07/04/2026
WAR DEG-DEG AH: Iran oo sheegtay inay ka guulaysatay Maraykanka
Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa ku dhawaaqay:
"Iran waxay gaartay guul weyn, waxayna ku qasbtay Maraykanka dambiilaha ah inuu aqbalo qorshe ka kooban 10 qodob."
Qorshahan dhexmaray labada dhinac, Maraykanku wuxuu si rasmi ah ugu ballan-qaaday qodobadan:
Inuu joojiyo gardarrada: In laga fogaado weerar kasta oo ka dhanka ah Iran.
Maamulka Marinka Hormuz: In la aqbalo in Iran ay sii wadato xakamaynta iyo maamulka marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Aqoonsiga Kobcinta Nukliyeerka: In la aqbalo xaqa Iran u leedahay kobcinta Yuuraaniyamka.
Cunaqabatayn xayuubin: In meesha laga saaro dhammaan cunaqabataynta saaran Iran (kuwa tooska ah iyo kuwa dadbanba).
Go’aannada Caalamiga ah: In la soo afjaro dhammaan go'aannadii h**e uga soo baxay Golaha Ammaanka iyo guddiga maamulka ee Hay'adda Nukliyeerka (IAEA) ee ka dhanka ahaa Iran.
Magdhow bixin: In Maraykanku uu Iran ka siiyo magdhow khasaarihii ka dhashay cunaqabataynta.
Ka bixitaanka Ciidamada: In ciidamada dagaalka ee Maraykanka laga saaro gobolka Bariga Dhexe.
Joojinta Dagaalka: In la joojiyo dagaallada ka socda dhammaan furimaha, oo ay ku jirto in la joojiyo weerarada ka dhanka ah "Iska-caabbinta Geesiyaasha ah ee Lubnaan" (Hezbollah).