Peace Media

Peace Media 'Peace Media is your news, analysis, features and entertainment media. We provide you the latest.

"Peace Media/ is a dynamic and independent media news company committed to delivering accurate, timely, and relevant information to our audience. We focus on bringing you in-depth news, insightful analysis, and stories that matter – covering politics, society, culture, development, and current affairs across Ethiopia and beyond.

Masuuliyiin uu Hoggaaminayo Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha oo booqday warshadaha maalgashiga gaarka loo leeyahay ee maga...
24/09/2026

Masuuliyiin uu Hoggaaminayo Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha oo booqday warshadaha maalgashiga gaarka loo leeyahay ee magaalada Marmaarsa.

Masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Xuseen Xaashi Qaasim (PhD) oo ay weheliyaan xubno xildhibaano ah iyo maamulka magaalada Marmaarsa oo uu ugu horreeyo Duqa Maamulka Magaalada Marmaarsa Mudane Ibraahim Muxumed ayaa booqasho ku tagay warshadaha maalgashiga gaarka loo leeyahay ee ka jira Maamulka Magaalada Marmaarsa ee gobolka Siti.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu dhiirrigelinayo maalgashiga gaarka loo leeyahay, waxsoosaarka gudaha, kobcinta ganacsiga iyo abuurista fursadaha shaqo ee bulshada deegaanka.
Masuuliyiintu waxay kormeer ku sameeyeen qaar ka mid ah warshadaha ka jira magaalada oo ay ka mid yihiin Warshadda Wabi Granite oo soo saarta marmarka nooca Granite ee loo adeegsado dhismayaasha waaweyn iyo warshadda Vita oo soo saarta biyaha sifaysan.

Intii uu socday kormeerku, masuuliyiintu waxay indho'indhayn ku sameeyeen habka waxsoosaarka, adeegyada ay warshaduhu u fidiyaan bulshada iyo fursadaha maalgashi ee ka jira magaalada Marmaarsa.

Ugu dambayntii, masuuliyiintu waxay dhir ku beereen gudaha warshada Wabi Group ee soo saarta marka.

SRTV Somali

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Dawlad De...
15/09/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Dawlad Deegaanka Koonfurta Itoobiya iyo shirkadda CHECHE, kuwaas oo Deegaanka u yimid barnaamij khibrad-wadaag ah oo ku saabsan casriyeynta iyo dijitaalaynta nidaamka dakhliga.

Waftiga Dawlad Deegaanka Koonfurta Itoobiya waxaa hoggaaminayay Mudane Mengistu Dadi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Tiknoolajiyadda iyo Dijitaalaynta oo leh awood Wasiir waxaana qayb ka ahaa masuuliyiin iyo khubaro sare oo ka socda Hay’adda Dakhliga Deegaanka. Sidoo kale, waftiga waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin iyo khubaro ka socday shirkadda CHECHE.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa waftiga la wadaagay waayo-aragnimada Deegaanka ee ku aaddan nidaamka dijitaalaynta ah ee dakhliga, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay tiknoolajiyaddu u leedahay kordhinta dakhliga, hufnaanta maamulka, isla-xisaabtanka iyo yaraynta daldaloollada ka jira nidaamka ururinta dakhliga.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu xusay in casriyeynta adeegyada dawladda iyo hirgelinta nidaamyada dijitaalka ahi ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada lagu dhisayo maamul hufan oo si wanaagsan ugu adeegaya bulshada, isla markaana kor loogu qaadayo awoodda dhaqaale ee Deegaanka.

Waftigan ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Jigjiga, iyaga oo booqan doona Xafiisyada iyo xarumaha ay khusayso, isla markaana si dhow u baran doona nidaamyada dijitaalka ah ee loo adeegsado ururinta dakhliga.

Booqashadani waxay qayb ka tahay xoojinta iskaashiga, is-dhaafsiga khibradaha iyo wadaagga hab-raacyada wanaagsan ee u dhexeeya dawlad-deegaannada dalka, si loo dardargeliyo isbaddalka dijitaalka ah iyo horumarinta adeegyada dawladda.

SRTV Somali

XAFALADDA FURITAANKA MAXKAMADAHA DEGAANKA OO MAANTA LA QABTAYXafladda furitaanka Maxkamadaha Degaanka ayaa maanta ka qab...
14/09/2026

XAFALADDA FURITAANKA MAXKAMADAHA DEGAANKA OO MAANTA LA QABTAY

Xafladda furitaanka Maxkamadaha Degaanka ayaa maanta ka qabsoontay Maxkamadda Guud ee Degaanka Soomaalida, waxaana daah-furay Guddoomiyaha Maxkamadda, guud ee DDS
Mudane Cabdikariim Axmed Aadan, oo uu wehelinayay Guddoomiye-ku-xigeenka Maxkamadda, Mudane Cabdikariim Axmed Maxamuud.

