Gaylan Media

Gaylan Media Geylan waa saxafi sare oo Soomaaliyeed iyo falanqeeye siyaasadeed oo beddelaya arrimaha siyaasadda Bariga Afrika, Gaar ahaan Soomaaliya.

Wuxuu kaloo ka warramayaa arrimaha colaadda ee Soomaaliya, horumar waara iyo dib -u -dhiska ciidan.

IIRAAN OO SI ADAG U CAMBAAREYSAY AQOONSIGA SOMALILANDDawladda Iiraan ayaa si kulul uga falcelisay go’aankii ay Israa’iil...
27/12/2025

IIRAAN OO SI ADAG U CAMBAAREYSAY AQOONSIGA SOMALILAND

Dawladda Iiraan ayaa si kulul uga falcelisay go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland dal madax-bannaan, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid qeyb ka ah siyaasad Israa’iil ay ku kala fogeynayso una kala jebineyso dalalka Muslimiinta.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaaciil Baqaai, ayaa sheegay in Iiraan ay si buuxda u garab-taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageerayso midnimadeeda, madaxbannaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee dalkeeda.

Baqaai wuxuu xusay in ficillada noocan ah ee Israa’iil ay si cad uga hor imaanayaan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar ku yihiin xasilloonida iyo wada noolaanshaha dalalka gobolka iyo guud ahaan dunida Islaamka.

Hadalkan ayaa lagu baahiyay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iiraan, IRNA, taasoo xaqiijisay in Tehran ay mowqif cad ka taagan tahay arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Qatar Sheekh Tamiim bin...
27/12/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad, wuxuuna la wadaagay qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa diiday waxa loogu yeeray "Aqoonsiga" ee Israel siisay Somaliland iyadoo ku adkaysatay taageerada ay ...
27/12/2025

Dowladda Qatar ayaa diiday waxa loogu yeeray "Aqoonsiga" ee Israel siisay Somaliland iyadoo ku adkaysatay taageerada ay u hayso madax banaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu warramayaa inuu wadahadalro telefoon ...
27/12/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu warramayaa inuu wadahadalro telefoon la yeeshay labadii Madaxweyne ee h**e ee dalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kaddib tallaabadii ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland.

Latashiyadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa mowqif qaran oo mideysan, laguna wajahayo arrintaas oo si toos ah u taabaneysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed la dhinac dhigo, lana muujiyo midnimo qaran marka ay timaaddo arrin la xiriirta masiirka dalka.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa dadaal lagu xoojinayo isku duubnida hoggaanka siyaasadeed, isla markaana lagu dirayo fariin cad oo ku socota beesha caalamka oo ku saabsan in Soomaaliya ay leedahay mowqif mideysan oo aan kala qaybsanayn.

Kaboweyne ayaa soo hadlay isaga oo leh Marnaba ma u aqoonsan doono Somaliland dal Madax banaan, waana qeyb ka mid ah Som...
27/12/2025

Kaboweyne ayaa soo hadlay isaga oo leh Marnaba ma u aqoonsan doono Somaliland dal Madax banaan, waana qeyb ka mid ah Somalia 🇸🇴

Madaxweyne Trump oo la hadlay Wargeyska New York Post ayaa yiri” Somaliland waa qeyb ka mid ah Somalia mana u aqoonsan doono in ay dal noqoto”.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Soma...
26/12/2025

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland dal madax-bannaan, tallaabadaas oo uu ururku ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in Israa’iil, oo ururku ku tilmaamay awood gumeysi, aysan wax sharci ah u lahayn inay faragelin ku sameyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana aqoonsi noocaas ah uu si toos ah u dhaawacayo midnimada qaran, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

OIC waxay mar kale si cad u muujisay taageero buuxda iyo garab-istaag rasmi ah oo ay la taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay inay si joogto ah u taageerayso hay’adaha sharciyadda ah ee dalka iyo dadaallada lagu ilaalinayo qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale, ururku wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka, Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood waajib ka dhigaya dhowrista madax-bannaanida dalalka iyo wadajirka dhulkooda

