Golis Somali TV

Golis Somali TV Golis Somali TV Waxa aad Kala socon doonta, Warar, Falanqayn, Barnamijyo iyo Madadaalooyin ku Xiso Geliya. Ku Xidhnow Golis somali TV
(1)

13/05/2026

Siyaasi reer Muqdisho ah oo Sheegay inuu laba jeer ku riyooday Somaliland oo la aqoonsaday, kana mid noqotay dalalka dunida.

13/05/2026

Abdaal👀

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay soo socdaan guulo waaweyn oo Madaxweyne Cirro soo wado, sida uu tilmaamay Wasiir...
13/05/2026

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay soo socdaan guulo waaweyn oo Madaxweyne Cirro soo wado, sida uu tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Barkhad Batuun.

Maxay kula tahay.? Faalada Comments-ga Noogu Reeb 👇

Warbixinno caalami ah oo ay daabaceen warbaahinta Afrinews 24 iyo Semonigna Spotlight, ayaa sheegay in dabaal-degga 18-k...
13/05/2026

Warbixinno caalami ah oo ay daabaceen warbaahinta Afrinews 24 iyo Semonigna Spotlight, ayaa sheegay in dabaal-degga 18-ka May, oo ah maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkan 2026, uu calaamad u noqon doono isbeddel juqraafiyeed oo weyn. Warbixintu waxay tilmaantay in xuska sannadkani uu yeelan doono jawi ka duwan kuwii h**e, isla markaana shacabka Somaliland ay ku dabaal-degi doonaan rejooyin cusub iyo hadiyado diblumaasiyadeed.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in farxadda dabaal-degga maalinta qaranka ee 18-ka May, ay shacabka reer Somaliland u dheeraan doonto hadiyad diblumaasiyadeed oo muhiim ah, maadaama afar dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay la sheegay inay qorshaynayaan in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland. Sida lagu sheegay warbixanta, aqoonsigan ayaa la filayaa inuu ku soo beegmo inta lagu guda jiro munaasabadaha dabaal-degga 18-ka May.

Sida lagu sheegay labada warbixinood oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay Afrinews 24 iyo Semonigna Spotlight, afartan dal oo ku kala yaala qaaradaha Aasiya (Bariga Dhexe), Afrika, iyo Laatiin Ameerika, ayaa kala ah Eswatini, Argentina, Dominican Republic, Zambia iyo UAE, kuwaas oo diyaar u ah inay Somaliland siiyaan waxa loogu yeedhay “sharafta qarannimada” oo ah aqoonsi rasmi ah. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo ka dhalatay dedaal diblumaasiyadeed iyo halgan soo socday muddo ka badan 30 sanno.

Warbixinta Afrinews 24 ayaa lagu yidhi: “Xuska maalinta qarannimada Somaliland (18-ka May) ee sannadkani maaha oo keliya dabaal-deg taariikheed; waa garaaca wadnaha qaran muddo ka badan 30 sanno diiday in la iska indho tiro. Somaliland waxay muddo dheer ku jirtay xaalad gaar ah oo lagu faano, (adkaysi iyo horumar) iyadoo ah dawlad dimuqraadi ah oo leh lacagteeda (Shiling Somaliland), ciidan qaran, maamul xuduudeed iyo doorashooyin xor ah, haddana aanu caalamku aqoonsan.”

Warbixintu waxay intaas ku dartay in 18-ka May, waddooyinka caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan gobollada dalka loo rogi doono bad cagaaran, caddaan iyo casaan ah. Hase ahaatee sannadkan calanka Somaliland aanu noqon doonin kaliya mid u taagan dabaal-degga xuska maalinta qaran, sidii sannadadii ka horreeyay, balse uu astaan u noqon doono isbeddel siyaasadeed iyo dhul-gariir juquraadiyadeed oo weyn.

“Iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo qarsoodi ah kuwaasi oo ka socda Abu Dhabi ilaa caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires. jawiga Hargeysa waxa ka buuxa rejo iyo filasho cusub. Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in tallaabooyinkii diblumaasiyadeed ee la qaaday sannadkii 2025, gaar ahaan tallaabadii Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland ay ahaayeen bilowga isbeddel weyn,” ayaa lagu sheegtay Warbixinta Afrinews 24.

