Somali Educated Group.

Somali Educated Group. Kontaktinformationen, Karte und Wegbeschreibungen, Kontaktformulare, Öffnungszeiten, Dienstleistungen, Bewertungen, Fotos, Videos und Ankündigungen von Somali Educated Group., hectsheimerstraße 37a, Mainz.

25/11/2016

Musharaxa Xildhibaanka Heerka Federaal ee Soomaaliya ama (Aqalka hoose) Osman Mohamed Abdi Daalo Waa Shaqsi leh Karti Hogaamineed oo horay loo Tijaabshey, waxaanu u Rajeyneynaa Inuu Markale Soo Laabto.✔✔✔✔✔✔✔

16/04/2016

Waa Faalo Ka hadlaysa Marxaladihii ay Soo Martay Waxbarashada Dalka waxaana Diyaariyay Wariye Nuur Shariif Shaacir

 (QORMO) W/Q/ Nuur Shariif Shaacir. Hadaan Iftiimiyo Micnaha Mowjadaha Guushaada waa marxalado kuhor gudban Guushaada oo...
13/06/2015


(QORMO) W/Q/ Nuur Shariif Shaacir.

Hadaan Iftiimiyo Micnaha Mowjadaha Guushaada waa marxalado kuhor gudban Guushaada oo aadan ka Tilaabsan karin ama ka boodi karin midkoodna.

Hadaba markeynu maskaxdeena ka shaqeysiino oo aaynu fakirno waxaynu la nimaanaa fikrad ama fikrado cusub anagoo kawarqabna in Fakirku yahay mid aan looga maarmin Maskaxda Caafimaadka Qabta Ee Qofka bini'aadanka ah.
markaynu intaa la nimaano jawaabta ay maskaxdeenu nagusoo celiso waa Hal-abuur (CREATIVITY) ha noqdo mid Aqoon inaan meel ka gaarno ah,Mid Ganasi inaan balaarino ah, Xil,Takhasus maado ama Arimo kale ujeeedkeenu ha ahaado.

Hal-abuurkaas oo anynu u arkeyno inu xal u yahay mas'alada markaa maankeena kadhex Guuxaysa wali xalka fikradaa maanu-gaarin lakiin Boqolkiiba sodon ayaan dhaqaaqnay 30% sababtoo ah Qariidadii (Map)-kii xalkaaga ama xalkeena ayaan helnay.

Maxaa xiga Marka fulintii waana tan ugu caqaba badan ee Qofka bini'aadanka ah uu Wajaho markuu layimaado Hal-Abuur waxay dhalisaa inuu halkaa uga haro arintii uu mudada ka fakirayay oo wakhti iyo juhdiba uu ku baxshay waa anaga niraahna "Hebel xaloo dhan Dabakh-buu dhisayay saakayna waa ha sheegin waxba k**a hayo"

Diiniyan hadaynu ka eegno majirto howl bilaa ficil ama dhaqaaq la qabto marka h**e waa inuu ficilku niyada ka yimaadaa kadibna jir ahaan ama dhaqaaq ahaan loola yimaadaa Suuratul Maryama Markuu Alle (SWT) ka sheekeynayay sida Maryama Bintu Cimraan ay u Qaaday Nebi Ciise Ibnu Maryama (C.s) Waxaa ku xusan suuratul maryama In Geed timir Dusheeda laga yeelay hoosteedana Dar wabi ah oo lagu yiri rux geedka si ay timirtu kugusoo daadato Cun oo Cab kuna indha Doogso ubadkaaga hadii aad aragto qof bashar ahna kudheh axdi ayaan lagalay alle inaanaan Maanta lahadlin Qof bini'aadan ah.
waxaan uga golahaa ficilka iyadoo umul ah ayaa Maryama Ibnu Cimraan Rabi ku Amray inay ruxdo geedka oo ficil la timaado, biyaha soo darsato oo cabto iyadoo aan ognahay aayado badan inuu Alle (SWC) ku sheegay inuu doortay Kana dhigay Gabar Daahir ah Raashinke Cunaysana Samada looga keeni jiray.

Marka fulintu waa lak**a maarmaaan silamid ah siday fikradu maskaxda muhiimka ugu tahay.

