Rays Media 24

Rays Media 24 Nala joog oo Nala faafi🤝✅💯

Qaayasoorka (qiyamka) iyo anshaxa suubban ee qofka waxa si dhab ah loo gartaa marka dano la isku hayo sida uu u dhaqmo, ...
14/01/2026

Qaayasoorka (qiyamka) iyo anshaxa suubban ee qofka waxa si dhab ah loo gartaa marka dano la isku hayo sida uu u dhaqmo, ee ma aha marka la isu laabxaadhan yahay sida uu dhaqmo.

Boggan waxa gacanta ku haya qof ka arradan qaayasoorkaas, kana qatan anshax-wanaagga, kuna tuntay xeerarkii Islaamka ee la-dhaqanka bulsheed iyo karaamada shakhsiga ah ee qofka Muslinka ah (iyo xataa ka aan Muslinka ahaynba).

Drs Adna Aadan waa shakhsiyada labeenta u ah JSL, qofka siyaasaddaas Soomaalida ku qaniinsanina siyaabo kale oo uu uga hor yimaaddo wuu helayaa, waraysiyadeeda ayuu falanqayn karaa, doodaha ay gasho ayuu faallayn karaa, arrimaha ay sida dhabta ah u samaysana wuu ka falcelin karaa, isaga oo weliba aragtidiisa diidmada ah ku dhisaya. Se in uu qofkaasi magaceeda adeegsado oo uu dhankaas ka weeraraa waxa ay muujinaysaa in aanu xataa isagu karaamo shakhsi ah naftiisa u hayn, qofka isaga oo og boggani in uu bug yahay xiganayaana kaas waxba ma dhaamo (qofka aan ogayni waa meeshiisa’e).

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Shirkadda DP World gaashaanka u daruurtay warkii xalay ka soo baxay xukuum...
13/01/2026

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Shirkadda DP World gaashaanka u daruurtay warkii xalay ka soo baxay xukuumadda Xasan Sheekh kaas oo ahaa in ay ka bexeen heshiisyadii ay la galeen dalka Imaaraadka Carabta. DP World waxa ay sheegtay in ay sii wadayso u adeegista suuqyada Somaliland iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika isla markaana aanu iyada wax saamayn ah ku yeelan karin khilaafka Abu Dubia iyo Muqdisho.

Warka DP World ayaa lagu yidhi " waxa aannu dedaalka saari doonaa sii wadista iyo fudaynta ganacsiga suuqyada Somaliland iyo Geeska Afrika, khilaafka dawladduhuna waxa uu la xidhiidha haayaddaha ay khusayso ee keli ah"

Shirkadda DP oo 10 kii sano ee la soo dhaafaysay maamuulaysay dekedda magaalada Berbera ayaa Somaliland ku samaysay maal gashi dhan 442 Milyan oo Dollar taas oo ah casriyayn iyo balaadhin lagu sameeyey dekedda magaalada Berbera. Soomaaliya ayaa sannadkii 2018 kii ka hor timi maal gashiga DP World ee Somaliland balse go'aankaas ayaa noqday mid aan waxba ka beddelin hawlaha shirkaddu ka hayso gudaha Somaliland.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in aan la ogolaan doonin  Soomaalida sharci darrada ku ...
13/01/2026

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in aan la ogolaan doonin Soomaalida sharci darrada ku joogta dalka Maraykanka isaga oo ogaysiiyey in ay dalka ka baxaan ka hor 17 bisha March ee sannadkan.

Trump ayaa sannadkii h**e joojiyey xeerkii lagu ilaalin jirey Soomaalida ku dhaqan Minnesota iyada oo gobolkaas ay ilaa hadda hawl gal ka wadaan ciidanka ICE oo qabanaya dadka aan sharciga haysan.

Guddoomiyaha Shirkadda DP World sultan ahmed bin sulayem ayaa Difaacay Heshiiskii ay la galeen Somaliland.Waxa uu xusay ...
13/01/2026

Guddoomiyaha Shirkadda DP World sultan ahmed bin sulayem ayaa Difaacay Heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Waxa uu xusay in heshiiskaasi uu soo
Maray Dariiqa sharciga ah

“Heshiiska aanu la galnay Somaliland Waa mid sharci ah, waxaana ansixiyay Baarlamaanka.
Dalkani waa mid Madax banaan, Kamana taliso Soomaaliya”‘Ayuu yidhi sultan oo u waramayay Dubai CYD.

Ma ogtahay halkani waa Dekedda Berbera.? Waa mid kamid ah kuwa ugu waaweyn mashaariicaha horumarineed ee Imaaraadku maal...
13/01/2026

Ma ogtahay halkani waa Dekedda Berbera.? Waa mid kamid ah kuwa ugu waaweyn mashaariicaha horumarineed ee Imaaraadku maalgeliyay Somaliland-na ay dhisatay.!

Wasiiru dawladdaha Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Hadera Abera iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Gedion Sa'ar ...
13/01/2026

Wasiiru dawladdaha Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Hadera Abera iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Gedion Sa'ar oo kulan ku qaatay magaalada Qudus ayaa ka wada hadlay xiisadda gobolka Geeska Afrika iyo xidhiidhka labada dal. Weftiyo labada dal metelaya oo labada Wasiir hoggaaminayaan ayaa yeeshay kulan si weyn loogu lafa guray arrimaha ka socda gobolka Geeska Afrika iyo danaha ka dhexeeya labada dal.

Israel waxa ay ka mid tahay dalalka taageera waddanka Ethiopia iyada oo qayb ka ahayd dalalkii maal geliyey ama qaadhaanka ku darsaday Biyo xidheenka dalka Ethiopia sidoo kalena waxa ay Addis ababa ka taageertaa dhinaca Technology-da iyo casriyaynta adeegyada dawladda gaar ahaanna Passport-ka dalka Ethiopia.

Halka Talaabiib ay dhinaca kale qayb ka tahay waddamada taageera in ay Ethiopia hesho marin badeed oo ay kaga xidhanato dunida inteeda kale.

13/01/2026

Khalkhalka weyn ee ka jiray gudaha DFS tan iyo aqoonsigii JSL dartii, tallaabo kasta oo ay qaaddo Fiilla Soomaaliya waa mid JSL u danaynaysa.

Tallaabadii u danbaysay waa Imaaraadka oo ay heshiisyadii ay kula jirtay laashay! Waa tallaabo soo dedejinaysa in uu isaguna aqoonsado JSL, maadaama aanu ka maarmayn mandiqaddan xasaasiga ah in uu lug kula jiro, hanti iyo maalgashina ay JSL ka yaallaan, in uu Pro-Somaliland ahaana wax qarsoonba aanay ahayn oo ayba laalista heshiiskan u cuskatay Fiilla Soomaaliya. Waa kii baasaboorka DFS mamnuucay, ka JSL-na soo dhoweeyay!

Waannu soo dhoweynaynnaa tallaabooyinkan JSL u danaynaya ee ay DFS sida ka-fiirsi la’aanta ah u qaadayo.

Dawladda Kenya ayaa go'aansatay in ay dib u dhigto fulinta heshiis ganacsi oo ay la gashay dawladda Shiinaha ka dib mark...
12/01/2026

Dawladda Kenya ayaa go'aansatay in ay dib u dhigto fulinta heshiis ganacsi oo ay la gashay dawladda Shiinaha ka dib markii ay cadaadis kala kulantay dalka Maraykanka oo ku hanjabay in uu cashuuro badan ku soo rogi doono Kenya haddii ay sii xoojiso xidhiidhkeeda ganacsi ee Beijing. Heshiiska Kenya iyo Shiinaha oo la filayey in uu si rasmi ah loo ansixiyo ayaa hadda u muuqda in uu guud ahaanba fashilmay waxaana soo baxaysa in Maraykanku uu il gaar ah ku eegi doono dalalka Afrika ee xidhiidhka la samaynaya Shiinaha.

