10/09/2026
Siyaasi Jaamac Yaasin, oo ka mid ah dhalinyarada haldoorka ah ee reer Sanaag, ayaa caawa munaasibad soo dhoweyn iyo casho sharaf ah u sameeyey Guurti Cali Maxamuud Xaaji Dirir oo loo Magacabay Xubin Ka tirsan Gudida Nabadda Heer Qaran iyo Badhasaabka Cusub ee Gobolka Badhan, Yaasiin Maxamed Sharmaarke, oo dhowaan Madaxweyne Cirro magacaabay.
Munaasibadda ayaa waxaa ka qaybgalay Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Badhan, Guurti, masuuliyiin, Siyaasiyiin iyo haldoor badan oo reer Sanaag ah.