Mooge Media

Mooge Media Kontaktinformationen, Karte und Wegbeschreibungen, Kontaktformulare, Öffnungszeiten, Dienstleistungen, Bewertungen, Fotos, Videos und Ankündigungen von Mooge Media, Munich.

Xilliyadan dambe, siyaasadda Soomaaliya waxay u eg tahay shax ay curiyeyaasheedu ku ciyaaraan xeelado qoto dheer, halkaa...
11/08/2026

Xilliyadan dambe, siyaasadda Soomaaliya waxay u eg tahay shax ay curiyeyaasheedu ku ciyaaraan xeelado qoto dheer, halkaas oo mid walba uu raadinayo halka ay ku jirto danahiisa gaarka ah. Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee masraxa siyaasadda waxaa si weyn indhaha loogu hayay qaabka ay hantida iyo awooddu u dhex mareen dowladda dhexe iyo dhinacyada kale ee saameynta ku leh dalka.

​Halka ay qaar badani rumeysnaayeen in tallaabooyinkan ay ahaayeen kuwa lagu xasilinayo xaaladaha cakiran, haddana dhinaca kale waxaa soo shaacbaxaya xaqiiqooyin muujinaya sida ay beelaha qaarkood ugu guuleysteen in ay si weyn uga faa'iideystaan duruufaha taagan, iyaga oo si xeeladeysan u helay ilo dhaqaale iyo agab ciidan oo lixaad leh.

​Haddaba, haddii si dhow loo eego dhacdooyinkii u dambeeyey, waxaa muuqata in qulqulka dhaqaalaha iyo agabka milatari ee ka baxay dhinaca madaxtooyada uu gaaray meel weyn. Laga soo bilaabo taageeradii iyo dhaqaalihii xoogganaa ee la geliyey deegaannada Caabudwaaq ilaa iska horimaadkii iyo dhaqdhaqaaqyadii ka dhacay Raaskambooni, waxaa cad in malaayiin doolar ay si xawli ah ku galeen jeebadka iyo gacmaha beesha Daarood.

​Xaaladdu halkaas kuma eka ee waxaa iyaguna jiray kharashyo kala duwan oo lala eegtay dhinaca Puntland, iyadoo weliba ay cusub tahay xusuusta lacagta lixaadka leh ee dhawaan loo bixiyey dhankaas iyo Cabdirashiid Janan, taas oo ujeedkeedu ahaa in lagu hanto loona diido in uu ku biiro dhinacyada ku loolamaya saameynta Jubbaland. Raadkii lacagtaas iyo saameynta ay yeelatay ayaan weli qallajin, iyadoo dhinaca kalena ay barbar socdeen hub far badan iyo gaadiid dagaal oo si sahlan looga masarfsaday dowladda dhexe.

​Marka la isku duubo dhacdooyinkan oo dhan, waxaa soo baxaysa aragti ah in inkasta oo ujeeddadii rasmiga ahayd ee lacagtan loo bixiyey aysan mar walba hirgelin ama aan laga gaarin hadafkii laga lahaa, haddana ay beeshu si weyn uga faa'iidaysatay marxaladahan. Waxay noqotay xilli hanti iyo agab ciidan oo fara badani ay si istiraatiiji ah ugu wareegeen dhinacooda, taas oo muujineysa sida ay hoggaanka dowladda uga soo baxeen fursado dib loogu xoojiyey awoodda iyo dhaqaalaha beelaha qaar.

Marka ay noloshaadu cidhiidhiso, ee ay albaabbadu isku xidhmaan, oo ay meesha ka baxaan dhamaan tiirarkii aad ku tiirsan...
10/08/2026

Marka ay noloshaadu cidhiidhiso, ee ay albaabbadu isku xidhmaan, oo ay meesha ka baxaan dhamaan tiirarkii aad ku tiirsanayd ee aad moodaysay inay xoog leeyihiin, waxaa soo baxaya xaqiiqo ah in aadanuhu yahay mid tabar daran, halkaas ayaana ka bilaabata safarka ugu qotada dheer ee ruuxiga ah. Waa xilliga uu qofku dareemo in dunidu ay maran tahay, oo ay cidlo kaga hadheen dhibaatooyinka hortaagan.

