24/03/2026
Habeenkii Akhriska & Wada-sheekaysiga oo si guul leh ku soo dhammaaday!
Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka mid ahaa marti-sharafta kulankii gaarka ahaa ee lagu falanqeynayay nolosha, qaxootinimada, iyo dib-u-bilowga nololeed.
Aniga iyo Sorosh Satari, oo ah Weriyaal ka soo kala jeeda Soomaaliya iyo Afgaanistaan, waxaan si qoto dheer uga sheekeynay safarradeenna nololeed—caqabadihii aan soo marnay iyo sida aan nolol cusub uga bilaawnay Degmada Harburg, Hamburg.
Akhriskii (Af-Soomaali & Af-Jarmal) wuxuu ahaa mid aad u qiimo badan, halka dooddii furaneyd ay keentay isdhaafsi fikrado iyo waayo-aragnimo.
Waxaa si gaar ah ii taabtay su’aalihii iyo ka-qaybgalka firfircoon ee dadweynaha—taasi waxay kulanka ka dhigtay mid macno leh oo xusuus reeb ah.
Mahad gaar ah ayaan u dirayaa dhammaan dadkii ka soo qeyb galay iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay qabanqaabada kulankan.
📍 Harburg – Hamburg
🤝 Wadajir, isfaham iyo rajada mustaqbal wanaagsan
WQ. Hussein Geesey