MIDOWGA AFRIKA OO SI CAD U DIIDAY AQOONSIGA SOMALILANDMidowga Afrika ayaa si adag uga hor yimid tallaabo kasta oo lagu d...
26/12/2025

MIDOWGA AFRIKA OO SI CAD U DIIDAY AQOONSIGA SOMALILAND
Midowga Afrika ayaa si adag uga hor yimid tallaabo kasta oo lagu doonayo in Somaliland loogu aqoonsado dal madax-bannaan, kaddib hadal ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana isku day kasta oo lagu wiiqayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya uu si toos ah uga hor imanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in tallaabooyin noocaas ah ay abuuri karaan tusaale khatar ah oo saameyn taban ku yeesha nabadda iyo xasilloonida guud ahaan qaaradda Afrika.

Midowga Afrika wuxuu mar kale adkeeyay sida uu si buuxda uga go’an yahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo taageero buuxda u muujiyay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan:
Xoojinta nabadda

Dhisidda hay’adaha dowliga ah

Hirgelinta maamul loo dhan yahay

Midnimada Soomaaliya waa khad cas – AU

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Dawladda Falastiin ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso...
26/12/2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Dawladda Falastiin ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay si adag u cambaaraysay tallaabada Israa’iil ay ku sheegatay aqoonsiga Somaliland, taas oo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah.

Bayaan ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay wiiqayso xasilloonida gobolka, isla markaana ay qayb ka tahay dadaallada Israa’iil ee lagu carqaladeynayo amniga iyo nabadda caalamiga ah. Falastiin waxay sidoo kale diidday tallaabo kasta oo taageerta kala-go’ ama sharciyad siinaysa, kuna xadgudbaysa madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa ka digtay qorshayaal ay Israa’iil ku doonayso inay ku masaafuriso shacabka Falastiin, gaar ahaan kuwa ka imanaya Marinka Gaza, iyadoo xustay in magaca Somaliland h**e loogu isticmaalay arrintan. Falastiin waxay arrintan ku tilmaantay “khad cas” waxayna ka digtay cid kasta oo la safata hindiseyaashaasi.

26/12/2025

Jawaabta Soomaaliya

Madaxweyne H**e Farmaajo oo xad gudub ku tilmaamay tilaabada Israel ayaa booriyay shacabka in ay midoobaan dadkooda difa...
26/12/2025

Madaxweyne H**e Farmaajo oo xad gudub ku tilmaamay tilaabada Israel ayaa booriyay shacabka in ay midoobaan dadkooda difaacdaan.

Golaha iskaashiga khaliifka ee GCC , ayaa ka soo horjeestay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. Xoghayaha gu...
26/12/2025

Golaha iskaashiga khaliifka ee GCC , ayaa ka soo horjeestay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jassim Al-Budaiwi, ayaa warsxaaafadeed uu soo saaray, wuxuu yiri ; “Oggolaanshaha ay ciidamada Israa’iil ku aqoonsanayaan Somaliland, waa tallaabo halis ah oo ka baxsan qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana si cad u jebinaysa madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda.”
Laakin wax ka badan kala bar waxay golahan qeyb ka yihiin heshiiska Abraham Accords , halka kuwa kalena ay xiriir la leeyihiin Israa’iil marka laga reebo Sacuudiga.

Dawladdaha Soomaaliya, Masar, Turkiga & Jabuuti ayaa kudhawaaqay in aan la aqbali karin talaabada ay Isr|L ku aqoonsatay...
26/12/2025

Dawladdaha Soomaaliya, Masar, Turkiga & Jabuuti ayaa kudhawaaqay in aan la aqbali karin talaabada ay Isr|L ku aqoonsatay Somaliland, waxayna sheegeen in ay tahay xadgudub lagula kacay midnimada & Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa telfoon kula hadlay hoggaamiyayaasha dalalkan goor dhaw, wuxuuna sheegay in khatar amni la aaday.

Adresse

Calle San Jose
Frankfurt
30003

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Gaylan Media erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Gaylan Media senden:

Teilen