
02/07/2023
Munaasabada xuska 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad Guuraddii 63-aad ee Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed ahna maalinta israaca Goboladda Waqooyi iyo Koonfureed ayaa xalay lagu qabtay Qaahira.
Munaasabaddaan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qeyb galay Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Diplomaasiyiinta Safaaradda, Aqoonyahano, Ganacsato, Arday iyo Qaar kamid ah qeybaha kalla duwan ee Jaaliyadda.
Ugu horeyn waxa goobta ka hadlay Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ahmed ali barreh oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay dabaaldega iyo xuska maalinta kowda luulyo isago Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar ku amaanay Wadaniyadda ka muuqata iyo sidda wanaagsan ee ay Safaaradda ula shaqeeyaan.
Sidoo kalle Madaxdii ku sugneed xafladda Ganacsato iyo Qaar kamid ah Jaaliyadda ayaa halkaasi kasoo jeediyay khudbado Muhiim ah oo ku wajahan Muhiimada ay Umadda Soomaaliyeed u leedahay Munaasabadda amaba xuskani 1 Luulyo iyago sheegay iney sii labbo jibaarayaan Xiriirka iyo Wadashaqeynta dhabta ah ee ay Safaaradda la leeyihiin sidaas awgeedna waxay Safiirka gudoonsiiyeen Bilad Sharaf aad u qiimo badan.
Ugu danbeyn waxa xafladda soo xiray Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo ugu horeyn Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar soo gaarsiiyay dhambaalka kowda luulyo oo uga siday Madaxda Qaranka isago si qoto dheer uga hadlay Taariikhdii halganka Xornimadda Soomaaliya loo soo maray wuxuuna Umadda Soomaaliyeed ku baraarujiyay Midnimadda iyo garab istaaga dowladda si loo dardargeliyo la dagaalanka Argagixisadda taas oo ah hadafka koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud.