31/01/2026
W/Q Abdikarim Badri Musse
Qiiro jabaan iyo dood-jaban oo aan waaqicana waxba ka goynayn, waxna ka badalayn; muqdisho/soomaaliya qofka jooga waa soomaali-asali ah; karaamaysan akhlaaqdiisa iyo asluubtiisuna dhawrsoonyihiin, ka aaggas ka maqana waa dabo dhilif, lahayste iyo guumaysi kalkaal aan sinjiga soomaali sheegan karin, waa uun iska aragti cidhiidhyoon oo lagu hadaaqi karro la iskuna maaweelin karro ashkhaasta aragtidaas buunbuuninaysana dib u dhac waxaan ahayn ka dheefi maayaann; shatiga sharfoonidana xamar laguma bixiyo.
Jigjiga iyo muqdisho, hada iyo hadhoowba waxay ahaanayaann, laba caasimadood oo soomaali wada leedahay isna xurmeeya, marnana is hoos iman-mayaan'e halaggu biyo liqo, deegaankana aragtidiisa iyo ajandihiisuba gudaha deegaanku yaalla'e wax lasoo minguuriyay, lana soo dhoofiyay, oo aan ummadda deegaanka kasoo go'in ka dhaqan gali maayaann.
Xiligii cadiifada iyo carinta la isku harawsan jiray waa lasoo dhaafay, waxaana lagu jiraa sabankii caqlaaninimadda iyo cilmiga la kaashanayay. Ganacsiga, gacaltooyanimadda, is dhexgalka bulshadda iyo in la xididaba hala laba jibaaro se dowladnimmo iyo siyaasad ma wada dhisan karro booweyaall.