12/05/2025
⸻
Xog hoose laga helay qolo daraasadaha sameeya oo ka ag dhow Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, loona diray dhalinyaro aqoonyahanno ah in saadaal ka sameeyaan doorashada soo socota, natiijada Xasan Sheekh ka heli karo iyo musharaxa ku soo bixi kara, ayaa muujisay in Xasan Sheekh ka helo natiijada eber, Madaxweynaha soo socdana uu noqon karo Madaxweyne Deni.
Taasi waxay keentay in natiijada shaacinteeda hoos loo dhigo. Laba shaqaale oo ka ahaa xarunta, cilmi-baarayaal ah, ayaa shaqada laga saaray. Tan ayaa muujinaysa kalsooni-xumada soo food saartay team-ka haatan jooga Villa Soomaaliya.
Cilmi-baarayaashan si hoose daraasaddan uga sameeyay Soomaaliya oo dhan, ayaa ku soo dhammeeyay natiijo xumo