10/07/2026
Guddoomiye Cabdillaahi Ibraahin Habbane waxa uu muddo ka badan labaatan sano ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida oo ah masuulka ugu sarreeya dhinaca maamulka shaqada golaha. Cabdillaahi, oo ah taariikhyahan si qoto dheer u yaqaan dadka iyo dalka, waxa uu fursad u helay inuu ka soo shaqeeyo golihii ugu shaqada iyo masuuliyadda badnaa xilligii ay Somaliland dib u dhismaysay. Waxa uu ka mid ahaa odayaashii iyo haldoorkii doorka wayn ka qaatay taagista dhidibbada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Somaliland, xilli ay dagaallo iyo xasillooni-darro hadheeyeen dalka iyo guud ahaan mandaqadda.
Haddii laga eego dhinaca garashada, aqoonta iyo waayo-aragnimada, ma jirto cid uga mudan jagadan Guddoomiye Cabdillaahi Ibraahin Habbane. Sidoo kale, haddii laga eego dhinaca abaalmarinta iyo qaddarinta, waa kan ugu mudan, maaddaama uu wakhtigiisa iyo dadaalkiisa intiisa badan u huray dhismaha iyo horumarinta Somaliland, hawshaas oo uu weli si hagar la’aan ah ugu jiro.
Waxa la joogaa xilligii Guddoomiye Cabdillaahi Ibraahin Habbane uu hoggaamin lahaa Golaha Guurtida, gole uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa, isla markaana uu muddo dheer ka soo ahaa Xoghayaha Guud.
W/ Q Garyaqaan Hassan Deri
Stockholm, Sweden