Shabakada Haldoornews

Shabakada  Haldoornews This is the official page of Haldoor News
HN is a Somali news outlet based in Kassel Germany

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ  ๐ ๐จ'๐š๐š๐ง ๐ค๐ก๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š.KU: Dhammaan Wasaaradaha...
15/02/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ ๐ ๐จ'๐š๐š๐ง ๐ค๐ก๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š.

KU: Dhammaan Wasaaradaha, Hayโ€™adaha Madaxa-bannaan iyo Wakaaladaha Dawladda

๐—จ๐—๐—˜๐—˜๐——๐——๐—ข: ๐—๐—ข๐—ข๐—๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ซ๐—”๐—™๐—”๐—Ÿ๐—”๐——๐—”๐—›๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐— ๐—จ๐—ก๐—”๐—”๐—ฆ๐—œ๐—•๐—”๐——๐—”๐—›๐—” ๐—”๐—•๐—”๐—”๐—Ÿ-๐— ๐—”๐—ฅ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ฆ๐—›๐—”๐—ค๐—”๐—”๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐——๐—ข๐—ช๐—Ÿ๐—”๐——๐——๐—”

Mudane /Marwo,

Anniga oo fulinya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa aan qoraalkan idinkula socodsiinayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si rasmi ah u goโ€™aamiyey in la joojiyo dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Feb 2026, ilaa amar dambe laga soo saaro.

Goโ€™aankan waxa uu Madaxweynuhu u qaatay isaga oo tixgelinaya Xaaladaha Abaaraha baโ€™an ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland.

Abaaruhu waxa ay sababeen biyo-yaraan, waxyeelo culus oo soo gaadhay xoolaha nool, barakac iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo danyarta.

Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan noqotay in Hayโ€™adaha Dawladdu ay muujiyaan Masuuliyad Qaran, wadajir, naxariis iyo dareen-qaybsi la xidhiidha xaaladda taagan, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo Xaaladaha Biniโ€™aadannimo iyo danaha guud ee Qaranka.

Goโ€™aankani waxa uu khuseeyaa dhammaan Wasaaradaha, Hayโ€™adaha Madaxa-bannaan, Wakaaladaha iyo Hayโ€™ad kasta oo Dawladeed.

Sidaa darteed, waxa la idinka filayaa fulin degdeg ah iyo u hoggaansanaan buuxda.

๐…๐ˆ๐ˆ๐‘๐Ž ๐†๐€๐€๐‘ ๐€๐‡:

Munaasibadaha Furitaanka Mashaariicaha horumarku Qaranku kuma jiraan go'aankan uu Madaxweynuhu soo saaray.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Adresse

Gรถrlitzer Str 32 34123 Kassel
Kassel
49811

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Shabakada Haldoornews erfรคhrt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht fรผr andere Zwecke verwendet und Sie kรถnnen sich jederzeit abmelden.

Verknรผpfungen

Teilen