
09/08/2025
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah Tababar uga furay Gabdho ka tirsan Ciidanka oo Baarayaal ka noqonaya Saldhigyada Boliiska si Haweenka gala faldambiyeedka xiliga Baarista u helaan Haween dhigooda ah una helaan Cadaalad Baariseed.
Talaabadan oo qorshaheeda uu Hindisay Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa looga dan leeyahay awood siinta shaqada ee Haweenka Boliiska si ay mudnaan gaar ah ugu helaan shaqooyinka lagama maarmaanka u ah inay iyagu qabtaan oo aan markii h**e fursad loo siin jirin.