Xafladda waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliyaha Komishanka Booliska Degaanka Soomaalida, Mudane General Cali Cabdi Siyaad (Gafedhe) iyo Hogaan-ku-xigeenka Nabadgelyada, Mudane Maxamed Maxamuud Aadan.

Xafladdu waxay qayb ka tahay xoojinta iyo horumarinta hay’adaha garsoorka iyo adeegyada cadaaladda ee Degaanka Soomaalida.

Jigjiga — Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Fulinta DDS...
10/09/2026

Jigjiga — Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Fulinta DDS ee sannad-maaliyadeedka 2019 T.I., kaas oo ay horyaalleen laba ajande oo kala ah:

1. Kala-warqaadashada xaaladaha guud ee amniga iyo dakhliga; Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa sheegay in amniga deegaanku suganyahay, isaga oo xusay in ilaha dakhliga iyo kordhinta dakhliga gudaha ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xoojinta isku-filnaanshaha dhaqaale iyo sugidda amniga. Waxa uu sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo in la ballaadhiyo ilaha dakhli-ururinta, lana kordhiyo hufnaanta maamulka iyo ururinta dakhliga.

2. Hirgelinta siyaasadda isbeddelka beeraha iyo xoolaha;Golaha ayaa sidoo kale loo soo bandhigay daraasad laga sameeyay heerka tayada biyaha iyo ciidda, taasi oo lagu qiimaynayay heerka xaaladdooda iyo tayada, si loo ogaado heerka ay marayaan, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo ilaaliyo loona horumariyo wax-soo-saarka beeraha.

SRTV Somali

🏆 Bangiga Shabelle oo ku guuleystay Abaalmarinta GIFA 2026 – London.Bangiga Shabelle ayaa magaalada London ee UK lagu gu...
09/09/2026

🏆 Bangiga Shabelle oo ku guuleystay Abaalmarinta GIFA 2026 – London.

Bangiga Shabelle ayaa magaalada London ee UK lagu guddoonsiiyay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Maaliyadda Islaamiga ah (GIFA 2026), oo markii 16aad la qabtay.

Abaalmarinta waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Bangiga Abduljuhad Hassen Muhamed iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare Abdirahman Eid. Daahir

Guushani waxay muujinaysaa dadaalka Bangiga Shabelle ee hal-abuurka, adeegyada bangiyada Islaamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha.
Hambalyo dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Bangiga Shabelle! 🏆👏

Afhayeenka Golaha Wakiillada Shacabka (JFE) oo shaqaalaha uga mahadceliyay waxqabadkoodii shantii sano ee la soo dhaafay...
05/09/2026

Afhayeenka Golaha Wakiillada Shacabka (JFE) oo shaqaalaha uga mahadceliyay waxqabadkoodii shantii sano ee la soo dhaafay

Afhayeenka Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, Tagesse Chafo, ayaa sheegay in shaqaalaha Xafiiska Golaha ay door muhiim ah ka qaateen hawlihii wax-ku-oolka ahaa iyo guulihii Golaha laga gaaray shantii sano ee lasoo dhaafay.

Afhayeenka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu aqoonsanayay laguna abaalmarinayay shaqaalaha Xafiiska Golaha ee muujiyay waxqabad wanaagsan. Waxa uu uga mahadceliyay dadaalkooda, hawlkarnimadooda iyo sida hufan ee ay u guteen waajibaadkooda.

Tagesse Chafo ayaa xusay in guulaha iyo horumarka Golaha ay qayb weyn ka yihiin dadaalka joogtada ah ee shaqaalaha, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan waxqabadka hay’adda.

Sidoo kale, wuxuu shaqaalaha kula dardaarmay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan xubnaha cusub ee Golaha ee soo socda, isla markaana ay ka taageeraan sidii ay si hufan ugu gudan lahaayeen waajibaadkooda, iyagoo raacaya xeerarka iyo habraacyada Golaha.

Peace Media

Laba toddobaad oo shir iyo qiimayn ah kaddib, waxaa magaalada Jigjiga lagu soo af-meeray shirka iyo qiimaynta Ciidanka B...
04/09/2026

Laba toddobaad oo shir iyo qiimayn ah kaddib, waxaa magaalada Jigjiga lagu soo af-meeray shirka iyo qiimaynta Ciidanka Booliska DDS, oo si gaar ah loogu eegay anshaxa, amniga, hoggaaminta iyo arrimo kale.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa soo xidhay shirka iyo qiimaynta labadii toddobaad ee lasoo dhaafay usocotay Ciidanka Booliska DDS. Kulankan oo ka dhacay madasha kulamada ee Suldaan Odawaa Liibaan ayaana lagula dardaarmay saraakiisha ciidanka.

Madaxweynuhu wuxuu ciidanka kula dardaarmay inay sii xoojiyaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ilaalinta nabadgelyada, dhowrista sharciga iyo kala dambaynta, u adeegidda bulshada si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh.