Fulintu marka waxay u baahantahay waxla yiraahdo (MOTIVATION) Dhiiranaan ama dhiirigelin.
Hadaan ku hormaro mida dhiirigelinta ah qofku haduu helo qof ku dhiirigeliya hal-abuurka uu layimid ama saaxiib hanoqdo,waalid ama walaal waxay sahlaysaa inuu sii dhaqaajiyo Gaariga guusha inkastoo mararka Qaar ay dhacdo qof fikir la yimaado qof kale ama koox kalana ay fuliso wa arin wanaagsan.

Dhiirigelinta ugu wanaagsani waatan ka Timaada (nafta) Shaqsiyada Qofka bini'aadanka ah Ee layimid hal'abuurka waa inuu isagu isku dhiirigeliyaa oo la yimaadaa Dhiiranaan oo ah tan labaad maxaa yeelay marka Aad Noqoto mid fikrad Kaduwan Dadka Abuuri kara Waa iska caadi inaad yeelato Cadow ka imaanaaya bulshada aad kudhex Nooshahay ha noqoto Qaraabo,Saaxiibo ama dadyoowga Kale Marka waxaad kaga Guulaysan kartaa inaad Ku dhiirantahay oo Aadan ka leexan dhabaha Aad adigu calaamadaysatay ilaa aad ka Gaarto Salka.

Markaad la timaado intaa oo ku dhaqaaqdo Fulintii tan xigtaa Ee aad martin karto waa xalka xisaabtii aad isku dhufsatay Qalad ama Sax laakiin labadaba Adigu Faa'iido ayaad ku Qabtaa Sabab???
Qaladka=Hadaad Qalado waxad heleysaa dhabihii Saxda ahaa Ee mas'aladan aad qaladay waana waaya aragnimo kugusoo siyaaday kugumana Qaadan doonto wakhti badan inaad hesho jawaabta saxda ah hadad isku daydo mar labaad hadaad Qaladayna micnaheedu ma aha inaad guuldaraysatay ee Dadaal Gaari doontide.

Saxid=Hadaad Saxdo waxaad Heysataa xalkii aad baadi goobeysay mudada dheer marxaladaha adagna soo maray.
Maxaa xigi kara markay halkaa marayso-
99% waa (Success) waa guul
Hadaba tani waa Mowjadaha Guushaada ama Marxaladaha Guushaada waana muhiim inad Qodobeysato si aad kaga gudubto Godadka kuhor gudban Guushaada.

W/Q/ Nuur Shariif Shaacir

try it.........if you failed don't go to back....
09/06/2015

try it.........if you failed don't go to back....

Success Waves
02/06/2015

Success Waves

( )(( ))Hay'ada cilmi baarista iyo Horumarinta Waxbarashada ee (Higher Education Statistics Agency) magaceedana loosoo g...
02/06/2015

( )
(( ))

Hay'ada cilmi baarista iyo Horumarinta Waxbarashada ee (Higher Education Statistics Agency) magaceedana loosoo gaabiyo (HESA) Fadhigeeduna yahay Dalka Ingiriiska ayaa waxay soo Bandhigeen Daraasad ay sameyeen sadaxdii sano ee u danbaysay taa oo ay ku sheegeen maadooyin ugu badan ee si fudud shaqooyinkooda lagu heli karo Qalinjabinta ama.takhasuskooda kadib hadaba maadooyinka oo gaaraya ilaa 10 hoos ka akhriso magacyadooda iyo siday ugu kala h**eeyaan fursadaha shaqo..

1. Medicine and Denstry (94.7 per cent in work)

2. Veterinary Science (85.3 per cent)

3. Subjects allied to medicine (79.8 per cent)

(e.g. biomedical science, physiotherapy)

4. Architecture, building and planning (71.3 per cent)

5. Engineering and technology (62.8 per cent)

6. Computer science (59.1 per cent)

7. Education (59.1 per cent)

8. Business studies (49 per cent)

9. Mathematical sciences (47.1 per cent)

10. Social studies (44.9 per cent)

   (Nuur shariif shaacir)Dunidan aynu joogno oo lagu tiriyo dunidii cilmiga ayaa waxa lagu baratamaya curin ama hindise-...
22/05/2015