Kenya oo wajahaysa culayso dhaqaale iyo deymo xad dhaaf ah waxa ay hadda ku dedaalaysaa in ay sii haysto xulafadeedii h**e ee reer Galbeedka si ay uga soo kabato duruufaha dhaqaale ee ku gedaaman dalkan dhaca bariga Qaaradda Afrika.

Dawladda Soomaaliya ayaa baabi’isay dhammaan heshiisyadii iskaashiga oo dhinacyada amniga uu ku jiray oo ay kula jirtay ...
12/01/2026

Dawladda Soomaaliya ayaa baabi’isay dhammaan heshiisyadii iskaashiga oo dhinacyada amniga uu ku jiray oo ay kula jirtay dawladda Imaaraadka Carabta , kaddib mowqif lagu difaacayo madax bannaanida Soomaaliya oo ay go’aan ka soo saareen golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay shir waqtigiisa laga soo hormariyay.

Go’aankan wuxuu soo bandhigay isbeddel weyn oo ku dhacay jihada dawladda, gaar ah madaxweyne Xasan oo muddo dheer xiriir la lahaa Imaaraadka Carabta oo meesha ka saaraya xiriirka si uu ugu weecdo xiriir uu la sameynayo Sacuudiga iyo Qatar , xilli Doha la sheegay inay ka aqbashay dawladda Federaalka buuxinta doorka Imaaraadka, gaar ahaan bixinta kabka mushaaraadka ciidanka, wallow aan si rasmi ah loo soo bandhigin, hadana go’aanka wuxuu soo baxay maalmo ka hor inta uusan billaabaan socdaal la sheegay madaxweyne Xasan inuu ku tagayo dalka Sacuudiga, tan oo albaab u furaysa loollanka khaliijka ee gudaha Soomaaliya , wuxuuna Imaaraadka ay dawladda Federaalka iskaashigiisa meesha ka saarayso saameyn ku leeyahay dawlad-gobollada qaar oo xilli horaba qaar ah madaxda dawlad-gobolleedyadaa ay billaabeen inay gaaraan Dubai.

Golaha Wasiirrada ee dalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan deg deg ah ayaa ku dhawaaqay in ay ka bexeen heshiiskii di...
12/01/2026

Golaha Wasiirrada ee dalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan deg deg ah ayaa ku dhawaaqay in ay ka bexeen heshiiskii difaac ee ay la galeen dalka Imaaraadka Carabta kaas oo lala xidhiidhinayo in uu qayb ka yahay heshiiska Somaliland iyo xidhiidhka Jamhuuriyaddu la yeelatay Caalamka. Soomaaliya oo hadda u janjeedhsatay dhinaca Sucuudiga ayaa la saaray cadaadis kaga yimi dhinaca Turkiga kaas oo ugu dambayn sababay in ay raacdo xulafada Turkiga iyo Sucuudiga.

Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidh xooggan la leh Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo Somaliland ku sameeyey maal gelin xooggan iyo garab istaag aad u badan kuwaas oo laga xusi karo duufaantii Somaliland ka dhacday sannadkii 2018 markaas oo uu Imaaaraadku soo diray diyaarado u gurmaday dadkii dhibaato ku soo gaadhey xeebaha gobolka Awdal.

Soomaaliya waxa uu Imaaaraadku ka taageeri jirey dhinaca tababarada ciidamada iyo la dagaalanka argagaxisada waxana uu muddo dheer ahaa dal dhaqaale badan siiya dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson, ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ixtiraamo Denmark, isagoo xusuusiyay in Denm...
11/01/2026

Ra’iisul wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson, ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ixtiraamo Denmark, isagoo xusuusiyay in Denmark ay muddo dheer ahayd xulafo daacad u ah Washington, isla markaana ay garab taagnayd dagaalladii Mareykanku hoggaaminayay ee Ciraaq iyo Afgaanistaan. Wuxuu xusay in askar badan oo Danish ah ay ku naf waayeen dagaalladaas, taasoo muujinaysa heerka sare ee daacadnimada iyo xulafonimada Denmark.