Waxa kale oo ay warbixintu xustay in la rumaysan yahay in hadiyadda diblumaasiyadeed ee la filayo ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo jebisa xayndaabkii diblumaasiyadeed ee muddada dheer ku hareeraysnaa qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, taas oo ka dhigaysa 18-ka May 2026 maalinta aqoonsiga iyo dhacdo si gaar ah ugu suntan taariikhda qaranka Somaliland.

Sidoo kale, warbixin ay baahisay warbaahinta Semonigna Spotlight ayaa lagu sheegay in wakhtigan oo shacabka Somaliland ay isu diyaarinayaan dabaal-degga xuska 18-ka May, ay jirto hadal-hayn xoogan iyo warar diblumaasiyadeed oo sii kordhaya, kuwaas oo ku saabsan suurta-galnimada in dalal cusubi ay aqoonsi rasmi ah siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintu waxay tilmaantay in dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ka socda waddamo kala duwan, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo qaaradda Afrika, ay sare u qaadeen rejada shacabka Somaliland, waxaanay xustay “Wararka diblumaasiyadeed ayaa tilmaamaya in dalalka Eswatini, Argentina, Dominican Republic iyo Zambia lagu wado inay yeeshaan mowqif cusub oo ku saabsan arrinta Somaliland isla markaana ay si rasmi ah ugu dhawaaaqaan aqoonsiga Somaliland. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inay door muuqda ku leedahay kobcinta xidhiidhadha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.”

X/dawan

Muqdisho: Madaxweynaha h**e ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa guri u kireeyey Hooyo Ijaabo Sugule Xalane oo ah hawe...
12/05/2026

Muqdisho: Madaxweynaha h**e ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa guri u kireeyey Hooyo Ijaabo Sugule Xalane oo ah haweeneyda ku sawiran lacagta Shilinka Soomaaliga, kadib markii la dumiyey gurigii ay ku laheyd magaalada Muqdisho.

Hooyo Ijaabo oo hadda jirta 90 sano ayaa muddo dheer ahayd astaanta ku sawiran lacagta kunka Shilin Soomaaliga, taas oo ka dhigtay shaqsi si weyn loogu yaqaan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Hooyada ayaa u mahadcelisay Madaxweyne Sheekh Shariif taageerada iyo garab istaagga uu u fidiyey, kadib burburkii gurigeedii h**e.

12/05/2026

Reer Boorama oo u diyaargaroobaysa Dabaaldaga Xuska 18-May

"Waxaan ka shaqayn doona midnimada iyo horumarka Hargeysa....." Maayirka cusub ee Hargeysa
12/05/2026

"Waxaan ka shaqayn doona midnimada iyo horumarka Hargeysa....." Maayirka cusub ee Hargeysa

Dimitrios Tourikis ayaa loo magacaabay Ergayga Somaliland u fadhiya dalka Giriigga🇬🇷 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa...
11/05/2026

Dimitrios Tourikis ayaa loo magacaabay Ergayga Somaliland u fadhiya dalka Giriigga🇬🇷

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa si rasmi ah u magacaabay Dimitrios Tourikis inuu noqdo ergayga Somaliland u qaabilsan dalka Giriigga.

Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Giriigga ayaa mudooyinkii u danbeeyay aha mid sii xoogaysanaya

Sideed aragtidaada? Faalada Comments-ga Noogu Reeb 👇

"Ma jiro guddi doorasho oo Soomaali heshiis ku tahay Puntland waxay doorashooyinkeeda u maraysa habka Dastuurkeedu qabo ...
11/05/2026

"Ma jiro guddi doorasho oo Soomaali heshiis ku tahay Puntland waxay doorashooyinkeeda u maraysa habka Dastuurkeedu qabo say h**eba usamayn jirtay, Puntland waxay leedahay guddi doorasho oo u xilsaaran qabashada, iyo habraacyada quseeya doorashooyinka mudda xileedka golayaashuna waa mid aysan wali ku dhicin mudo dhaaf oo lagu qabto waqti dastuuriya" — Wasiirka Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Xirsi.

11/05/2026

Israa'iil 🇮🇱 waxay noqotay Dalkii kowaad ee ka badheedha Aqoonsiga JSL, haddana Waxay aduunka ka dhaadhicinayaan Sidii dalal badan oo aduunka ahi u aqoonsan lahayeen Somaliland.

11/05/2026

Ardayda Qaranka🫡

Adresse

Munich

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Golis Somali TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Golis Somali TV senden:

Teilen

Kategorie