(Nuur shariif shaacir)
Dunidan aynu joogno oo lagu tiriyo dunidii cilmiga ayaa waxa lagu baratamaya curin ama hindise-cilmiyeed ku dhisan Aqli yo Aqoon
Waxana markasta ku aragnaa mareeg-wareedyada iyo masraxyada caalamka Cilmi-baaris lagu guulaystay ama halabuur soo siyaaday waxaana laysku raacay in dhamaantood ay saldhig u tahay Aqrinta oo la joogteyey culuumtii h**e iyo tan maantadan oo la kulmiyayna waxay dhashay hindise biloow fiican u noqon kara jiilka danbe si ay wax ugu siyaadiyaan qudhooda una helaan meel ay waxka bilaabi karaan.
Ciwaanka aan horudhaca uga dhigay qormadayda ayaa micnihiisuyahay Aqrintu inaytahay barbaariyaha maskaxda tan kalana wuxuu bixinaayaa sawir ah inay maskaxda bini'aadanku u baahantahay koriinsho ama kobcin.
Saynisyahan u dhashay dalka Gariiga oo lagu magacaabo (Democritus) laguna daro dadka cilmiga sayniska ah meel sare ka gaaray ayaa mar uu ka sheekeynayay Aqrinta iyo doorka maskaxda bini'aadanka waxa uu yiri "nafta bini'aadanka sida ay ugu baahantahay biyaha iyo raashinka ayay maskaxduna ugu baahantahay in lagu quudiyo aqrinta si ay u hesho jawaabta sirta ka qarsan" taa oo muujinaysa in maskaxdu markay xeeriso ururiso culuum badan inay la imaanayso hal-abuur.
Ma jiro mu'alif ama aqoonyahan heer ka gaaray cilmiga mid u saaxiib ah wax aqrinta mooyee waxayna sahlaysaa inuu kala garto baahida bulshadiisa ama shacauubta caalamka.
Bulshada fakhriga ka ah wax Aqrinta waa kuwa maanta lagu tilmaamo dunida sadaxaad oo la micno ah inay laba mar ka danbeeyaan dunida casriga ah ama aqrinta badan.
Goobaha lagu keydiyo buugaagta sida maktabadaha oo la badiyo iyo ardayda oo la siiyo fursado ay waxku aqrin karaan waxa ay kocinaysaa garaadka Aqoon ee bulshada.
Muhiimada aqrintu ma aha mid miisaan fudud markuu malakul jabriil ugu imaaday Nabigeena maxamad (NNKH) isagoo ku sugan buurtii (Qaarul_Xiraa) hadalkii ugu h**eeyey ee uu dhaho waxay ahayd IQRa oo la micno ah aqri waana tan maanta ay inagusoo gaartay diinteena suuban aqrintu.
Aqrintu waxa ay dadka ka saartaa jahliga iyo mugdiga waxayna ka dhigtaa mid xog-ogaal u ah inbadan kana faham badan bulshada uu la noolyahay.
Dalka jarmalka oo lagu tilmaamo inu kamidyahay dalalka hrumarka ka sameeyey cilmiga kana mid ah wadamada lagu sheego (six world power) lixda wadan ee ugu cududa roon aduunka dagaalkii labaad ee adunka WW2 ee socday intii u dhaxaysay 1938-1945 waa lakaga guulaystay wana lagu xasuuqay malaayiin dad ah ayaa lagu dilay waxana la burburiyay dhismayaal badan oo ay kujireen iskulaad,jaamacado iyo goobo lagu keydiyo waxyaabaha taariikhiga ah.
Hay'adihii gurmadka ama gargaarka u tagay waxyaabihi ugu h**eeyey oo ay ka codsadeen reer jarmal hay'adaha waxa kamid ahaa in dhismayaasha burburay hoostooda lakagasoo saaro buugaagta iyo taariikhaha kaga jira waxayna u arkayeen aqrinta buugaagta iyo aqoontuba inaytahay tan kaliya ee ka caawinkarta inay soo kabsadaan.
Saynisyahankii weynaa ee Alfred Nobel oo abaalmarinte Nobel peace-ka ay aawadii kutimid ayaa yiri"AQRINTU QOFKA DA'DIISA AYAY DA' UGU DARTAA" waxayna tilmaam ka bixinaysaa koriinshaha maskaxda qofka wax aqriya sidoo Alfred Nobel waxuu dardaarmay in biladan Nobel-ka ah lagu abaalmariyo qofka wax kusoo siyaadiya aduunka lana yimaada hal-abuur.
Soomaaliya waxa lagu Qiyaasaa dadka wax qora waxna aqriya 65% laakiin su'aashu waxaytahay ma joogteeyaan Aqrinta???
Hadaba naftaada weydii bishii imisa buug ayaad Aqrisaa??
W/D/ Nuur shariif shaacir
Khamiis 21/5/2015
14:30