​Marka ay dadkii oo dhan kaa awood yaraan waayaan sidii sidii ay kuugu gargaari lahaayeen, ama ay indhahoodu ka jeestaan calaacalkaaga, waxaa qalbiga ku soo dhacaya albaab aan weligiis xidhmin. Waa halka uu qofku gebi ahaanba isu dhiibo, oo uu qalbigiisa oo dhan u jeediyo Abuuraha weyn. Tani ma aha keliya duco caadi ah, ee waa badda xorriyadda iyo quwadda dhabta ah. Marka uu qofku meesha ka saaro wax kasta oo adduun ah oo uu indhaha ku haysto, oo uu dhab ahaan Alle u jeesto, wuxuu helayaa xidhiidh toos ah oo aan dhexdhexaadin lahayn. Qalbiga oo Alle loo jeediyo xaaladaha adag waa furaha mucjisooyinka.

​Waa xaqiiqadan uu sawirka inagu xasuusinayo, oo si qurux badan loogu soo xigtay Aayadda Quraanka ah
​"أَمَّن يُجِيبُ الْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ السُّوءَ وَيَجْعَلُكُمْ خُلَفَاءَ الْأَرْضِ ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللَّهِ ۗ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ"
​(Mise waa Kuma midka ajiiba qofka dhibban (oo baahan) marka uu baryo, kana qaada dhibka, kana dhigaa kuwii ku beddela dhulka (qarniyadii h**e)? Ma jiraa ilaah kale oo la jira Alle? Wax yar baadse wax xusuusataan.)

​Alle, oo ah kan maqlaya qaylada iyo gunuunuca qofka dhibaataysan ee cidla kaga tagay dunida, wuxuu maqlayaa codkaas dhuuban ee qalbiga ka soo burqanaya. Waxaa hubaal ah in uu dhibka ka qaadi karo, maxaa yeelay quwadiisu waa mid aan xad lahayn, naxariistiisuna waxay ka horraysaa cadhadiisa.

Marka uu qofku garto in Alle keliya uu yahay kan badbaadin kara, wuxuu helayaa deggenaan iyo nabadgelyo gudaha ah oo aanay duufaanadu weligood burburin karin, sidii iftiinkaas yar ee dhexda u ah mugdiga, ee ay shumacani u tilmaamayso meesha ay awoodda dhabta ahi deggan tahay.

Waxaa soo shaac-baxay su’aalo culus oo ku saabsan hab-maamulka deeqaha iyo mashaariicda horumarinta ee Dowladda Federaal...
07/08/2026

Waxaa soo shaac-baxay su’aalo culus oo ku saabsan hab-maamulka deeqaha iyo mashaariicda horumarinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyadoo ay muuqato kala duwanaansho muuqata oo ku saabsan sida deeqaha loogu qoondeeyo qaybaha kala duwan ee dalka. Arrinta ugu murugsan ayaa ah sababta shacabka ku nool Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Banaadir, Hirshabeelle, iyo Galmudug, ay u dareemayaan hagardaamo iyo maamul-xumo, halka dhiggooda Puntland iyo Somaliland ay helayaan amaan iyo taageero deeqeed oo muuqata.

​Waxaa jira xog muujinaysa in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, isagoo kala hadlay sidii deeqaha loogu beddeli lahaa maalgashi Somaliland. Isla markaasna, waxaa la shaaciyay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Sargaal ka socda UNOPS ay warbaahinta u sheegeen in Hargeysa laga dhisayo buundo iyo waddo, kuwaas oo qayb ka ah Mashruuca Nagaad ee Bangiga Adduunku taageero, dalka oo dhanna ka socda.

