Babile media

Babile media Babile Television TV Online 24 Journalism🌍📥Welcome ✅

Sida Warbaahinta caalamiga ah ku warantay, Soomaaliya waxay soo iibsatay laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, kuwaa...
19/08/2026

Sida Warbaahinta caalamiga ah ku warantay, Soomaaliya waxay soo iibsatay laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, kuwaas oo qayb ka noqonaya qorshaha dib loogu soo nooleynayo shirkaddii diyaaradaha qaranka Soomaaliya ee Somali Airlines.

Labadan diyaaradood ayaa la filayaa in bisha soo socota ay duulimaadyadooda ugu horreeya ka bilaabaan dalalka gobolka. Dhanka kale, Soomaaliya waxay qorsheyneysaa iney labadaa diyaaradood kusoo darto saddex diyaaradood oo kale, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

35 sano kadib, Shirkada diyaaradaha qaranka ee Soomaaliya ayaa la filayaa in bisha soo socota ay dib u bilowdo duulimaadyadeedii, waxayna tani dib usoo celineysaa adeeg mudo dheer hakad ku jirey, shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa shaqada joojiyay 1991-kii kadib markii uu dalku galay dagaal sokeeye.

Full Time: PSG 2-1 Aston Villa. Kooxda PSG ayaa ku guuleystay koobka UEFA Super Cup.Runtii, Garsooraha Soomaaliyeed ee C...
12/08/2026

Full Time: PSG 2-1 Aston Villa. Kooxda PSG ayaa ku guuleystay koobka UEFA Super Cup.

Runtii, Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan wuxuu ciyaartan u dhexdhexaadiyay si aad u wanaagsan oo lagu amaani karo, ma dhicin hal khalad oo lagu murmay, dhexdhexaadin labada kooxoodba ku qanceen ayay kusoo dhamaatey. Intii uu ciyaartan dhexdhexaadinayay garsoore Cartan wuxuu qabtey 24 foul, wuxuuna bixiyay 3 kaar oo huruuda.

Kumanaan F-lastiiniyiin ah oo ku nool marinka Q/--sa ayaa maanta ka qaybgalay aas wadareed loo sameeyay hadhaaga meydadk...
04/08/2026

Kumanaan F-lastiiniyiin ah oo ku nool marinka Q/--sa ayaa maanta ka qaybgalay aas wadareed loo sameeyay hadhaaga meydadka 112 qof, kuwaasoo ku dhawaad sedex sanadood ku hoos jirey burburka dhismayaasha.

ISRL ayaa bishii November, 2023 duqeymo culus la beegsatey dhismayaal ay degenaayeen dad rayid ah oo ku yaalay xaafada Sabra ee magalada Q/--sa, waxaa duqeymahaas ku geeriyooday ku dhawaad 308 qof, waxaana ilaa hada weli burburka dhismayaasha ku hoos jira oo aan laga soo saarin meydadka 157 qof oo kale.

Masuuliyiinta F-lastiin waxay sheegen in dhammaan dadkan geeriyooday ay ahaayeen dad aad iskugu dhow oo qaraabo hoose ah.

Allah ha u naxariisto.

WAR CUSUB. Deeganka Tigreega ayaa ku dhawaaqay in imtixaan u gaar ah ka qaadi doonan ardaydooda Dugsiga sare. Waxay shee...
05/07/2026

WAR CUSUB.

Deeganka Tigreega ayaa ku dhawaaqay in imtixaan u gaar ah ka qaadi doonan ardaydooda Dugsiga sare. Waxay sheegen in jawaab ka waayen wasaaradda waxbarashada dalka. Ardayda imtixaanka 12aad-ka galaysa ayaan sababo kala duwan loo geynin imtixaankii.

Maamulka oo hadlay ayaa waxay kaloy sheegen in xitaa Jaamacadaha iyagu dhibcaha go'aamin doonan, oo ay sidaas ku xarrayn doonan ardayda Jaamacaddaha.

Tallaabadan ayaa loo arkay in qaab dal madax-bannaan oo kale u dhaqmeen.

Warbixin degdeg ah oo hadda soo dhacday.Waxaa la soo sheegay in dambiilihii gacan-ku-dhiiglaha ahaa ee baxsadka ahaa ee ...
29/06/2026

Warbixin degdeg ah oo hadda soo dhacday.

Waxaa la soo sheegay in dambiilihii gacan-ku-dhiiglaha ahaa ee baxsadka ahaa ee Xaamud lagu arkay maamulka degmada Baabili, Oromia.

