RAYANE PRESSE

RAYANE PRESSE La Nouvelle Presse de la Corne d'Afrique

15/10/2025

15 OCTOBRE 2025 : LE MESSAGE DE SON EXCELLENCE LE CAPITAINE IBRAHIM TRAORÉ

15/10/2025
15/10/2025

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa dalka Djibouti kaga qaybgalay shirkan oo lagaga hadlayay sidii wadamada Djibouti, Yemen iyo Somaliland ay iskaga kaashan lahaayeen ammaanka badda ay wadagaan ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Shirka waxa goob joog ahaa Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Djibouti Wacays Omar Boqorre, Taliyaha ciidanka Ilaalada xeebaha Yemen Khaalid Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye.

Geesta kale, Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay shir Faransiisku soo qabanqaabiyey oo ka dhacay dalkaasi Jabuuti.

Shirka uu soo Taliyaha ciidanka Faransiiska ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika qabtay waxaa ka qaybgalay Taliyayaasha Ciidamada Ilaalada Somaliland , Yemen iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Dalka Jibuuti, waxaana shirkan lagaga hadlayey arrimaha Badda Cas.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland. Taliye Admiral Axmed H**e Haariye ayaa sharaxay doorka ay Somaliland ka qaadato ilaalinta biyaha Gacanta iyo guud ahaanba Badda Cas arimaha la xidhiidha khataraha ka dhaca dhinaca badaha, sida argagixsada , budhcad badeeda iyo waxyaabaha u baahan in laga hortago .

Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha dalka Yemen Khaalid Axmed Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Jibuuti Wacays Cumar Boqore ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyey iskaashiga dawladaha bada cas iyo in la sameeyo iskaashi ku qotama ilaalinta badacas iyo badaha la jaarka ah sida India Oceanka , bada Mediterranean Sea iyo badda cas

Taliyaha saldhiga faransiiska ee dalka Jibuuti sareeye gaas Sebastien ayaa sheegay inay mar walba barbar taagan yihiin dhamaan ciidamada ku teedsan badda cas iyo ilaalinta iyo ka hortaga xudgubyada aan sharciga ahayn ee ka dhici kara badaha , waxaa soo dhaweeyey taliyaaysha ka-kala socda mandaqada sida Somaliland , Yemen iyo Jabuuti.

15/10/2025
14/10/2025

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku sii jeeda Itoobiya, iyada oo Wasaaradda Arrimaha-dibedda SL ay Af-amxaari ku sheegtey in socdaalkani yahay; Iskaashi amni & dhaqaale.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa h**e u galay Heshiis Is-afgarad oo Badda ah kaasi oo xiisad ka dhex kiciyey Muqdisho & Addis Ababa, hase-yeeshee; Ma se cadda in mar kale dib boodhka looga jafayo, waxa se ay xalay warbaahinta Itoobiya tebisey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu socdaalkiisii maalin ka hor ee Addis Ababa uu taageerey in Itoobiya gaadho Badda-cas, iyada oo la ilaalinayo madax-banaanida JFS, sida ay werisey EBC.

14/10/2025
13/10/2025
13/10/2025
13/10/2025

Adresse

Q5
Boulas

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque RAYANE PRESSE publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à RAYANE PRESSE:

Partager