GOODIR TV

GOODIR TV GOODIR TV Kala Soco Warar Degdeg oo Xaqiiqda ku Dhisan. Dhab u sheeg dhacdada

TELL 0634529058 / 0634892134

๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง: ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ž๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฆ๐ข๐๐ค๐š ๐ก๐ฎ๐›๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐›๐›๐š๐๐๐ฎ ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐š๐งDagaalku ma bilaabmo marka rasaastu dhacdo; taas w...
11/12/2025

๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง: ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ž๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฆ๐ข๐๐ค๐š ๐ก๐ฎ๐›๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐›๐›๐š๐๐๐ฎ ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐š๐ง

Dagaalku ma bilaabmo marka rasaastu dhacdo; taas waa wejiga ugu dambeeya. Ka hor waxa jira dagaal kale oo aad u khatar badan oo ujeeddadiisu tahay in la wiiqo awooddaada, isku-duubnidaada, iyo adkeysigaaga. Dagaalkan h**e waxa loo yaqaan Dagaal Siyaasadeed iyo Diblomaasiyadeed (Political & Diplomatic War), waxaana lagu beegsadaa nidaamka, bulshada, iyo hoggaanka si loo daciifiyo inta aan dagaal muuqda la gaarin.

Dagaalkan waxa uu ku shaqeeyaa dhowr hannaan oo waaweyn:
โธป
๐Ÿ. ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š (๐Œ๐ž๐๐ข๐š ๐๐ซ๐จ๐ฉ๐š๐ ๐š๐ง๐๐š)
Warbaahinta ayaa loo adeegsadaa in lagu faafiyo:
โ€ข Warar been abuur ah
โ€ข Macluumaad jahawareer dhalinaya
โ€ข Farriimo cabsi gelin ah
โ€ข Warar dareenka bulshada carqaladeynaya
Ujeeddadu waa in bulshada lagu mashquuliyo, lagu kala fogeeyo, ama lagu qasbo inay shaki ka qabto awooddeeda iyo hoggaankeeda.
โธป
๐Ÿ. ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐—๐จ๐ ๐ญ๐š (๐ˆ๐ง๐Ÿ๐จ๐ซ๐ฆ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐ซ๐ž)
Dagaalka casriga ahi waxa uu ku dhisan yahay xog. Haddii xogtaada laga helo si fudud, waxa la ogaanaya:
โ€ข Tirada iyo habdhiska ciidanka
โ€ข Nooca hubka la hayo
โ€ข Dhaqaalaha iyo sahayda
โ€ข Meelaha muhiimka ah ee aad joogto
โ€ข Qorshahaaga dagaal (War Strategy) โ€” kaas oo ah waxa ugu qaalisan ee la beegsado

Marka xogtaadu furto, awooddaadu way furmaysaa.
โธป
๐Ÿ‘. ๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐š๐ฅ๐š ๐ƒ๐ข๐ฅ๐ข๐๐๐š (๐ƒ๐ข๐ฏ๐ข๐๐ž & ๐‘๐ฎ๐ฅ๐ž)
Tani waa farsamada ugu khatarta badan ee lagu jebiyo xoogga ummad:
โ€ข In bulshada la isku diro
โ€ข In kooxo calooshood-u-shaqaystayaal ah loo adeegsado kala jabinta
โ€ข In qof walba laga tuso dan gaar ah si loo iloobo danta guud
โ€ข In Midnimada, isku duubnida iyo kalsoonida la burburiyo

Marka dadku kala tagaan, awoodoodu si weyn ayay u lunto.
โธป
๐Ÿ’. ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ค๐š๐ฑ๐๐š (๐๐ฌ๐ฒ๐œ๐ก๐จ๐ฅ๐จ๐ ๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐ซ๐ž)
Ujeeddadu waa in la wiiqo niyadda guud ee bulshada iyo ciidamada:
โ€ข In lagu abuurayo cabsi joogto ah
โ€ข In lagu muujiyo in aad guuldaraysanayso ama aad daciif tahay
โ€ข In shakiyo lagu abuuro hoggaanka iyo goโ€™aamadiisa
โ€ข In la dhaawaco kalsoonida dadku u hayaan hogaankooda, ciidankooda iyo madaxooda

