22/09/2025
Ololaha wadaniyada
Quwadaha waa weyn ayaa ku jira loollan ka baxsan hubka iyo tiknoolajiyada ee sida weyn diiradda loo saaro, dalalka sida ; Mareykanka , Ruushka iyo Shiinaha waxay ku jiraan olole ay ku dhisayaan wadaniyada dadkooda!
Shiinaha iyo Ruushka , waxay muddo ka badan 20 sanno diiradda saarayeen nidaam waxbarasho oo ku dhisan wadaniyada, kaa oo carruurta inta aysan iskuullada u gudbin ay ku dhiganayaan fasalo gaar ah, waxayna baranayaan taariikhda dalkooda iyo halka uu u socdo , tani waxay ka saacidaysaa ilmaha inuu ku koro , isagoo wax ka garanaya dalkiisa illaa taariikhda xigta ee uu doonayo inuu qoro.
Isagoo tan ka duulaya, madaxweynaha Mareykanka
Trump wuxuu toddobaadkan la kulmay waaxda waxbarashada Mareykanka , wuxuuna u sheegay in loo baahanyahay qorshayaal cadcad oo lagu dhisayo wadaniyada dadka Mareykanka , markaa oo xataa uu ku yiri ; “ Waxbarashada wadaniyada ka dhiga mid bilaash ah, si loo helo jiil mayal adag oo garanaya taariikhda Mareykanka , diyaarna u ah inay noqdaan kuwa aan la jebin.” Sida ay werisay Reuters.
Maxaa looga baahanyahay waxbarashada wadaniyada?
Taariikhda oo dhan waxaa loo arkayay wadaniyada inay aasaas u tahay ilaalinta jiritaanka ummad iyo dhulkeeda, balse tan waxaa sare u sii qaaday isbeddelada adduunka oo loo arkay in habka ugu adag ee guusha lagu gaaro ay tahay adkeysiga bulsho iyo daacadnimada ay u hurayaan dalkooda.
Tusaalaha fudud;
Dadka marinka Qasa ee dhulka Falastiin oo loo aqoonsaday kuwa la kulmaya xasuuqa iyo dhibaatada bani’aadam ee ugu darran , waxay diideen inay ka baxaan dhulkooda, maxaa yeelay waxay u arkaan jiritaanka iyo taariikhdooda inay ku luminayaan, waxayna u adkeysteen nooc kasta oo weerar oo ay la kulmeen.
Dadka ku nool jasiiradda galbeedka Baasifiga ee Tuvalu, waxay diideen inay ka baxaan jasiiradan oo ku dhow inay baddu liqdo, xataa Australia iyo New Zealand ayaa usoo bandhigay dadka jasiiradaa deggan inay siinayaan dhul iyo jinsiyad ay ku noqonayaan muwaadiniin, laakin dadka jasiiradan waxay yiraahdeen; “ K**a tageyno dhulkeenna, sababtoo ah waa jiritaankeena.”
Taa ayaa la dhahaa wadaniyada ummadda, waana waxa uu Trump doonayo inay yeeshaan mowqif u adkeysan kara marxalad walba dadka Mareykanka si aysan isku dhiibin, waana waxa ay muddada dheer u diyaarinayaan dadkooda; Ruushka iyo Shiinaha, si ay u xaqiijiyaan inay dadkooda noqdaan kuwa leh aaminsanaan aan la jebin karin.
Qiyamka iyo wadaniyada waxay ka adagyihiin hub walba, waana dareenka ummad ku xajiya booskooda ama beddela noloshooda.
Ka warran in lagu soo bandhigayo jinsiyada Australia iyo New Zealand , ama xasuuqa Qasa aad ku dhex nooshahay , fursadna lagu siiyay inaad ka dhex baxdo, maxay tahay jawaabta ay naftaada ku siisay?