Qalloocan TV

Qalloocan TV Kala soco warar iyo barnaamijyo kuxiisa galiya

Santarka sarhaye oo katirsan dagmada Galaadi
05/10/2026

Santarka sarhaye oo katirsan dagmada Galaadi

Casho Sharaf Lagu Maamuusayay Soo Dhaweynta iyo Sagootinta Wasiirada Xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska Waxaa cawa  lagu qa...
04/10/2026

Casho Sharaf Lagu Maamuusayay Soo Dhaweynta iyo Sagootinta Wasiirada Xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska

Waxaa cawa lagu qabtay Hoy-jiifka Jigjiga international munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay soo dhaweynta wasiirada cusub Marwo Ayaan Maxamed Maxamuud iyo sagootinta Wasiiradii h**e Marwo Warsan Cawil Muxumed.

Munaasabaddan oo uu furay Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Mudane Salaad Dhabbar Yusuf ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Xafiiska, agaasimada Xafiiska iyo dhammaan shaqalaha Xafiiska.

  : Suldaan Cabdirixmaan Aadan dude ayaa casumaad u saameeyey isimada Dhaqanka ee Beesha reer Bicidyaha Aqoonyahabka iyo...
04/10/2026

: Suldaan Cabdirixmaan Aadan dude ayaa casumaad u saameeyey isimada Dhaqanka ee Beesha reer Bicidyaha Aqoonyahabka iyo dhalinyarada iyo wasiiradii Ayaan Maxamed maxamuud oo dhawaan DDS madaxwayne mustafe usoo magaacabay.

Kulankaan ayaa iskugu jirey is xogwaraysi iyo soodhawaynta Wasiirada cusub. Ayadoo wasiiradu isimada ka codsatay inay la shaqeeyaan door muhiimana ka qaadan doonto dhankeeda.

Roobab wanaagsan oo lagu qabowsaday ayaa ka da'ay qaybo badan oo ka tirsan Gobolka Doollo, kuwaas oo farxad geliyey buls...
04/10/2026

Roobab wanaagsan oo lagu qabowsaday ayaa ka da'ay qaybo badan oo ka tirsan Gobolka Doollo, kuwaas oo farxad geliyey bulshada deegaanka.

Meelaha xalay roobka lagu qabowsaday ka da'ay waxaa ka mid ah:

Qalloocan
Sarhaye
Labiile
Dhaqayaboor
Cabdicawil

Deegaanka aad joogto Roob ma ku da'ay ?

Qalloocan TV

  : Waxaa manta magaalada miirofarataag oo katirsan dagmada Galaadi, laga hirgaliyey Adeega Qorshahaga magaalada (master...
03/10/2026

: Waxaa manta magaalada miirofarataag oo katirsan dagmada Galaadi, laga hirgaliyey Adeega Qorshahaga magaalada (masterplane).

Waxaa kasoo qayb galey xubno katirsan Gobalka iyo dagmada Galaadi, ayagoo bulshada santarka miirofaratag la qaatay kulamo lagu wacyi galinayo Bulshada.

Munaasibadda Xilwareejinta ee Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS.Wasiirada cusub ee xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS...
02/10/2026

Munaasibadda Xilwareejinta ee Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS.

Wasiirada cusub ee xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Marwo Ayaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegtay wasiiradii h**e ee Xafiiska Marwo Warsan Cawil Muxumed.
‎
‎Munaasabada xil-wareejinta oo ka qabsoontay Xafiiska gudihiisa ayaa waxaa goob joog u ahaa munaasabaddan xilwareejinta xubno ka socday hanti dhowrka guud ee DDS iyo kuxigeenada Xafiiska.

Itoobiya ayaa Ahmed Moharam Soliman oo ahaa diblomaasi sare oo ka tirsanaa Safaarada Masar ee Addis Ababa u qabatey inuu...
01/10/2026

Itoobiya ayaa Ahmed Moharam Soliman oo ahaa diblomaasi sare oo ka tirsanaa Safaarada Masar ee Addis Ababa u qabatey inuu Dalka uga baxo mudo 48 saacadood ah.

01/10/2026

Dr maxamed maxamuud gacmay oo ah aabaha dhalay wasiirada cusub ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo deegan doorashadeedu tahay G.doollo.

Dr maxamed maxamuud wuxuu ahaa wasiirkii u horreyeey oo deeganka Gobalka doollo kasoojeeda oo kamid noqda Golihii wasiirkada DDS, sidooo kale wuxuu noqday Xilibaankii u horreyey ee Dagmada Galaadi ku matala Golaha Barlamaanka DDS

Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Suldaan Cali Baale ayaa u hambalyeeyay madaxwaynaha cusub ee DDS ee mar Kale la doortay....
01/10/2026

Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Suldaan Cali Baale ayaa u hambalyeeyay madaxwaynaha cusub ee DDS ee mar Kale la doortay.

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa xukuumadda cusub iyo xubnaha Golaha Baarlamaanka 7-aad, anigoo dhammaantood u rajaynaya in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Waxaan kula dardaarmayaa madaxda cusub inay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka ay masuulka ka yihiin, kana shaqeeyaan horumarka, nabadgelyada, xasilloonida iyo midnimada deegaanka.

Alle ha u fududeeyo waajibaadkooda, hana waafajiyo go’aannada danta shacabka iyo horumarka Deegaanka Soomaalida.

Marwo Ayaan  maxamed maxamuud gacmey ayaa loo doortay wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka deegaanka somalida.
01/10/2026

Marwo Ayaan maxamed maxamuud gacmey ayaa loo doortay wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka deegaanka somalida.

Adresse

Munich

Benachrichtigungen

Erfahren Sie als Erste/r von Neuigkeiten und Aktionen: Wir schicken Ihnen eine E-Mail, wenn Qalloocan TV etwas veröffentlicht. Ihre E-Mail-Adresse wird für keinen anderen Zweck verwendet, und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Qalloocan TV senden:

Verknüpfungen

Teilen

Kategorie