Dagaalka maskaxdu waa midka ugu awoodda badan ee sabab u noqon kara burbur gudaha ah iyada oo aan hal xabbad la ridin.
โธป
Gunaanad

Walaalayaal, aynu ka feejignaanno dagaalladan qarsoon ee maanta inagu socda โ€” kuwaas oo mararka qaar qofku uu qayb uga noqdo isaga oo aan ogayn.
Midnimada, wacyiga, iyo isku duubnida bulshada ayaa ah difaaca ugu xoogga badan ee lagu joojin karo dagaalladan aan muuqda ahayn.

Mahadsanidiin.

Mustafa Elmi

11/12/2025

Taliye Araweeyo waxa uu ahaa Taliye Bulshada ree Awdal Ugu adeegay Daahfurnaan iyo Odaynimo.

Adigu Maxaa ku Xasuusandoontaa?

GOODIR TV

  Samater   ibraahim ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay dhawaan Mudaharaadkii ka dhacday magaalada Boorama. Sultha...
11/12/2025

Samater ibraahim ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay dhawaan Mudaharaadkii ka dhacday magaalada Boorama. Sulthanku waxa uu si gaar ah u tegay xarumaha caafimaadka ee ay ku jiraan dhaawacyadu, oo ay ka mid yihiin Hospital, Hospital iyo Hospital**, si uu ula socdo xaaladdooda caafimaad iyo daryeelka ay helayaan.
isaga oo u duceeyey dhammaan dadkii dhaawaca ahaaโ€”kuwa weli jiifa isbitaallada.

11/12/2025

Baaq duco oo loogu ducaynayo shuhadadii ku shahiiday xasuuqi 05/12/2025 ka dhacay magaalada boorama oo loo diray masaajida boorama iyo dhamaan masaajiida dal iyo dibadba.

11/12/2025

" Dhiigii iyo dhaawaca Dhalinyarada Xaq u dirirka ee Boorama, Xukuumada waxa kala cuslaatay Calanka Soomaaliya iyo Awdal State oo macno u samayeyey "

siyaasi maxamed suldan

11/12/2025

Taliyaha Cusub ee loosoo magacaabay Qaybta Police ka G Awdal Taliye Bisle.

GOODIR TV

11/12/2025

Somaliland Masiijiridoonto Cadaalad la,aan

Xil Maydhane.GOODIR TV

Gaashanle Sare Axmed Cabdi Miicad (Bisle) ayaa ayaa loo soo magcaabay Taliska Ciidanka  Qaybta Booliska Gobolka Awdal
11/12/2025

Gaashanle Sare Axmed Cabdi Miicad (Bisle) ayaa ayaa loo soo magcaabay Taliska Ciidanka Qaybta Booliska Gobolka Awdal

11/12/2025

War miyaad ilowday Dagaalkii geerisaad?
Waardiyahagii aad ku tiirsanayd ragii nolosha ku baqtay ayaan ahaa.

11/12/2025

"Gadarbuusiyoo Dagaalka u baxa"Caaqil Axmed Diiriye.

GOODIR TV

11/12/2025

Shaydaanka iska naara oo Nabadiina ilaashada.

Boqor Axmed iimaan.

GOODIR TV
Wariye Hasan Koranto

Boorame; Shacabka ayaa dib u masaxay sawirkii calanka Soomaaliya iyo midabadii buluuga ahaa ee lagu xarday taallada Aqoo...
11/12/2025

Boorame; Shacabka ayaa dib u masaxay sawirkii calanka Soomaaliya iyo midabadii buluuga ahaa ee lagu xarday taallada Aqoonta ee magaaladaasi.

Adresse

Frankfurt
65931

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von GOODIR TV erfรคhrt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht fรผr andere Zwecke verwendet und Sie kรถnnen sich jederzeit abmelden.

Teilen

Kategorie