​Su’aasha taagan ayaa ah: Mashruuca Nagaad oo la saxiixay 2023, maxaa maanta loogu soo bandhigayaa sidii mashruuc cusub? Hirgelinta mashruuca dhismaha wadada iyo buundada Hargeysa ayaa la saxiixay April 2026, taasoo ku tusaysa in waqtiga la shaaciyay uu yahay mid jahwareerin ah, gaar ahaan maadaama uu ku beegan yahay xilli madaxweyne Cirro uu Nairobi la fadhiyo beesha caalamka. Tani waxay u muuqataa in shacabka koonfurta iyo waqooyiga looga dhigayo in federaalku hoos-yimaado Somaliland, taasoo ah rafasho siyaasadeed oo muujinaysa daciifnimo.

​Haddii dowladda ay mashaariicda Nagaad qaybteeda Somaliland iyo Puntland si weyn u soo bandhigayso, maxaa u diiday shacabka Koonfurta Soomaaliya inay is-weydiiyaan: “Meeyey mashruuc deegaankagayga laga fuliyay amaan ka socdo ee la sheegayo?” Xaggee ku dambeeyeen mashaariicdii loo qoondeeyay deegaannadooda, Hirshabeele, Banaadir, KGS iyo GM? Maxay deegaannadu isaga kala muhiimsan yihiin? Inkastoo mashruuca deeq yahay oo Soomaalida loo siman yahay, haddana waxaa is-weydiin mudan, Gobolka Banaadir oo ah midka bixiya cashuurta ugu badan ee dowladda, maxaa mashaariicda noocaan looga fulin waayay dhiiqa buuxa Muqdisho? Sidoo kale, maxaa loo sheeg-sheegi waayay sidanoo kale mashaariicda loo soo qaado maamulada GM, KGS, Banadir, Hirshabelle? Ma deegaanada ayaa kala sharaf badan, mise wax kale ayaa jira?

​Ma jiraan sababo kale oo aan ka ahayn in dadka koonfurta fahankooda la yaqaano. Mashruucooda waa la leexsadaa iyadoo aysan dood ka qabin, waxaana lagu qanciyaa in taageero federaalka ah ay tahay in Somaliland mashruuc DFS ka sameyneyso, iyadoo loo tusayo maamul madaxbannaan. Arrintaani waxay sii xoojineysaa cabsida laga qabo in maamulka deeqaha iyo mashaariicda horumarinta ay ku salaysan yihiin dano siyaasadeed, oo aanay ahayn mid si siman loogu adeegayo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

​Waxaa lagama maarmaan ah in DFS ay si daacad ah uga jawaabto su’aalahan, oo ay hubiso in deeqaha iyo mashaariicda horumarinta ay si cadaalad ah oo loo siman yahay u gaaraan dhammaan qaybaha dalka, si loo dhiso kalsoonida shacabka loona xaqiijiyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Siyaasaddu waa halka ay ku kulmaan xeeladda, is-aragga, iyo loolanka hanka. Markaad eegto halka uu maanta marayo fagaara...
06/08/2026

Siyaasaddu waa halka ay ku kulmaan xeeladda, is-aragga, iyo loolanka hanka. Markaad eegto halka uu maanta marayo fagaaraha siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa muuqata in masraxii dagaalka iyo loolanku uu isbeddelay, balse waxaa weli taagan su'aasha ah: Ma la barto casharka taariikhda, mise loolanku waa mid aan dhammaad lahayn?

​Haddii dib loo raaco halkii ay ka bilaabeen loolankii siyaasadeed iyo kuwii hubaysnaa ee uu soo maray madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, waxaa hubaal ah in safarku uusan ahayn mid bogagga nabadda lagu xardho. Laga soo bilaabo Badbaadada ilaa meelaha qaar ee ay isku dhaceen maamul goboleedyada iyo xoogagga mucaaradka, waxaa soo shaac baxay xaqiiqo ah in awoodda qorigu aysan mar walba keenin guul waarta. Dhul walba oo uu cagta saaray ama uu isku dayay inuu awood ku maquuniyo, waxaa ka dhashay iska caabin adag iyo guuldarrooyin siyaasadeed oo dib u dhigay hankiisa.

