DUUR Record

DUUR Record KU SUNTAN SOO GUDBINTA XOGGO MUHIIM OO BULSHADA WAXTAR U LEH

Gudoomiye Aadan Madoobe oo fadhiyada Baarlamaanka DFS ka ganaaxay Dhowr Xildhibaan oo kamid ah golaha, sidoo kalana tirs...
01/05/2025

Gudoomiye Aadan Madoobe oo fadhiyada Baarlamaanka DFS ka ganaaxay Dhowr Xildhibaan oo kamid ah golaha, sidoo kalana tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo war...
12/02/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Mudane Ilham Aliyev ayaa goobjoog ahaa saxiixa heshiiskaan dhexmaray wasaaradaha gaashaandhigga labada dowladood.

Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa saacad ka hor gacanta ku dhigay dabley hubaysan oo dhawaan xeebaha de...
12/02/2025

Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa saacad ka hor gacanta ku dhigay dabley hubaysan oo dhawaan xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi Yemen laga lee yahay.
Ilo wareedyo sirdoon ayaa xaqiijinaya in markab dagaal oo laga lee yahay Hindiya uu goor dhaweyd gacanta ku dhigay 8 nin oo hubaysan kuwaasi oo maalmo ka hor doon kalluumeysi ku af-duubtay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Dableyda gacanta lagu dhigay oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland ayaa subaxnimadii h**e ee saaka goob ka baxsan biyaha Soomaaliya ku weeraray doon kalluumeysi oo Hindiya laga lee yahay taasi oo dalbatay gurmad deg deg ah islamarkaana uu soo gaaray markab dagaal.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda gacanta lagu dhigay ay saaka ku weerar tageen doontii maalmo ka hor ay af-duubteen balse iyagii gacanta lagu dhigay islamarkaana laga furtay doontii kalluumeysi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Hindiya.

11/02/2025

Shirjaraa’id : Afhayeenka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland , Gen Maxamuud Faadhigo.

Ganacsatada Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed ee kunool Magaalada Garoowe ayaa Wareejiyey 20 Neef oo geel ah oo ay ugu talagal...
11/02/2025

Ganacsatada Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed ee kunool Magaalada Garoowe ayaa Wareejiyey 20 Neef oo geel ah oo ay ugu talagaleen taakulaynta ciidamada difaaca Puntland.

11/02/2025

Madaxweynaha Somaliland Cirro oo Shir-Madaxeedka Aduunka ee Dubai ka socda kaga hadlay arrimo badan.

Madaxweynaha Somaliland Cabdirixmaan Cirro oo ka qayb ahaa  Shir-Madaxeedka Aduunka ee Dubai ayaa yiri; "Waxaan ka socda...
11/02/2025

Madaxweynaha Somaliland Cabdirixmaan Cirro oo ka qayb ahaa Shir-Madaxeedka Aduunka ee Dubai ayaa yiri; "Waxaan ka socdaa Somaliland oo ka mid ah dawladaha mustaqbalka. Dekadda Berbera waa dekedda ugu caansan badda cas, waa deked aad u facweyn , DP world waxa ay 400 Milyan oo dollar ku maalgelisay dekedda Berbera, maalgashigaasi waxa uu ahaa mid isbedel leh".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaal...
09/02/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey ee ku jira Isbitaalka Xoogga dalka iyo qaar kamid ah Isbitaallada gaarka loo leeyahay.
Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada Ciidamada oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso, waxa uuna u xaqiijiyey in Dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna, Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan”.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo Isbitalka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo Warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Maamulka Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeegyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

09/02/2025

Madaxweyne Dawladda Puntland Said Abdullahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Kulan ay yeesheen labada Gole ee Dowladda oo ku saabsan hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaad.

Labada Gole ee Dowladda Puntland  ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdull...
09/02/2025

Labada Gole ee Dowladda Puntland ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyay Kulankaas oo ku saabsanaa hawlgalka Kooxda Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaad.

Address

Muizz Street
Cairo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DUUR Record posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share