Barayaasha iyo ardayda oo fursad la siiyo iyadoo aan la siyaasadayn  waa halka kaliya ee aynu Dalkeena ku dhisan karno.W...
20/05/2015

Barayaasha iyo ardayda oo fursad la siiyo iyadoo aan la siyaasadayn waa halka kaliya ee aynu Dalkeena ku dhisan karno.
Waa cududa kaliya ee caafimaad qabta kana badbaaday cuduradii cuuryaamiyay dalkeena una diyaarsan maskaxiyan,cilmiyan iyo ismaqal mideeya waxqabadkooda.
Bulshada ay ku dhex noolyihiin oo ku dhiirigelisa dhismaha kalana qaybqaadata tabarucaada waxay sahlaysaa inuu dalkeenii burburay markale dib noogusoo dhasho isagoo bilic aragti u diyaarsan Somali Educated Group SOMEG waxay si joogto ah usoo Bandhigayaan doorka aqoonyahanada soomaaliyed iyo saamaynta ay ku dhex leeyihiin bulshadooda.

Waxbarta aynu Barwaakho gaarnee Waxaynu dhiirigelinaynaa Waxbarashada Bulshadeenu uma baahna maanta inay bartaan kaliya ...
22/04/2015

Waxbarta aynu Barwaakho gaarnee
Waxaynu dhiirigelinaynaa Waxbarashada
Bulshadeenu uma baahna maanta inay bartaan kaliya sida Qoriga loo rido waa inaan u jahaysanaa sida Qalinka loo qabto
somali Educated Group (SOMEG) waa saaxiibka joogtada ah ee Tacliinta

Kusoo biir la dagaalanka jahligaUrurka   somali educated group waxay dhiirigelinayaan tacliintaWaxaynu aaminsanahay in w...
05/01/2015

Kusoo biir la dagaalanka jahliga
Ururka somali educated group waxay dhiirigelinayaan tacliinta
Waxaynu aaminsanahay in waxbarashada looga gudbi karo jahliga iyo gaajada.

Prof yahye ali ibrahim....hormuudka jaamacada siu. Waxuu kamidyahay shaqsiyaadka taariikhdu ay xusi doonto oo sara u qaa...
04/01/2015

Prof yahye ali ibrahim....hormuudka jaamacada siu.
Waxuu kamidyahay shaqsiyaadka taariikhdu ay xusi doonto oo sara u qaaday heerka waxbarasho ee dalka

04/01/2015

asc dhamaan umada soomaaliyeed iyo inta jecel horumarinta waxbarashada soomaaliya waxaynu ugu bishaareynenaa boggan cusub oo aynu markii ugu horaysay samaysanay hadaanu nahay kooxda aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku mideysan .
somali Educated group Waxan filayaa inaanu magacani idinku cusbeen oo waxaynu dalka uga howlgali jirnay mudo qaab u abaabulan hay'ad anagoo door muhiim ah kuleh dhaqdhaqaaqyada lagu hormarinayo tacliinta.
Curinta somali Educated Group oo haatan ku baahsan inta badan gobollada dalkeena soomaaliya iyo caalamkaba ayaa ka bilaabatay aqoonyahano iyo arday qurba joog ah oo isku tagay si ay wax ugu biiriyaan dadaalada waxbarasho ee dalka laakiin tirada kusoo biiraysa ururka oo sii kordhaya marba marka.xigta iyo codsiyo nooga imaanayay taageerayaasheena daneeya howsha aynu hayno ayaa sababtay inaan samayno boggan oo fududeen doona xiriirka hay'ada iyo bulshada.
Boggan waxaanu kusoo bandhigi doonaa waxqabadkeena iyo fursadaha waxbarasho ardayda gudaha iyo kuwa dibada ah sida scholarships-ka ah ee aynu ku dhiirigelino ardayda soomaaliyeed.
Sidoo kale waxan ugu bishaareynaynaa dhamaan aqoonyahanada iyo ardayda danaynaysa inay xubin ka noqdaan somali Educated Group si aqoontooda ugu faa'iideeyaan kuwa aan fursada u helin inay si toos ah halkan codsiyadooda noogu soo diri karaan iyagoo hubiya.
Waanu tixgelin doonaa inagoo si dag dag.ah ugusoo jawaabayna haday inasoo gaaraan dhanbaaladiinu.
Dhiirigeli waxbarashada dalka.
Welcome to
mahadsanid

Adresse

Hectsheimerstraße 37a
Mainz
55131

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somali Educated Group. erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen