15/11/2025
DEG DEG: Illaa 60 meeyo saraakiil sirdoon iyo khubaro amni oo Muqdisho ku sugnaa ayaa ka baxay garoonka iyagoo u cararay meelo kala duwan, ka dib markii ay ka mid noqdeen dadka ay saameysay macluumaadkii la jabsaday ee E-VISAHA Xasan Sheekh iyo Premier Bank.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in saraakiisha carartay ay u badnaayeen kuwo reer Galbeed oo Xamar u joogay arrimaha amniga iyo dagaalka argagixisada.
Waxaa aad looga cabsi qabaa in xogta la jabsaday lagu faafiyo Dark Web oo ah bar lagu kala iibsado macluumaadka lasoo dhaco ee online-ka ah.
Walwalka ugu weyn ayaa ah in Shabaab ay ku lug yeelan karaan ama ay gacanta u gali karto macluumaadka dadka ku lugta leh sirdoonka iyo amniga - gaar ahaan kuwa reer Galbeedka.