​Halganka noocan oo kale ah wuxuu leeyahay laba waddo oo kala duwan

​Waddada koowaad waa in la qaato casharka ah in muranka iyo cadaadiska militarigu aysan xal u ahayn mustaqbalka dalka, isla markaana la fadhiisto miiska wadaxaajoodka si loo badbaadiyo inta hartay.

​Waddada labaadna waa in la sii wado loolankaas hirdanka ah, iyadoo la rumaysan yahay in guul la gaari karo, in kasta oo taariikhdu ay tusinayso inaysan jirin natiijo ka duwan tii h**e.

​Dad badan oo odorosa siyaasadda ayaa is weydiinaya in xaaladahan adag ay ku filnaan doonaan inay tusiyaan in xukunka lagu helo tanaasul iyo in la dhiso is-afgarad guud, iyo inuu weli ku adkaysan doono siyaasadda rafashada ah ee keenta khasaaraha hor leh.

​Xaqiiqadu waxay tahay, taariikhdu si cad ayay u qortaa tallaabo kasta. Siyaasiga guulaysta waa kan garta goorta uu joojin lahaa loolanka aan haysan jiho cad, ee u jeesta dhinaca nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Haddaba, halkii laga sugayay inuu tanaasul sameeyo, waxaa muuqata in mowjadda mucaaradka iyo maamul goboleedyadu ay sii adkaynayso mowqifkooda, taas oo ka dhigaysa inuu mar walba ku jiro goob halis ah oo u baahan go'aan geesinimo leh.

05/08/2026

Dhawaaqa culus ee cagafta ayaa hoos u ruxaya darbiyada guriga ay ku dhex noolayd hooyada Soomaaliyeed ee da'da ah. Halkii ay ka ahayd inuu gurigeedu ahaado goob nabad iyo xasillooni, waxaa lagu burburinayaa xoog iyo gardarro, iyada oo laga dhex qeelisiiyo xarunteedii iyo hoygii ay ku haysatay carruurteeda.

​Waa midab cusub oo ka mid ah dulmiga iyo xadgudubka maalinlaha ah ee ka taagan caasimadda. Ninkii maamulayay ama amrayay falkan foosha xun — oo ah mas’uul muddo dhaaf ah oo magaca PHD-ga ku huwan — ayaa u muuqda mid aan u turayn dadka daciifka ah, isla markaana aan garanaynin qiimaha ay leedahay diinta iyo milgaha bini’aadannimada.

​Waxaa isweydiin mudan: Ma aqoon la'aan iyo jaahilnimo diimeed iyo mid akhlaaqeed baa ku keliftay inuu nin aqoonyahan sheegani cagta mariyo hantida iyo guriga hooyadaas danyarta ah, mise waa danaysi iyo doolar indhaha ka tiray oo diintii iyo damiirkii labada jeer la iibsaday?

​Halka ay ahayd in hoggaamiyaha iyo aqoonyahanku ay noqdaan kuwo difaaca dadka nugul, garab siiya kuwa tabarta daran, isla markaana dhowra qiyamka diinta Islaamka ee suuban, waxay maanta isu beddeleen kuwo cabburin iyo baabba' ku haya shacabkii ay u dhasheen ee ay ahayd inay u adeegaan.

​Dulmiga noocaan ah ma aha mid lagu tilmaami karo horumar ama dib-u-dhis; waa calaamad muujinaysa hoos u dhaca akhlaaqeed iyo midka bini'aadannimo ee haysta kuwa talada haya.
Hooyadaas laga qeelisiiyay hoygeeda ma aha oo kaliya mid dhibbane u ah bururinta guri, ee waa calaamad muujinaysa xaqiiqda murugada leh ee ay ku sugan tahay Soomaalida maanta, halkaas oo awoodda iyo lacagtu ay ka sarreeyeen caddaaladdii, diintii, iyo bini'aadannimadii.