Codsi:

Laamaha amniga ee degmada Baabili (Somali) waxaan ka codsanaynaa inay la xaajoodaan maamulka Oromia si gacan loogu soo geliyo dambiilaha baxsadka ah, si loogu maxkamadeeyo dhibka uu u geystay bulshada nabadgelyada.

Haddii la rabo in ay bulshadu nabad ku wada noolaato, yaan loo oggolaan in dambiilahan baxsadka ahi bannaanka si nabad ah ugu joogo. Waa in sharciga la horkeenaa, ciqaabtiisana la mariyaa, sidii ahaa tallaabo looga qaaday oo kale. Dambiilahan labaadna waa in la soo qabtaa oo tallaabo sharci ah laga qaadaa.

Dhacdooyinka amniga lidka ku ah iyo isku dirka qabaa'ilka ee degmada Baabili ka soo noqnoqday 10-kii sano ee la soo dhaa...
28/06/2026

Dhacdooyinka amniga lidka ku ah iyo isku dirka qabaa'ilka ee degmada Baabili ka soo noqnoqday 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa ka dambeeya masuuliyiinta hoos ku xusan:
G/Ku/Xigeenka Degmada Baabili – C/xakiin.
M/Arrimaha Siyaasadda – Ahmad Nuur Shabab.
M/Maleeshiyada, oo xabsi loo taxaabay markii dembi cad lagu helay – Rabaani.
G/Santarka Haloobiyo – Xaamud.
Shaqsiyaadka aan kor ku soo xusnay waxay abaabuleen dhacdooyin badan oo amni-darro ah oo degmada ka dhacay.
Sida in bulshada walaalaha ah ee wada deggan Daakhate, labada dhinac ee deegaankaas kala dega, kuwaas oo kala ah beesha Saxawle, oo degta daanta galbeed ee Daakhate isla markaana iska leh ilaa 100 awoow, iyo beesha Gari Konbe, oo degta daanta bari ee Daakhate, la iska horkeeno, dhiig badanna uu ku daato. Halkaas 10-kii sano ee la soo dhaafay dhiig badan ayaa ku daatay.
Halkaan dhibka ay ka wadaan waxaa ka mid ah in beelaha Gari ee degan daanta bari ee Daakhate lagu yidhaahdo, "Daakhate oo dhan idinkaa iska leh," si ay weerar ugu qaadaan. Halkaasna 10-kii sano ee la soo dhaafay dhiig badan ayaa ku daadanayey.
Tan labaad, markii ay ku guuldaraysteen inay sifadaas sharci-darrada ah dhul ay dad kale awoow ka awoow u leeyihiin ugu dhiibaan dad kale, waxay qorsheeyeen inay maamulka iyo beelaha Oromada, ee markii h**e colaad naga dhex taallay, ula shiraan, kuna yidhaahdaan: "Cadowgiinna ayaan is haysannaa, ee idinkuna dhankiinna kaga bilaaba."
Qorshahaasna wuu u hirgalay, waxaana maanta ugu dambaysay. Hal mar ayay qabiilka Maaya la yidhaahdo iyo jeeska yar ee Abarhiin ah, ee dib-u-curashadu dhulka beelaha Saxawle si sharci-darro ah ugu soo dejisay 15 sano ka hor, iyada oo waliba bulsho xoolo-dhaqato ah dhulkaas laga barakiciyey si halkaas loogu dejiyo. Beesha Saxawle wali ma aysan illoobin soo dejinta jeeska yar ee Abarhiin, sidaas darteedna wali ma aysan illaawin. Maantana waxay dhanka Oromia mareen oo ay soo weerareen bulshadii dhulkaas sida sharci-darrada ah looga siiyey.
Marka, waxaan digniin u diraynaa maamulka degmada qaybtooda fayow iyo laamaha amniga ee degmada ku sugan inay ka hortagaan dhagar-wadayaashan kala dilaya bulshada degmada Baabili, isla markaana sidii M/Maleeshiyada tallaabo looga qaaday oo kale, jaajuusinta soo hadhayna tallaabo sharci ah looga qaado,
si ay bulshada Degmada Baabili nabad ugu wada noolaato.
WABILAAHI TOOFIIQ

Cabasho Ku Socota Guddiga Doorashooyinka iyo Hay'adaha Ay KhusaysoWaxaan si weyn uga walaacsannahay habkii ay u dhacday ...
04/06/2026

Cabasho Ku Socota Guddiga Doorashooyinka iyo Hay'adaha Ay Khusayso

Waxaan si weyn uga walaacsannahay habkii ay u dhacday doorashadii Degmada Baabili iyo natiijadii la shaaciyey. Waxaa jira eedeymo iyo cabashooyin badan oo bulshada dhexdeeda ka jira kuwaas oo sheegaya in musharraxa madaxa-bannaan ee Musadad Xaaji Cabdiqani uu helay codadka ugu badan ee shacabka, balse natiijadii rasmiga ahayd si kale loo soo bandhigay.

