20/09/2025
Afar Dukhayn oo kala duwan ayaa lala eegtay kooxda AS.
Dukhaymaha ayaa ka dhacay afar goobood oo AS kaga sugnaayeen gobolada dalka. Iyadoo lasoo warinayo qasaaro kala duwan
Dukhaynta koobaad waxey ka dhacday Bu’aale iyo deegaan lagu magacaabo sariiraha . Gaari ay saarnaayeen Afar sargaal oo AS ka tirsan ayaa lala eegtay.
Sidoo kale Dukhaynta labaad waxaa laga maqlay inta u dhaxeeysa Xaramka iyo kunya barrow, waxaana wararka qaar sheegayaan in lagu dukheeyay qalab muhiim u ahaa AS.
Duleedka Sablaale Waxa lagu dukheeyay meel ay daganaayeen saraakiil oo ay ku shirayeen, halka Dukhaynta afaraad ay ka dhacday degaanka bulafulay oo ay joogeen madax sar sare oo AS ah