Wararka soomaalida jarmalka Somali-Deutsch

Wararka soomaalida jarmalka Somali-Deutsch Halkan kala soco wararka iyo dhacdooyinka ka dhacaya caalamka, gaar ahaan macluumaadka la xidhiidha soomaalida ku nool wadanka jarmalka.

Arrimaha qaxoontiga, dhanka sharciyada, arrimaha bulshada iyo wararka maalinlaha u dhacaya halkan kala soco.

06/06/2025

Farxad ku ciida dhamaantiinba❤️

30/05/2025

Imisa sharci ayaa laga bixiyaa Jarmalka?

qof kasta oo ku cusub dalka Jarmalkani wuxuu u baahan yahay inuu fahmo xaqiiqada iyo fursadaha dhabta ah ee uu ka heli karo waddankan Jarmalka, haddaba halkan waxaan idinkula wadaagayaa sharciyada kala duwan ee uu qofku qaato marka uu dalkan Jarmalka magangelyo ka codsado.

Marka aad waraysiga haayada qaxoontiga ee BAMF marto, waxaad haysataa inaad afartan go’aan midkood lagaa gaadho;

1. Sharciga qaxoontiga rasmiga ah ee saddexda sanno ah( buluuga ). Sharcigani waa qaxoonti rasmi ah, oo micnaheedu yahay in fursad u haysato inaad soo qaadato qoyskaaga, inaad shaqo bilaabi karto gudaha Jarmalka, inaad shaqaysan karto, sidoo kalena aad u dalxiisi karto meel kasta oo caalamka ah, marka laga reebo waddanka aad dhibta ka sheegatay. Sharciga weyn waad xaraysan kartaa muddo 5 sanno ah ka dib, haddii aad soo buuxiso dhamaanba shuruudaha lagaaga baahan yahay.

2. Sharciga Subsidiärschutz, oo hal sanno ah. Sharcigani waa ibnu aadantinimo, kaliya waxa laguu siiyay, maadaama ay naftaadu halis geli karto haddii lagugu celiyo dalkii aad dhibta ka sheegatay. Sharcigan waad ku shaqaysan kartaa, waxbarashana waad ku geli kartaa, sidoo qoyskaaga waad kusoo kaxaysan kartaa, laakiinse arrintan dawlada cusub waxay joojisay muddo laba sanno ah. Sharciga weyn waad xaraysan kartaa, haddii aad soo buuxiso shuruudaha lagaaga baahan yahay.

3. Sharciga Abschiebeverbot, oo halsano ah. Sharcigani waa kaliya in laguu diiday in laguu celiyo dalkaagii, maadaama ay ka jiraan weli dhibaatooyinkii aad uga timid. Sharcigan waxbaad ku baran kartaa, waad ku shaqaysan kartaa, sidoo kale waad ku bixi kartaa haddii Passport lagu siiyo. Laakiinse waxa caqabad ku noqon karta inaad qoyskaaga soo qaadato. Dhinaca sharciga weyn waad xaraysan kartaa haddii aad buuxiso shuruudaha lagaaga baahan yahay.

4. In diidmo lagu siiyo. Maadaama aannad laguu diiday saddexdan magangelyo, waxaad xaq u keedahay inaad qabsato looyar/abukaate muddo 7 cisho gudahood ah marka aad hesho jawaabta diidmada. Ka dib Looyarkaaga/abukaatahaaga ayaa maxkamada u gudbinaya inaanad ku qancin go’aanka haayada qaxoontiga ee BAMF. Ka dib ayay maxkamadu go’aan kaasoo gaadhi doontaa. Haddii sharci lagu siiyo saddexda sharci ee aan h**e usoo sheegnay ayaa lagu siin doonaa.