Kristersson hadalkan wuxuu ka jeediyay isaga oo ka falcelinaya hanjabaada Trump ee la xiriirta inuu Mareykanka qabsanayo jasiiradda Greenland, oo hoos timaadda Denmark. Ra’iisul wasaaraha Sweden wuxuu si cad u yiri: “Mareykanku waa inuu u mahadceliyaa Denmark, oo sannadihii la soo dhaafay ahayd xulafo aad u daacad ugu ah.”

Fiiro gaar ah:

Arrintan waxay daaha ka rogeysaa xaalad aan h**e si sahlan maskaxda ugu soo dhici karin oo ah inay reer Yurub gaaraan heer ay si dadban ama toos ah ugu baryaan Mareykanka inuusan qabsan dhul iyaga ka tirsan. Marxaladda hadda taagan waxay muujinaysaa in Mareykanku uusan xitaa tixgelin siinayn Denmark, inkastoo ay xubin ka tahay isbahaysiga NATO.

Haddii Mareykanku qaado tallaabo milatari oo uu ku qabsado Greenland, arrintaas waxay noqon doontaa dharbaaxo culus oo burburin karta isbahaysiga NATO, isla markaana albaab u furi karta isbeddel istiraatiiji ah oo ballaaran oo ka dhaca nidaamka caalamiga ah, kana dhiga xulafonimada reer Galbeedka mid su’aalo waaweyn la geliyo

Xigasho: iman Jama

Wargeyska taabacsan Taliska Ciiddamada Maraykanka ee AFRICOM ee ADF ayaa baahiyey warbixin uu kaga faalloonayo khatarta ...
11/01/2026

Wargeyska taabacsan Taliska Ciiddamada Maraykanka ee AFRICOM ee ADF ayaa baahiyey warbixin uu kaga faalloonayo khatarta amni ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo sida kooxda AS qarka ugu saaran tahay in ay la wareegto magaalada Muqdisho. Warbixinta oo soo xiganaysa khubaro gobolka ah ayaa sheegtay in qabsashada kooxda ee caasimadda Soomaaliya in ay tahay wax mar kasta la filan karo oo wakhti keli ah ku xidhan. Waxayna arrimahaas u sababeeyeen habacsanaanta xukuumadda Xasan Sheekh iyo kooxda oo kordhisay hawl galladii ay halkaas ka wadey.

Warbixinta waxa lagu xusay in 30% dhulkii Soomaaliya uu gacanta ugu jiro kooxda AS iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay dib u qabsatay goobihii h**e loogala wareegay sida Ceel Baraf, Biyo Caddo, Ceel Cali Axmed, Maxaas, Nuur Dugle, Aadan Yabaal, Masjid Cali Gaduud, Moqo Kori, Tardo, Teedaan iyo qaar kale.

Qoraalka waxa lagu tibaaxay in xukuumadda Xasan Sheekh ku fooggan tahay arrimo siyaasadeed taasina ay keentay in ay sii xoogaysato kooxda AS oo kaabiga hadda u saaran magaalada Muqdisho.

Dirección

Calle Canton De San Francisco Javier
Vitoria-Gasteiz

Teléfono

+34632691485

Página web

Notificaciones

Sé el primero en enterarse y déjanos enviarle un correo electrónico cuando Rays Media 24 publique noticias y promociones. Su dirección de correo electrónico no se utilizará para ningún otro fin, y puede darse de baja en cualquier momento.

Contacto La Empresa

Enviar un mensaje a Rays Media 24:

Compartir

Categoría