
02/10/2025
Shifaa waa gabar Soomaaliyeed oo ah qofka keliya ee Soomaali ah ee inta la og yahay ku jirta doomaha gargaarka u sida dadka reer GZA. Waxay doonta kasoo raacday dalka Spain, iyadoo qayb ka ah howl bani’aadantinimo oo ay ku mideysan yihiin dad ka kala yimid 16 dal.
Inkasta oo ay tahay Somali-British, haddana howlahan culus waxay ku matalaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waa arrin sharaf u ah ummadda Soomaaliyeed in gabar Soomaaliyeed ay safka h**e kaga jirto dadaallada lagu taageerayo dadka dulman, taas oo muujinaysa geesinimo iyo naxariis.
Haatan, doomaha gargaarka ayaa weli ku sugan badda Mediterranean-ka iyagoo wajahaya caqabado amni iyo sharci oo ka imanaya maamulka Israai|l, waxaana weli socda wadahadallo ku saabsan sidii ay gargaar ahaan ugu tagi lahaayeen GZA. Shifaa iyo xubnaha kale ee caalamiga ah waxay ku adkeysanayaan inay gaarsiiyaan gargaarka, iyagoo ka go’an inay u istaagaan dadka masaakiinta ah ee ku sugan xaalad bani’aadantinimo oo adag.