Intaas ayaan kusoo koobayaa, nabad-gelyo. 👍

30/05/2025

Dowlada cusub ee Jarmalka oo go’aan ku gaadhay dadka haysta sharciga halka sanno ah ee Subsidiärer Schutz inaan loosoo qaadin qoysaskooda. Muddo laba sanno ah ayuu soconayaa go’aankani. Sidoo kale sharcigii weynaa ee Jarmalka ee lagu qaadan jiray 3-da sanno gebi ahaanba waala joojiyay, oo imika waxaad qaadan kartaa 5 sanno ka dib.

Wararkan wixii kasoo kordha halkan kala soco.

28/05/2025

Meelahan ayaad ka xarraysan kartaa shaqooyin toos ah;

1. Indeed
2. Stepstone
3. Heyjobs
4. Biz
5. Shirkada aad doonayso oo aad magaceeda baadho, ka dibna qaybta Karriere ka dhex eegto in shaqadaad rabtaa ay ku jirto, haddii aannay ku jirina waxaad samayn kartaa Initiative Bewerbung. Taas oo micnaheedu yahay in markay banaanaato shaqadaad doonaysaa ay kula soo xidhiidhaan adiga.

Nasiib wacan.

27/05/2025

Waan ku salaamay,

maggaaladee kaga nooshahay dalka Jarmalka?

17 qof ayaa tooray lagu dhaawacay maggaalada Hamburg ee Jarmalka. Gabadh ayaa midi la dhex qaaday dad ku sugnaa xarrunta...
23/05/2025

17 qof ayaa tooray lagu dhaawacay maggaalada Hamburg ee Jarmalka.

Gabadh ayaa midi la dhex qaaday dad ku sugnaa xarrunta tareemada ee maggaalada Hamburg. Abaaro 18:05 daqiiqo ayuu weerarkani dhacay. Weli ma cada sababta ka dambaysay weerarkan. Gabadhii falka geysatay booliiska ayaa gacanta ku dhigay. In ku dhow 17 qof ayaa dhaawac ah, halka 3 ka mid ahi ay dhaawac halis ah yihiin. Wixii kasoo kordha halkan kala soco.

08/03/2024

Wada-hadaladii xalka loogu raadinayay in mushaharka loogu kordhiyo shaqaalaha tareenada oo mar kle guul-daraystay.

Waxa macquula in marar kale oo badan ay tareemadu hakad u galaan mudaharaadka ay wadaan shaqaalaha tareenadu.

08/03/2024

Kusoo dhowaada gacmo furan dhamaantiinba.

04/10/2023

Fiid wanaagsan dhamaantiinba.❤️

Sharciga weyn oo la fududeyn doono.Wasiirka arrimaha gudaha dalkan Jarmalka Nancy faeser(SPD) ayaa shalay waraysi ay bix...
24/08/2023

Sharciga weyn oo la fududeyn doono.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkan Jarmalka Nancy faeser(SPD) ayaa shalay waraysi ay bixisay ku faah-faahisay in sharciga weyn ee Jarmalka 5 sannadood lagu soo koobi doono. Dhinaca kale dadka dadaalka iyo is-dhexgalka deg-dega ah sameeya waxay ku qaadan karaan 3 sannadood oo kaliya. Sharcigan ansixintiisa waxa loo gudbiyay baarlamaanka Jarmalka, waxana macquula in 1. January ee sannadka 2024 uu dhaqan geli doono.

Dhinaca kale carruurta ku dhalata Jarmalka, ee waalidkood ay joogeen muddo 5 sannadood ah waxay toos u heli doonaan dhalashada Jarmalka.

Waxa xusid mudan in shaciga weyn ee Jarmalka markii h**e lagu qaadan jiray muddo 8 sannadood ah.

Haddaba, marka uu dhaqan galo sharcigani, waxa ka faa’idaysan doona dad ku dhow 12 milyan oo ajaanib ah.

Source: Tagesschau

24/08/2023

Digniin: Wiil jarmalka ku sugan iyo arrin yaab badan oo uu la kulmay.

29/08/2022

Soo dhowaada dhamaantiinba.

Adresse

Hamburg

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Wararka soomaalida jarmalka Somali-Deutsch erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen