Mohamud Muuse Dulyar

Mohamud Muuse Dulyar Aragti Hadal iyo Falaqeynta Siyaasadeeda.

Alxaqiiq!!Said Deni Laahoor wuu silac dilay,sida aan xogo dhowr ah ku hayo luqunta marxuunka waxaa ku taalay calaamada w...
19/03/2025

Alxaqiiq!!

Said Deni Laahoor wuu silac dilay,sida aan xogo dhowr ah ku hayo luqunta marxuunka waxaa ku taalay calaamada weyn oo muujinaysa in ceejin lagu dilay!!

Wax kasta waxay soo kala cadanayaan marka qoyska marxuunka meydkiis loo ogaado waa haddii jaaniskaas la siiyo oo aan isla saaka la aasin.

Xubnaha qoyska Marxuun Cabdiraxman Aw Said Laahoor mar h**eba arrintaas way codsadeen iyadoo dalbadkaas Madaxtooyda ujeediyey is toos ah sidoo kalena mediyahana u mariyey in aan laga aasin marxuunka,Wale Said Deni baan ku aqaan mar h**e buu kafantiis diyaariyey.

IIMAAN XUMADA IMAARAADKA !Qeybtii Labada.2. Mohamed Bin Zayed (MBZ) & Donald Trump.• MBZ waxaan ognahay inuu si dhow ula...
12/03/2025

IIMAAN XUMADA IMAARAADKA !

Qeybtii Labada.

2. Mohamed Bin Zayed (MBZ) & Donald Trump.

• MBZ waxaan ognahay inuu si dhow ula garab istaagay maamulka Trump, taasoo bilaabatay kadib safarkii qarsoodiga ahaa ee uu MBZ ku tagay New York 2016-kii uuna kula kulmay la-taliyeyaasha Trump kahor la wareegista xukunka, waxaana MBZ uu miiska saaray.

• In Imaaraadku diyaar u yahay taageero dhaqaale oo uu ku bixiyo ololaha Trump, iyagoo dhaqaalahaas soo dhex mariyay shirkado gaar ah oo Imaaraadku maalgaliyey, si ay uga caawiyaan loollanka doorashada.

• Kadib ololihii Trump, waxaa MBZ lagu khasbay inuu qeyb ka qaato qorshihii uu maamulka Trump ku abuuray xiriir cusub oo u dhexeeya Imaaraadka, Sacuudiga, iyo Israa’iil (Abraaham Accords), si Imaaraadku u noqdo dalka kaliya oo looga hortago suurta galnimada dhalashada awood carabeed oo Bariga Dhexe saamayn ku yeelata, iyadoo la isla qaatay in Imaaraad uu noqdo albaabka laga soo gelayo Bariga Dhexe laguna kala gudbiyo dhaqalaha iyo mashaariicda uu Maraykanku ku awoodsiinayo Israa’iil kuna bahdilayo dalalka Carabta.

• Waxaana MBZ loo ballan qaaday in xukunka lagu ilaalinayo taasoo ahayd ujeedka rasmiga ah ee uu MBZ usoo dhoweystay USA & Israa’iil, iyadoo lagu tilmaami karo IMAAN XUMADA IMAARAADKA.

LA SOCOD QEYB SADDEXDA
Qore MMDULYAR

DANAYSTE & DAWLADNIMO!?Qeybtii Koowaad.Marka aan qiimayn togan ku tilmaamo xiriirka ka dhexeeya Mohamed Bin Zayed, Erik ...
12/03/2025

DANAYSTE & DAWLADNIMO!?

Qeybtii Koowaad.

Marka aan qiimayn togan ku tilmaamo xiriirka ka dhexeeya Mohamed Bin Zayed, Erik Prince iyo Donald Trump, waxaan fahmi karnaa inay heshiis ku yihiin oo kaliya dano dhaqaale, militari iyo siyaasadeed, iyadoo tusaalaha nool uu yahay inay hirgeliyeen shirkado calooshooda u shaqeysta ayna jahwareer ku rideen arrimaha Bariga Dhexe iyo dalalka kale ee islaamka ah.

1. Mohamed Bin Zayed (MBZ) & Erik Prince.

• Waxaan ognahay, Mohamed Bin Zayed (Madaxweynaha Imaaraadka Carabta iyo Erik Prince (Aasaasihii Blackwater) inay isku soo dhowaadeen 2010-kii, kadib markii uu Erik ka tagay Blackwater una diga rogtay XeService $ Academi, isagoo saldhigiisa u xushay (2010) Imaaraadka Carabta, uuna ka hirgeliyey shirkado militari oo uu hoos geeyey maamulka dalkaas, taasoo sababtay inuu helo raalli ahaanshaha Mohamed Bin Zayed, oo isagu dano dhaqaale oo kaliya kadhex arkay fikradaha Erik Prince.

• Is-fahan iyo wada shaqayn qaatay mudo sanad ah kadib, ayaa Erik Prince wuxuu ogaaday inuu ka dhex kalluumaysan karo xiriirka kala dhexeeya isaga iyo hogaanka Imaaraatka DANAYSTE MBZ oo uu dano badan qabsan karo, wuxuuna isla 2011-kii heshiis hor leh la gaaray MBZ, kaasoo keenay dhismaha ciidan calooshood u shaqeystayaal ah, oo lagu tala galay in lagu curyaamiyo dalalka Yemen, Liibiya iyo Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo DAWLADNIMADA Imaaraadka carabta ee dhaqaale doon ah.

• Waxaa kaloo MBZ qiiro weyn sii gelisay, kadib markii uu Erik Prince Imaaraadka ku qanciyey curyaaminta xoriyatul qowlka gudaha dalkaasi inay dhali karto xukunka MBZ oo qarniyo kale sii jooga, si taas loo helona wuxuu u hirgeliyay hay’ado sirdoon oo la mid ah CIA-da Maraykanka, si ay ula dagaallamaan mucaaradka gudaha Imaaraadka.

LA SOCOD QEYB LABAAD
Qore MMDULYAR

10/03/2025

Said Deni Hadalada is burinaya?

Shalay Wuxuu lahaa "Shirarka soo gaabiya dalku xaalada adag buu kujira oo waxaad dhaqalo helin kartan noo soo dira,Maanta Wuxuu yiri Dadkayga waan uga turnay in aan dhaqalo waydiino"BAL ADIGU IS QABSII

05/03/2025

Daawo l Said Qarbadka Puntland oo ay bulshada reer sanaag fahman?

02/03/2025

XOREYN LA XARAASHAY !.

Aragtidan isku sidkan ee kasoo yeertay Faysal Waraabe iyo Buur-madow ma aha xaajo ugub ah, balse waxay qayb weyn ka tahay xogo xasaasiya oo aan si daahfuran u gorfeeyey goor h**e, kuna qeexay in Siciid Qarbadka Puntland afduubka ku haysta, uu siyaasad darteed XARAASH ugu bedelay qorshihii XOREYNTA Ceerigaabo, isagoo sii dhexmaray Buur-madow.

Dulucda sheekadani, waxay ina baraysaa in sababta uu Siciid Qarbad u furay dagaalka buuraha calmiskaad lafteeduna in ay siyaasad ahayd, isagoo ku hamiyey in qorshaha xoreynta Ceerigaabo oo la xaraasho ay u dhali karto laba xaalo oo kala ah (Baajinta Baraaruga Bulshada Warsangeli iyo Dhulbahante & hanashada Codadka Beelaha Isaaq ee Federaalka), waana sababta Said Qarbad uu dhiiga hal-yeeyada Puntland ugu daadinayo Calmiskaad.

Waxaadna ka arkaysan Siyaasiyinta iyo Isimadda dhaqanka Beelaha Isaaq oo banaanka la soo istagay in ay qeyb ka yihin Olalaha Said Deni Doorashada Faderalka ee lagu wado in ay dhacdo 2026-ka.

Qalinkii / MM Dulyar.

28/02/2025

Aduunyow oo xaalka ba!

Reer Puntland in uu gabal baas u dumay waxaa ku cadaynaysa waxay markii Saddexda Madaxweyne Soomaaliyeed la doonayaan Saciid Abdullahi Deni oo ah siyaasi Fashilmay oo kuna asqoobay siyaasada faderalka laba Doorasho is xigtana ka waayey wax codad ah uu ugu gudabo Wareegga Guusha.

Ma garanaayo foolxumo ka weyn in Saciid Abdullahi Deni oo labo jeer h**e sanka laga qabsaday in aan mar saddexda horgeyno Soomaali weyn waa fahamdaro iyo rajo xumo reer Puntland haysta ma waxaan waynay rag aan siyaasada ahaan gadi karano mise waa talo xumo siyaasadeeda mise mar kale oo saddexda baan daawanaa isaga oo la leeyahay Saciid Abdullahi Deni uma uusan gudbin Wareegga xiga?

Maxay kula tahay Adi inleen talada wax baad ku leedahay?

Maxaa kaga baxay Hadalka Deni?Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni oo caawa shacabka la hadlay ayaa ku dhawaaqay i...
27/02/2025

Maxaa kaga baxay Hadalka Deni?

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni oo caawa shacabka la hadlay ayaa ku dhawaaqay in gacanta ku hayaan xoog sirdoon oo ka dhan ah dadka gacan saarka la leh uruurka aragagixisid ee Daacisha.

"Cidkasta oo la shaqeysa Daacish waa in ay iskaga baxaan oo dowlada cafis weydiistaan mudo todobo beri gudohood, waxaan haynaa magacyada dadkaasi oo iskugu jira Ganacasato, Culimo, dhaqan iyo kuwo bulshada magac ku leh"

Aniga aragtiday waxaa iga soo baxday Haddan aqoon caqliyada Said Deni in uu doonayo rag ay siyaasad isku hayaan in uu wasakheeyo waadna ogaan doontan maalin dhow wuxuu warbaahinta la soo istagayaa dad magaac leh oo la sumcad dilayo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada  Muqdisho, t...
27/02/2025

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho, taasi oo jawaab u ah safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu horraantii sannadkan 2025 ku tegaley Addis Ababa, kaddib Baaqii Ankara oo dowladda Turkiga garwadeenka aheyd, laguna xaliyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa berri ka soo dagaya garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho, qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyada Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Sawirada Abiy Ahmed ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada, waa booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019.

Kaddib safarka Abiy ayaa la filayaa inuu todobaadyo kaddib uu Soomaaliya iyo Ethiopia booqasho Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isku mari doona Muqdisho iyo Addis Ababa.

23/02/2025

Hadalka Taliye Daraawiishta Puntland Maxaa Laga la soo bixi kara?

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen Adan Abdi Xaashi ayaa si cad u sheegay goobaha iyo talisyada ay ku sugan yihin Ciidanka Daraawiishta Puntland,waxaana arrintaas aad u la yaabay khuburada arrimaha ciidaanka ku xeer-dheere iyaga oo is waydiyey horta Taliyuhu yuu u sheegayaa meelaha ay ciidamadda Puntland ku sugan Yihin?

Ma waxaa loo qaadan karaa marin hebel iyo wadado hebel baa idin furan ka baxa mise waa xeelada Cadowga lagu dhagarayo bal adab? Maxaa keeni kara bay kula tahay in Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Mudan Adan Abdi Xaashi uu Mediyaha la soo fariisto istaraajiyadda ciidaanka iyo goobaha gaarka ah ay talisyadda ku leeyihin in uu magaacooda sheego.

Adresse

Regensburg

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Mohamud Muuse Dulyar erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Mohamud Muuse Dulyar senden:

Teilen