Fayax Media

Fayax Media Kala Soco Media Warar Sugan, Lana sii Wadag, Saxiibada,Wanagsan Sidaada Mahadsanid.

Shaqaa fiican baa socota guul iyo Gobanimo.
28/06/2024

Shaqaa fiican baa socota guul iyo Gobanimo.

24/06/2024
28/05/2024
HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KA QAYBGALAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARANMuqdisho 15 May 2024:- Hoggaamiyaha...
15/05/2024

HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KA QAYBGALAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN

Muqdisho 15 May 2024:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladaha Guud ee Deegaannada SSC-Khaatumo, isagoona soo bandhigay in SSC-Khaatumo tahay Maamul dhammaystiran oo mudan inuu helo xuquuqda Dastuuriga ah ee ku leeyahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Golaha ayaa soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo iyagoona bogaadiyey dadaalada SSC-Khaatumo ugu jirto ilaalinta Midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaliya.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

Cagtiiii joogsan waydaaa marbay ceeb lakulantaaa✌️waa Lagu digtaa Ruux haduu kuu darnaan jiray😂
10/05/2024

Cagtiiii joogsan waydaaa marbay ceeb lakulantaaa✌️waa Lagu digtaa Ruux haduu kuu darnaan jiray😂

Dawladda Soomaaliya ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM codsiga ah in la baabiyo oo meesha laga saaro Xaafiiska UNSOM,...
08/05/2024

Dawladda Soomaaliya ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM codsiga ah in la baabiyo oo meesha laga saaro Xaafiiska UNSOM, oo ah kan inta badan ay QM ka warsadaan xaalka Soomaaliya.

UNSOM, waxaa madax u ah Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsanaada Soomaaliya, kaas oo inta badan warbixinihiisa lagu dhiso go’aanada UN kasoo baxa, waxaana dalabka DFS ah ee ah in October sannadkan aan la dhaafin ay ka dhigan tahay, dhiiranaan xoog leh.

Haddii golaha Ammaanka u codeeyaan, in shaqada UNSOM lajoojiyo, waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya laga saaray chapter 7 oo ahaa in loola dhaqmo sidii dal aan madax banaaneyn, iskuna filneyn.

05/05/2024

Run badanaa😂😂😂😂

30/04/2024

30.April Allianz Arena Munich FC Bayern and Madrid.

 ; Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan...
24/04/2024

; Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan-Cade oo fulin waayay amar maxkamadeed oo ahaa in uu joojiyo dhismaha ka socda dhul muran ka taagan yahay oo ku dhexjira xeyndaabka garoonka diyaaradaha, kaas oo lagu eedeeyey Madaxweyne Xassan Sh in uu xiligii ansixinta dastuurka laaluush ahaan u siiyey mudanayaal katirsan baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, isagoo fahamsan in ay leeyihiin qoyska Reer Cali Ugaas, kuwaas oo cabashadooda jeedinayay maalmihii u dambeeyey.

Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aaden-Cade ayaa iska diiday fulinta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkan, maxkamadda ayaa markale maanta amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska, iyadoo ay ilo wareedyo sheegayaan in uusan awood Taliyuhu u yeelan karin uu maxkamadda horkeeno taliye qeybeedka helaya amarada madaxtooyada ee dhul-boobka.

QEYLO-DHAANTA: la xariirta dhul boobka ayaa samada isku shareertay, iyadoo dhammaan dadka cabanaya ay madaxweynaha ku eedeynayaan in uu ku fasaxay dhulkii danta guud xubno saaxiib la ah, oo ay wax kasta xaraash galinayaan.

22/04/2024

Sida ay xaqiijinayaan Ilo wareedyo dhanka amniga ah, ilaa 4 xubnood oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland, iskuguna jira curiyayaal suugaan, xubno dhalinyaro ah iyo Macalin h**ey uga tirsanaa Bahda waxbarashada ee Somaliland ayaa kubiiray kooxaha Argagixiso 2-dii todobaad ee lasoo dhaafay, waxayna tageen Jilib iyo Bu’aale.

Xubnahan ayaa ku kala sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kale h**e Abwaano caan ahaa iyo Aaden Sune oo Hargeysa daganaa, kana kasoo jeeday dhinaca Somaliland ayaa kubiiray kooxahan Argagixiso.

Adresse

Munich

Telefon

+4917670927057

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Fayax Media erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Fayax Media senden:

Teilen