Dariiqu-Tawbah طريق التوبة

Dariiqu-Tawbah طريق التوبة faafinta dacwadda diinta islaamka

🤲❤️🤲❤️
15/09/2025

🤲❤️🤲❤️

Mar walba oo hawli kugu cuslaato, akhriso ducadan oo ka faa’idayso🤲🤲🤲🤲🤲.
15/09/2025

Mar walba oo hawli kugu cuslaato, akhriso ducadan oo ka faa’idayso🤲🤲🤲🤲🤲.

Hambalyo Dr. Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, Alle ha kugu abaalmariyo Janooyinkiisa qiimaha badan .Dadkaaga abaal wayn ayaa...
14/09/2025

Hambalyo Dr. Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, Alle ha kugu abaalmariyo Janooyinkiisa qiimaha badan .

Dadkaaga abaal wayn ayaad u gashay waxanaad xaqiiqdi u buuxisay Kaalin mug iyo miisan leh.

Ifka nolol khayr leh ku Waar , Aakhirana Nebbi Muxammed SCW maciisa noqo.

13/09/2025

Sheekh Mustafe

📿📿📿📿
13/09/2025

📿📿📿📿

13/09/2025

Rabbiyoow ifka wanaag na sii, aakhirana wanaag nooga yeel, naga badbaadi naarta kulkeeda.🤲

-Quraan

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah:-1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay m...
13/09/2025

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah:-

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka h**eeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: Daarul Maqaam.

Hadii aad ka heshay sii garee oo lawadaag asxaabtaada.

Dawladda Galbeedka Afrika dhacda ee Burkina Faso ayaa dhammaanba dadka Afrikaanka ah u ogolaatay in ay Fiise la'aan dalk...
13/09/2025

Dawladda Galbeedka Afrika dhacda ee Burkina Faso ayaa dhammaanba dadka Afrikaanka ah u ogolaatay in ay Fiise la'aan dalkeeda ku soo geli karaan oo wixii dal ku gal ah la siin doono marka ay soo gaadhaan xuduudaha iyo garoomada dalkaas.

Burkina Faso ayaa noqotay dalkii saddexaad ee tallaabadan ku dhaqaaqa iyada oo h**e Fiiseyaashii la dalban jirey ay u joojiyeen dalalka Kenya iyo Ghana.

12/09/2025

Naarta iska xigsiiya sadaqada, xabbad timira jeexeedna ah ahaatee.✅💯

-Nebi Maxamed NNKH❤️💯❤️

12/09/2025

Dadka iigu dhow maalinta qiyaame waa kuwa iigu salliga badan.

-Nebi Maxamed NNKH

11/09/2025

Muraabaxada iyo Ribada

- Hantiile ayaad deyn uga baahatay, wuxuu ku siiyey deyntii oo 1000 doollar ah. Bil ka bacdi ayaad u celisay deyntii iyo dulsaar 100 dollar ah. 1100 doollar. Taasi waa ribo.

- Deyn baad u baahatay, waxaa lagu yidhi deyn ma bixinnee, alaab ayaaannu kuu iibinaynaa ee soo eego. Waxaad u tagtay ganacsade X. Waxaad tidhi, nin yahow alaabta aad hayso uma baahni laakiin lacagta ayaan u baahanay. Iska dhig in aan aan kaa iibsanayo alaab kun doollar ah. Marka lacagta laguu shubo, halkii aad alaabtii i siin lahayd, lacagtii i sii. Bil kastana waan shubayaa deyn celintii. Faa'idada bangiga u saarani waa 20%. Ninkii ganacsadaha ahaa waxaa la siiyey 1000 doollar. Laakiin baanku wuxuu rabaa 1200 doollar. Miskiinki 1000 doollar ayuu ka qaatay ganacsadihii. waxaanu muddo 5 bilood ah dib u celiyey 1200 doollar.

Taasina waa ribo.

- Miskiin baan ahay. waxaan u baahnahay in la ii gado alaab qaali ah oo aan laba sano ku bixin doono. Alaabtii ayaan baanka u tilmaamay way iibsadeen. Markaas ayaan la wareegay. Macaashka baanku waa 15-20%. Suurad ahaan wax sax, sida culimadu u suuradiyeen. waa sida muraabaxado tahay. Balse culimo kale ayaa u arka in xeeladaysi meesha ku jiro oo ay tahay isla wixii lagu nacdalay ummadihii h**e. waxay leeyihiin, qoladan bangiyadu, k**a ganacsadaan alaabo e lacagta ayey ka ganacsadaan. Markaa waa xeelad, alaabooyinkan ama dhismayaashan ee faa'iidada ama dulsaarka ayey ku xalaashanayaan. culimada dooddan qabtaa ma badna. Haddiibase aynu raacno maajooratiga culimada oo xalaaleeyey, waxaan meel laga maraa jirin in ay tahay dhiigmiirasho. aad iyo aad bay qaali u tahay macaashkan ay saartaan. Halkaasi faragelin bay u baahantahay.

Dirección

Cantón De San Francisco Javier
Vitoria-Gasteiz
01001

Notificaciones

Sé el primero en enterarse y déjanos enviarle un correo electrónico cuando Dariiqu-Tawbah طريق التوبة publique noticias y promociones. Su dirección de correo electrónico no se utilizará para ningún otro fin, y puede darse de baja en cualquier momento.

Contacto La Empresa

Enviar un mensaje a Dariiqu-Tawbah طريق التوبة:

Compartir

Categoría