03/08/2026

Ina Lilaahi Wa Ina Ilaahu Raajicuun.

Waxaa si diiriran oo wadajir ah uga soo muuqday guriga iyo qoyska uu ka baxay Marxuum Xuseen Axmed Caddoow (Co/Ciidangale) duubabkii ka socday Beesha Maxamed Waceysle (Haaruun).

Hambalyo iyo bogaadin ku socota mudane Abdiwahab Mohamed oo maanta mar kale lagu doortay in uu matalo shacabka reer Galm...
03/08/2026

Hambalyo iyo bogaadin ku socota mudane Abdiwahab Mohamed oo maanta mar kale lagu doortay in uu matalo shacabka reer Galmudug. Guushani waa mid ka turjumeysa kalsoonida qotada dheer ee ay shacabku ku qabaan hufnaanta, dadaalka iyo adeegga hufan ee uu horay u soo

Geeska Afrika wuxuu marayaa marxalad halxiraale siyaasadeed iyo mid istiraatiijiyadeed oo u eg riwaayad soo jireen ah oo...
01/08/2026

Geeska Afrika wuxuu marayaa marxalad halxiraale siyaasadeed iyo mid istiraatiijiyadeed oo u eg riwaayad soo jireen ah oo soo martay masraxyo kale oo caalamka ah. Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddanaa in xoog iyo xeelad la iskugu geynayo sidii Israa'iil looga ilaalin lahaa saameyn joogto ah oo ay ku yeelato Somaliland, isla markaana lagu daray dammaanadda ah in dalku uu isku filan yahay oo uu haysto awood ciidan oo ay meesha ka baxday baahidii kaalmada dibadda, wuxuu abuurtay dareen taariikhda dib u milicsiiya.

​Dhacdooyinkani waxay si layaab leh u xusuusinayaan sannadihii ugu dambeeyay ee dowladdii Ashraf Gaani ee Kabul. Xilligaas, iyada oo ay socdeen wada-hadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Taliban, isla markaana ay Washington bilowday in ay dhimto ama joojiso kaalmadii ciidan ee la siin jiray dowladdii Afghanistan, hoggaanka sare ee Kabul wuxuu ku celcelin jiray in ciidankoodu uu tababaran yahay, dalkuna uu difaacan karo madaxbannaanidiisa adduunkuna uusan ka maarmin dowladnimadooda. Natiijaduse waxay noqotay in markii taageeradii dibadda ay gurtay, dhismayaashii siyaasadeed iyo kuwii ciidanka ay u dumeen sida daar ciid ka samaysan, taas oo horseeday bixitaankii degdegga ahaa ee Agosto 2021.

​Siyaasaddu waa muraayad ay taariikhdu iska taagto, balse inta badan madaxdu ma jecla in ay aqoonsadaan in wejiyadu is beddelaan balse jilitaanku uu yahay midkii h**e. Marka hoggaamiyuhu uu ku doodo isku-filnaansho xilli aasaaska dhaqaale iyo kan amniga uu weli ku tiirsan yahay tiirar dibadda ah, waxaa dhasha su'aal ah: Miyay tahay geesinimo dhab ah oo ka dhalatay hanti iyo cudud gudaha ah, mise waa mabaadi' afka looga hadlo oo lagu qarinayo daciifnimo soo wajahday nidaamka?

​Taariikhdu ma cafiso kuwa ku celceliya khaladaadkii h**e iyaga oo filaya natiijooyin ka duwan. Geeska Afrika maanta wuxuu u baahan yahay dhab ahaansho siyaasadeed iyo xeelad ka fog ereyada buunbuunisay ee lagu dejinayo dareenka shacabka, balse aan waafaqsanayn xaqiiqda dhabta ah ee dhulka ka jirta. Haddii aan si dhab ah loo qiimeyn awoodda dhabta ah iyo culaysyada dibadda, waxaa hubaal ah in halka ay maanta wax marayaan ay tahay un bilowgii cutub cusub oo ka mid ah riwaayadihii h**e ee looga bartay waddamada burburay.

