31/12/2025
Dawra cilmiyeedda xilliga fasaxa jiilaalka, oo muddo 10 maalmood ah ka socotay Masjidka Abuu-Bakar, ayaa maanta si habsami leh loo soo gabagabeeyay. Dawradan ayaa ahayd mid loogu talagalay in kor loogu qaado wacyiga diineed, aqoonta guud iyo anshaxa da’yarta dhigata dugsiyada sare iyo macaahidda, iyada oo diiradda la saarayay dhismaha jiil aqoon iyo akhlaaqba ku hubaysan.
Dawra cilmiyeeddan waxaa ka faa’iidaystay ku dhawaad 250 arday, kuwaas oo si joogto ah uga qayb qaadanayay duruus kala duwan oo isugu jiray Tafsiir, Axaadiis, Caqiido,Aadaab iyo Fiqhi. Ardaydu intii ay dawrodu socotay waxay xifdiyeen mutuun cilmiyeed muhiim ah, taas oo sare u qaadday fahamkooda diinta.
Sidoo kale, duruusta la bixinayay kuma ekaan oo keliya cilmiga diinta, balse waxaa barbar socday barnaamijyo caafimaad oo lagu wacyigelinayay ardayda, kuwaas oo diiradda lagu saarayay daryeelkooda caafimaad. Intaas waxaa dheer, waxaa jiray barnaamijyo kale oo lagu horumarinayay wacyigooda Afeed iyo hab-qoraalkooda, si ay u yeeshaan karti ay si wanaagsan ugu cabbiri karaan fikirradooda uguna adeegi karaan bulshadooda.
Maanta oo ahayd munaasabaddii gabagabada, ayaa Masjidka Abuu-Bakar lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo ay kasoo qayb galeen maamulayaasha dugsiyada Magaalada Ceerigaabo, Culimo, iyo marti sharaf kale oo qiimo badan. Maamulayaasha dugsiyada ayaa bogaadiyay Dawrada iyo Ardaydoodii ka faa'idaysatayba, waxaana ugu danbayntii soo xidhay isuduwe ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada.
Xafladdaas waxaa si gaar ah loogu abaalmariyay ardayda abaalmarino isugu jira Lacag, Buugaag iyo abaalmarino kale ardaydii ku guulaysatay kaalmaha h**e ee imtixaanaadkii kala duwanaa ee ay galeen intii ay dawradu socotay, iyadoo lagu dhiirrigeliyay dadaalkii ay muujiyeen.