Dhagacade Show

Dhagacade Show hoyga siyaasada iyo cayaaraha

09/07/2026

Xalaaka dumarka ciyaarha dawada

09/07/2026

Guddiga Farsamada ee mucaaradka Nabad iyo Nolol ku matalaya wada-hadallada mucaaradka iyo Dowladda Federaalka ayaa faahfaahin ka bixiyey nooca doorasho ee ay Nabad iyo Nolol soo jeedisay iyo shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgelinteeda, taas oo ku salaysan noocii doorasho ee Dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay soo bandhigtay 2018-kii.

09/07/2026

: Galinka dambe ee maanta, hotel kuyaala xayndaabka Garoonka Muqdisho ayuu ka furmayaa kulan is arag ah oo ay markii 1-aad is horfariisanayaan mucaaradka iyo muxaafidka Villa Soomaaliya dhinacyo kasocda, iyadoo dhexdhexaadiyayaal yihiin dowladdaha Reer Galbeedka "afarta awooda leh", waxaana laga doodayaa hanaanka maareynta kala guurka & Doorashooyinka dalka.

Waa kulankii 1aad ee guddiyo Farsamo oo ay wakiilada caalamiga ah kudhexjiraan ay is arkayaan, iyadoo ay darafyada golaha Mustaqbalka uga qeybgali doonaan dhinacyo Farsamo oo ay ku jiraan ergooyinka Puntland & Jubbaland, iyadoo diiradda la saarayo soo bandhigida nooca doorasho ee ay golaha Mustaqbalka miiska geynayaan, kaas oo ah Doorashooyin Codbixiyaashu badan yihiin, 2 guddi doorasho, deegaanada la badiyey, Nidaamka qabaa`ilka ee 4.5-na lagu galayo oo ay kuraasta leeyihiin beeluhu, taas oo ka duwan soo jeedinta Villa Somalia.

MW IRAN ayaa ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin in ay casharo dagaal oo dheeraad ah siiyaan Mareykanka & xulufadiisa oo ...
09/07/2026

MW IRAN ayaa ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin in ay casharo dagaal oo dheeraad ah siiyaan Mareykanka & xulufadiisa oo uu sheegay in ay burburiyeen heshiiskii Is afgaradka Xabad joojinta ee la saxiixay, wax yar uun markii uu si deg deg ah uga soo laabtay Ciraaq ayuu kudhawaaqay.

Trump safarkii uu kaga soo laabtay dalka Turkiga ee ka qeybgalka shirkii NATO, ka cabsaday isticmaalka diyaaradii ay had...
09/07/2026

Trump safarkii uu kaga soo laabtay dalka Turkiga ee ka qeybgalka shirkii NATO, ka cabsaday isticmaalka diyaaradii ay hadiyad ahaanta u siisay dowladda Qadar, wuxuuna bedelkeeda duulimaadkan oo xasaasi ah ku sameeyey diyaaradii h**e ee AirForce One.

Wariyayaasha ayaa Trump weydiiyey in uu sababo amni awgood u isticmaalay diyaaradii h**e oo tan cusub uga cararay, wuxuu sheegay in IRAN madaxdeeda yihiin kuwa go`aano xun oo iska bixin kara amar masuuliyad darro, sida uu Trump ku dooday.

Trump ayaa shalay wariyayaasha usheegay in ay IRAN u qorsheysay dil bareer ah, uuse ka gaashaaman yahay.

  Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu ku xadgudbay ballanqaadyadi...
09/07/2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu ku xadgudbay ballanqaadyadiisii isla markaana uu adeegsanayo caga-jugleyn.

Wuxuu sheegay in Iran weerarada lagu qaaday ay si adag uga jawaabi doonto, isagoo carrabka ku adkeeyay in marinka Hormuz uu furnaan doono oo keliya, iyadoo lagu saleynayo go'aanka Iran, balse uusan ku furmi doonin cadaadis ama hanjabaad Mareykan.

Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka oo waxyar ka hor ku dhawaaqay inay soo gabagabeeyeen weerarro ay ka gaysteen gudaha...
09/07/2026

Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka oo waxyar ka hor ku dhawaaqay inay soo gabagabeeyeen weerarro ay ka gaysteen gudaha Iiraan ayaa sheegay inay tan iyo xalay weerarreen 90 bartilmaameed oo militari oo Iiraan leedahay, kuwaas oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca cirka iyo qalabka lagu ilaaliyo xeebaha.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay inay weli ku jiraan heegan buuxa iyo diyaar-garow dagaal, ayna diyaar u yihiin inay fuliyaan hawlgal kasta oo uu amro Taliyaha Guud (Trump).

09/07/2026

Maalin.wanagsam jalayaal

09/07/2026

Haloo kala gar qado hee dadkaan

Adresse

Mainzer Straße
Frankfurt
60599

Öffnungszeiten

Montag 09:00 - 23:00
Dienstag 09:00 - 23:00
Mittwoch 09:00 - 23:00
Donnerstag 09:00 - 23:00
Freitag 15:00 - 23:00
Samstag 09:00 - 23:00
Sonntag 09:00 - 23:00

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Dhagacade Show erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Teilen

Kategorie