Sida ay sheegayaan dad goob-joogayaal ah, waxaa la tuhunsan yahay in habeenkii doorashada la farageliyey xaruntii codadka lagu ururinayey, isla markaana cadaadis lagu saaray masuuliyiintii goobta joogtay. Waxaa kale oo jira su'aalo laga keenay waraaqaha natiijada ee la shaaciyey iyo in ay waafaqsan yihiin iyo in kale codadkii ku jiray sanduuqyada.

Sidaa darteed, waxaan ka codsanaynaa Guddiga Doorashooyinka iyo hay'adaha ay khusayso inay sameeyaan baaritaan madax-bannaan oo hufan, dibna loo hubiyo dhammaan codadkii la dhiibtay iyo waraaqihii natiijada si loo xaqiijiyo in rabitaanka shacabka la dhowray.

Bulshada Baabili waxay mudan tahay doorasho xor iyo xalaal ah, cod kasta oo la dhiibtayna waa inuu helo qiimaha iyo xurmada uu leeyahay.

Caddaalad iyo daahfurnaan ayaa lagu heli karaa kalsoonida shacabka

Bayaanka Shaacinta natiijada doorashada Degmada BaabiliWaxaan si adag uga soo horjeednaa natiijada ay shaaciyeen Guddiga...
04/06/2026

Bayaanka Shaacinta natiijada doorashada Degmada Baabili

Waxaan si adag uga soo horjeednaa natiijada ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka iyo maamulka Degmada Baabili. Natiijadan ma matalayso rabitaanka shacabka, mana waafaqsana codkii ay bulshada bixisay.

Waxaan aaminsanahay in gabadha lagu magacaabo Filsan Cumar Ibraahim aanay helin taageerada iyo codadka lagu sheegay natiijada la shaaciyey. Waxaa jira shaki weyn oo ku saabsan hufnaanta habka loo tiriyey codadka iyo sida loogu dhawaaqay natiijada, taas oo bulshada dhexdeeda dhalisay caro iyo kalsooni darro.

Waxaan ugu baaqaynaa Guddiga Doorashooyinka iyo maamulka degmada inay si cad oo hufan u soo bandhigaan dhammaan xogta iyo habraacyadii lagu gaaray natiijadan, isla markaana ay oggolaadaan dib-u-eegis madax-bannaan si loo xaqiijiyo in codka shacabka la ixtiraamay.

Bulshada Baabili waxay xaq u leedahay in codkeeda si caddaalad ah loo ilaaliyo, mana aqbali doonto natiijo kasta oo lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq, ku shubasho ama faragelin ka baxsan rabitaanka shacabka.

Codka shacabka waa in la dhowraa, caddaaladduna waa inay muuqataa.

  Soo Dhaweyn her sareXILDHIBAANKA UGU SHACBIYADA BADAN DAGMADA BAABILIXildhibankamadax bannaan Golaha wakilda heer deeg...
16/05/2026

Soo Dhaweyn her sare

XILDHIBAANKA UGU SHACBIYADA BADAN DAGMADA BAABILI

Xildhibankamadax bannaan Golaha wakilda heer deegaan Musharrax Xildhibaan Musadad Cabdiqani (Abdikani) ayaa si diirran oo heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Dhandhame, xarunta degmada Baabili.

Boqolaal shacab ah oo isugu jira dhalinyaro, haween, odayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn ugu soo baxay soo dhaweyntiisa, iyagoo muujiyey taageero ballaaran, kalsooni buuxda iyo rajada hoggaan wanaagsan oo ay ka qabaan musharraxa.

Soo dhaweyntan quruxda badan ayaa si cad u muujinaysa midnimada shacabka iyo sida ay uga go’an tahay horumarka degmada Baabili.

🔥 Dhandhame maanta waxay noqotay astaan midnimo, taageero iyo isbeddel muuqda! 🤝

Kusoo dhawoow Musharrax Xildhibaan Musadad Cabdiqani!Abdi Fatah Bulshawi Show Show

Xaaladda Baabili dadku way dhayalsanayaan, balse halistu waa mid dhab ah.
01/05/2026

Xaaladda Baabili dadku way dhayalsanayaan, balse halistu waa mid dhab ah.

Adresse

Hornberg
ZIP

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Babile media erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Babile media senden:

Verknüpfungen

Teilen