Dalanbiya Media

Dalanbiya Media Dalanbiya Media, which presents news, views, and educative and entertainment programmes

09/10/2026

Dumaroow Tani waa Iidnku dhacday Nabar Tiiriyaad Alle Ha idinkaga dhigo 😂

28/09/2026

Wardheer.

25/09/2026

Aduunka Rag Baa Ku Nool . Waa Khudbadii Uu Madaxwaynaha Iran ka Jeediyay Kulanka Qaramada Midoobay

25/09/2026

Way Kula Hadlaysaa 😂

Magaaladee Weeye Taloow 😂
24/09/2026

Magaaladee Weeye Taloow 😂

22/09/2026

Afgarad Yaa Inoo Sameeya .

31/08/2026

Fiin Ama Galow Ama dhabad Hadba Magaca Aad u taqaano Waa Shinbir Caan ka Ah Dhulka Somalidu ay Dagto

Fiintu waa shinbir Mucjisa ah oo Dhaga Fudud Somaliduna Badankeed ay Aaminsantahay in Galowgu Uu Tusaale ka Bixiyo Ama Ka Digo dhacdo soo socoto oon wali dhicin Sida " Colaad Abaar Dabayl Roob Iyo wixi Lamid ah Asagoo ku Muujiyo Dhawaaqa Codkiisa Toolmoon Oo Meelo Fog Fog laga Maqlo

Sidoo Kale Wuxuu Galowga Ka dhawaaqaa Dhawaqa Unkadka & Xabada Xitaa Haday Aad uga Fogyihiin Goobta Ay ka dhacayaan Dadkoon Maqal ayuu Asagu Maqlaa Misna ka dhawaaqaa Isagoo Awood u leh Daryaan Meel Fog ka dhacaya inuu Maqlo .

Galawgu wuxu necebyahay Gudcurka Wuuna dhawaaqa 10 Danbe ee bisha asagoo Nacaya Mugdiga "

Waxay Somaalidu Aaminsantahay Inuu Yahay Shinbir Waxyaabo aan wali dhicin Saadaaliya isla sidiina ay u dhacaan " Sayidka oo Malaha Habeen Ka seexan wayay dhawaaqa Galawga Ayaa Isla Markiiba Curiyay Maanso uu ku Cabiray Saadaasha Galowga iyo waxa ay Daarantahay Wuxuuna Yidhi Saydka Asagoo kusoo Hal Qabsaday Galawga

"galowgaa sadhaadhinahayee Seexan Kari waayay
"Nin Sidayda kooraha Sitoo soconayuu sheegi

Waxay Ahayd xili Adag oo daraawish U jilicday Gumaystihii reer galbeedka wuxu sayidka Gabaygaas ula jeeday in diyaarad lagu weerari doono Wayna dhacday Wuxuna Xusay in Galowgu uu Ka Ooyayo weerarada Halista ah Ee Sayidka iyo Daraawiish kusoo Aadan

Galowgu waa shinbir Aan Cuninin Hilibka ma ahan Shinbir wax dhiba wuxuu aad u Cunaa Xabagta waliba Mida Geedka Cadaadka La dhaho oo uu Aad u jecelyahay "
Waa shinbir Habeenkii Gabada oon Kicin ilaa Aad lugta saari Gaadho Balse Hoostaada Halmar ka Kaca Islamarkaasna Uu qofku isku Naxo Wuxu leeyahay sheekoyin qosol Badan oo Oo Habeenka ku saabsan iyo sida uu dadka ooga Naxiyo

Sugaanta Somalida Aad ayuu ooga buuxaa Heeso Badan Baa lagu so qaatay sheekadiisa waa Dheertahay Hal Qormo laguma so koobi Karo "

Magaceed u taqaanaa shinbirkaan walisa Ma kaa Hoos kacay Adoo Habeen Guuraynaya ?

Dalanbiya Media

30/08/2026

Dhaantadaan Waa tii Reer Doheedka Ay Tuman Jireen Malahaygii Waa Dhaantadii Aan Yaraantii daawan jiray waa Midii Aan Tulayda Ku qaadi Jiray .

Xusuustaydii Ciyaalnimo Anagoo Dugsi Baadiye Ku Jirno Reerkuna Uu Yaalo Baabuur Jabane Oo ah Deegaanka Meesha Hada Tuulada Kontorool Ku Taalo U dhaw Waa Dalanbiyee .Ayaa Halkaas waxaa daganaa Dugsiilaydii uu Qoyskanaga Kamid ka ahaa Waxaa daris nala Ahaa Xasan Farax Muuse (Xasan Fiidhe ) waxaana La dhisayay Xasan Waxay Ahayd Maallin Axad ah Macalinkii Dugsiga Noo Hayay wuu Maqnaa Oo wuxuu jiray Koonfurta Somalia Taas oo Noo ahayd Fursad iyo Maalmo Farxadeed Maalmihii Farxada Ee ku Jirnay Waxaa Kusoo Beegmay Maalin farxadlle Waa Aroos Dariska ka dhacaya Waa damaashaad iyo Mashxarad Wiilka Arooska Lehba Anagaa Ka Farxad Badnayn waa Farxad iyo Xusuus Qurux badan oon soo laabanayn . Hadal Yaanan idinku Daaline Barqa Horaba waxan isku iska Xaadiriyay Arooskii Waxaan Fuulnay Geed Garas ah oo u ku Yaalay Goobta Arooska lagu hayay waxaa Soo Biloowday dhalinyaro Buraaqaysa Oo Calan Guduudan wata Ayna la socdaan Gabdho Gashaantimo Ah oo mashxaradaya Gabdhuna way Allalaasayeen Wiilashuna waxay Ridayeen Rasaas Malahayga Nin walba 30 Midh ayu oogu soo Tala galay inuu arooska Ka Rido waxaana Raxan raxan u imaanayay dhalinyaro Markaas Baa kuwa Arooska sii jooga way U Foodhinayeen FIII FIIII oo ah Is Afgarad ah Qorigaaga Ma dhaco Ama Car sooo Rid waxana La is dhaafsiinayay Rasaas Tiro Beel ah .