Barlamanka wuu ku nafisay maanta
Waqti fican ugu so aday hadii kale wixi shalay qabsaday isbitaalo u gali lahaa

Habeen madow oo ay wehel u yihiin hillaac iyo onkod ayay magaalada Kampala martigelisay mid kamid ah riwaayadaha siyaasa...
31/07/2026

Habeen madow oo ay wehel u yihiin hillaac iyo onkod ayay magaalada Kampala martigelisay mid kamid ah riwaayadaha siyaasadeed ee ugu xasaasisan taariikhda diblomaasiyadda geeska Afrika. Xafladdan oo dibadda ka muuqatay kulan caadi ah, ayaa hoosta ka xariiqaysa shax xisaabsan oo si qoto dheer loogu dejiyay sidii loogu gogol-xaari lahaa marxalad cusub. Imaanshaha xubnaha heerka hoose ah ee madaxda deriska, maqnaanshaha wejiyada culus ee gobolka, iyo kuurgalka xilligan xasaasiga ah ee waqti-dhammaadka, dhamaantood waxay ahaayeen tilmaamo muujinaya in go'aanno h**e loo sii qaabeeyay oo aan u baahnayn ogolaansho rasmi ah.

​Markii la jaleeco halka ay arrintu saldhigatay, waxaa isbiirsaday calaamado cadcad oo muujinaya in awoodda iyo sharafka madaxweynaha la duldhigay miiska baaritaanka. Halkii laga filayay in shirarkani noqdaan dhuun ay ku midoobaan danaha istiraatiijiyeed, waxay isu rogeen fagaare lagu cabbirayo tabar-darrida iyo culayska siyaasadeed ee haysta dowladda muddo-dhaafka ah. In qodob aan lagu heshiin lagu dul akhriyo shaashadaha caalamiga ah ee tooska u tabinayay, halka madaxweynuhuna uu fagaaraha si cad uga doodo, waxay sawiraysaa marxalad ay diblomaasiyaddu noqotay mid qaawan oo aan lahayn wax daahsoon.

​Loolanka u dhexeeya amniga iyo siyaasadda gudaha ee uu madaxweynuhu isla madasha ku kala saarayay ayaa ahaa mid ka turjumaya dareen caro iyo jahwareer isbiirsaday. Marka laga hadlayo mustaqbalka ciidamada iyo xasilloonida dalka, waa lama huraan in siyaasaddu ay tahay laf-dhabarta hagaysa amniga. Diidmada ku qotonta inaan laga hadlin arrimaha siyaasadeed ee gudaha waxay ahayd isku day lagu doonayay in lagu harto xaqiiqda taagnayd, balse waxay sii kordhisay in dildilaaca madasha uu noqdo mid aan la daboolin karin.

​Ugu dambeyn, dhacdadan Kampala waxay ka dhigan tahay farriin culus oo si aan gabasho lahayn loogu diray dowladda federaalka. In dalalka gobolku ay ansixiyaan oo ay baahiyaan go'aanno aysan dowladdii martida loo aheyd la socon ama aysan u riyaaqin, waxay calaamad u tahay in mowqifka gobolku uu dhaafe xayndaabka diblomaasiyadda dhaqameed.

Waa marxalad cusub oo ay caddahay in saxiixa iyo oggolaanshaha dowladda dhexe aysan mar dambe ahayn shardi lagama maarmaan u ah jihaynta siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

31/07/2026

Dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ka tashadaan sidii looga samata-bixi lahaa marxaladda maanta uu dalku marayo.

Adresse

Munich

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Mooge Media erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Teilen