta gacan shisheeye, isla markaana lagu horumarinayo wax-soo-saarka.

Madaxweynaha Somalia ayaa markale Markii 4aad Sanadkan soo gaadhey Addis Ababa
19/12/2025

Madaxweynaha Somalia ayaa markale Markii 4aad Sanadkan soo gaadhey Addis Ababa

Ummadda islaamka ee khayrka jecel waxaan la socodsiinaynaa inay ka qayb qaataan Dhismaha Masaajidka Anwar oo ah masaajid...
19/12/2025

Ummadda islaamka ee khayrka jecel waxaan la socodsiinaynaa inay ka qayb qaataan Dhismaha Masaajidka Anwar oo ah masaajidadii Jigjiga ugu h**eeyay ,
Dhismaha masjid anwarkii h**e ayaa waxa soo gala Daadka dhismihiisuna maadaamuu qadiimi yahay wuu sii dumaya sidaas darteed qofkastoo khayrka jecel Accounadan hoose ha ugu dir masjidka
Waa sadaqo jaariya waliba qarsoon oo adiga iyo ilaahay uun idiin dhaxayn doonta
CBE = 1000528607466
Ebirr /Kaafi = 0915919226

Jumca mubarak saxibayaal caawa waa jimce an ku salino xabiibkeeni dadkana aan xasuusino SCW ❤️
18/12/2025

Jumca mubarak saxibayaal caawa waa jimce an ku salino xabiibkeeni dadkana aan xasuusino SCW ❤️

18/12/2025

Raxmadii Eebbe ee Roobka ayaa ka Curatay jigjiga iyo Nawaaxigeeda Lafaciise ayuu sifiican uga da’ay

Axzaabta Siyaasadda Deegaanka Oo kulmay , Madaxa Xisbiga Barwaaqo, laanta Deegaanka Soomaalida, Ing. Maxamed Shaalle Isa...
18/12/2025

Axzaabta Siyaasadda Deegaanka Oo kulmay ,

Madaxa Xisbiga Barwaaqo, laanta Deegaanka Soomaalida, Ing. Maxamed Shaalle Isaaq, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay axsaabta siyaasadeed ee ka diiwaangashan Deegaanka Soomaalida. Kulammadan, oo ka dhacay xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laanta Deegaanka, ayaa lagu falanqeeyay arrimaha amniga, horumarka iyo geeddi-socodka doorashooyinka.

Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laanta Deegaanka Soomaalida, Ing. Maxamed Shaalle Isaaq, oo ka hadlay kulammadan, ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay Xisbiga Barwaaqo inuu soo dhaweeyo cid kasta oo ka shaqaynaysa danaha ummadda, adkaynta amniga, iyo xaqiijinta qabsoomidda doorasho xor ah oo loo siman yahay.

TARTAN IYO ISKAASHI Gudoomiyaha Xisbiga Somali federalist Mudane Yuusuf Xuseen iyo Gudoomiyaha Xisbiga Barwaaqo Mudane E...
18/12/2025

TARTAN IYO ISKAASHI

Gudoomiyaha Xisbiga Somali federalist Mudane Yuusuf Xuseen iyo Gudoomiyaha Xisbiga Barwaaqo Mudane Eng Shalle oo kulmay xilli Deegaanka ay Doorasho kuso wajahantahay ,
Wada shaqaynta Axsaabta siyaasadeed Waa ilbaxnimo siyaasadeed oo deegaanka uso korodhay iyadoo xilka qabashadiisa loo wada ordayo in hadana kulamo layeesho

Hadii aad Telebirr lacag ka amaahatay waxad haysataa kaliya 9 maalmood !Hadaad intaa ku celin waydo accounka aad Commerc...
18/12/2025

Hadii aad Telebirr lacag ka amaahatay waxad haysataa kaliya 9 maalmood !
Hadaad intaa ku celin waydo accounka aad Commercialka kuledahay waa la xanibi doonaa Dadkii lacagaha ka amaahday Telebir ayaa la raaddinayaa.
Cidii sagaal cisho gudaheed ku bixisana lacagihii dulsaarka ku noqon lahaa ayaa laga dayn doonaa .

Culimadu waxay noo sheegtay inay ribo tahay in lacag laga amaahdo meel kadibna lagu dulsaaro lacag dheeri ah balse dhalinyar badan oo deegaanka ah ayaa lacago ka amaahda

Adresse

St. Petersburger Street 21
Dresden
01069

Telefon

+4915754845125

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Jiilka Maanta Media erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Jiilka Maanta Media senden:

Teilen