Waxaan Ka Xasuustaa Raga Maalintaas Arooska Aan isku Aragnay Khadar Qood oo Asaga Ilaa Maanta Aan si Toos ah u xasuusta waxaa Jirtay sabab aanan Rabin inaan sheego oon ku Xasuusto .

Qado Ka dib Waxaa La Gaadhay Casarkii waxaana La Gaadhay xiligii ay Barbaartu is Arki lahaayeen Waa gabdho Iyo wiilal markaas kacay Waxaa Is arkay Oo iska soo Hoor jeestay Lamaane is Jeclaa Oo Jaanis isku waayay Misna Arooska Ku Balamay Madaama Uusan Teleefan lagu xidhiidho jirin Malayga Waxay Qaarkood xidhanayeen Balan adag oo ah Maalinta Ay Guurka ku Midoobi lahaayeen Misna Reer dhisan lahaayeen waxaa Isku Arkay Ilma Adeer Kala Baadiyoobay oo Gu,gii H**e iskugu danbaysay Ashqaraar iyo ina aderow Waxay ahayd Madal La isku Arkay .

Casarkii Anigoo Daawanaya dhaantada Oo isku Reentay Ayadoo laba Goobood lagu Tumayo waxaa ii Imaaday Aabahay oo Anoon Arag Gacanta igu dhigay Inta I Garaacay gacanta I Qabtay Oo iga soo Kaxeeyay misna Guriga I keenay Asagoo diidanaa Anoo Qur,aan barta inaan Dhaanto Tago "

Aabo Salaada Maqrib Marku Galay Baan Bilig soo idhi Waxaban Tiigsaday intii aan Soo Ordayay Sacabka iyo heelada ayaa Wadnaha iiga dhacay Waxaana Laba Jibaaray Oradkaygii Jacayl Aan u qabo Dhaantada Darteed waxanan tagay Arooskii Tuleey iyo Mirig mirig ciyaalnimo ayaan dhexda u galay ninkii Garan Baa Garane Waa La dhafray dhaantadiina waa lagu Kala dareeray waxaana Isa soo racnay Rag kamid ah Ardaydii Aan Dugsiga kuwada Jirnay

Nasiib daro Anagoo Xalay oo dhan Dhafraynay oo subaxdii Meel Aan Marayno Garanaynin Ayaa nalagu Wargliyay inuu Macalinkii Xalay fiidkiiba soo Hoyday Xogta nadana la siiyay Bal maxaa isku soo Beegay Arooska Aan Aadnay iyo imaanshaha macalinka Oon wadankaba Joogin : waa Sagaaradii Tuuryada la Kulantay .

Aroortii Markaan Aadnay dugsigii ayuu Macalinkii Yidhi dhamaantiin duubta Indhaha Xidha Ninkii iga Iga yaraa waa Bishaare Oo ahaa Ninka Ardayda oogu da,da yaraa Macalinkuna uu saaxiib lahaa Ayuu ku yidhi Bisharow wan kusii Dayne Arooska Maxaa Lagu Lahaa Markaas buu Yidhi waxaa lalalaa (Xasan iyo adaa helay xulad Rageed ) waa laga Furay duubtii waana la Fasaxay Inta laba Ulood Oon macno lahayn lagu Taagay . Anagii Waxaa Nagu dhacay wax Aan La qiyaasi kafin Raga qaar dubka ayaa ka dhacay Anagoo meel Walba na dhiimayso ayuu nasii daayay .

Markaan Maqlay Erayada Ah " Shinbirtiyo Shabeelku ma wada Shiraan waxan Xasuustay . Xasan iyo Adaa helay xulad Rageed . War xasan Hala igu salaamo

Hamze Qurbaawi
Cabdixayi
Labadaan Nin ayaa Kamid ahaa ragii Subaxii La Holciyay War Maalintaas ma Xasuusataan 😂

29/08/2026

Sheekh mustafe iyo Nin Wariye ah Maxaa Kala Qabsaday..

28/08/2026

Abwaan Jiheeye oo Gabay Ku Habaaray Madaxwayne Ciro Abwaanka Ayaana Hada Maanta Lagu xidhay Magaalada Hargaysa "

Dad Badan ayaa ka Naxay Habaarka Abwaanka Uu Madaxwayne ciro La Tiigsaday Ayadoo Somalidii H**e ay Ka Dayriyeen Kuhaanka abwaanada oo la aaminsanyahay In La aqbalo "

Sideed u Aragtaaa ?

Adresse

Dalanbiyamedia@Email. Com
Munich
555666

Telefon

+4915217999676

Website

Benachrichtigungen

Erfahren Sie als Erste/r von Neuigkeiten und Aktionen: Wir schicken Ihnen eine E-Mail, wenn Dalanbiya Media etwas veröffentlicht. Ihre E-Mail-Adresse wird für keinen anderen Zweck verwendet, und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Teilen