Shirka iyo qiimaynta ayaa diiradda lagu saaray anshaxa iyo edebta ciidanka, sugidda amniga iyo nabadgelyada, hoggaaminta iyo maamulka, eexda, qabyaaladda iyo nin-jeclaysiga, u hoggaansanaanta sharciga, la-dhaqanka bulshada, ka-hortagga dambiyada iyo arrimo kale.

“Waxaad tihiin ciidamo geesiyayaal ah oo naftooda u hura bulshadooda, waxaana la inaga rabaa in si waddaniyad leh aad u sii gudataan waajibaadkiinna. Sannadkana, ka xukuumad ahaan, waxaan ku dadaali doonaa sidii noloshiinna wax looga sii beddeli lahaa,” ayuu yidhi madaxwayne Mustafe Muxummed Cumar.

SRTV Somali

Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane C/kariin Axmed Aadan, ayaa lagu casuumay xafladda so...
03/09/2026

Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane C/kariin Axmed Aadan, ayaa lagu casuumay xafladda soo-xidhitaanka shaqada Maxkamadaha Deegaanka Harari ee sannad-miisaaniyadeedka 2018-ka Itoobiya.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Maxkamadda Guud ee Deegaanka Harari, waxaana daadihinayay Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee Harari, Mudane Saalaxudiin Tawfiiq.

Intii ay xafladdu socotay ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii iyo horumarkii ay Maxkamadaha Deegaanka Harari gaadheen muddadii sannad-miisaaniyadeedka, iyadoo sidoo kale abaalmarinno la guddoonsiiyay garsoorayaal iyo shaqaale lagu ammaanay hawlkarnimadooda, daacadnimadooda iyo shaqo wanaaggooda.

Ka qaybgalka Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS ayaa muujinaya xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha garsoorka ee labada Deegaan.

Peace Media

“Si loo xaqiijiyo barwaaqada guud, waa in si buuxda looga faa’iidaysto awoodda shacabka iyo bahwadaagtaba” –  Mudane Aad...
31/08/2026

“Si loo xaqiijiyo barwaaqada guud, waa in si buuxda looga faa’iidaysto awoodda shacabka iyo bahwadaagtaba” – Mudane Aadan Faarax

Ku-xigeenka Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo, ahna Madaxa Xarunta Isku-xidhka Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyadda, lehna awooda Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Mudane Aadan Faarax, ayaa sheegay in si Deegaanka Amxaarada loogu horseedo barwaaqo, loo baahan yahay in si buuxda looga faa’iidaysto awoodda shacabka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Mudane Aadan Faarax ayaa maanta magaalada Bahirdar kaga qayb galay madal hal-ku-dhigga looga dhigay “Aragti fog iyo shaqo dhammaystiran”.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa bulshada ayuu ku sheegay in madasha lagu qiimeeyay waxqabadka qorshayaashii Xisbiga iyo Dowladda ee deegaankaasi sannad-maaliyadeedka 2018 T.I., sidoo kalena lagu bixiyay jihaynta iyo qorshaha sannad-maaliyadeedka 2019 T.I.

Waxa uu tilmaamay in sannad-maaliyadeedkii dhammaaday laga diiwaangeliyay waxqabad sare oo laga gaadhay dhammaan dhinacyada, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay arrimaha mudnaanta leh ee loo baahan yahay in la qabto sannad-maaliyadeedkan si loo xaqiijiyo barwaaqada guud ee shacabka loona adkeeyo nabadda iyo hirgelinta maamul-wanaaga.

Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in madash ay ka soo baxeen fikrado xooggan oo wax-ku-ool ah oo ku saabsan mustaqbalka deegaanka iyo adeegyada loo fidiyo shacabka.

Ugu dambayn, mudane Aadan Faarax waxa uu sheegay in xoojinta siyaasadda raad-reebka leh, kobcinta hoggaaminta iyo ka faa’iidaysiga dhammaan awoodaha jira ay tahay masuuliyad wadajir ah oo looga baahan yahay in lagu abuuro taariikh cusub.
Waxa uu mar kale ku celiyay in si deegaanka loogu horseedo barwaaqo, ay muhiim tahay in si buuxda looga faa’iidaysto awoodda shacabka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Masuuliyiinta Xafiiska Adeegga Shacabka DDS ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Mudane Cawaale Maxamed, Madaxa Xafiiska Cu...
29/08/2026

Masuuliyiinta Xafiiska Adeegga Shacabka DDS ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Mudane Cawaale Maxamed, Madaxa Xafiiska Curinta iyo Tiknoolojiyadda Maamulka Magaalada Addis Ababa, islamarkaana ahaa Ku-xigeenkii h**e ee Madaxa Xafiiska Adeega Shacabka DDS.

Mudane Awaleh Mohammed maalmahan magaalada Jigjiga u joogay hawlo shaqo oo la xiriira iskaashi iyo wada-shaqayn lagu horumarinayo nidaamka casriyeynta adeegyada dawladda iyo adeeg-bixinta dijitaalka ah.

Kulanka sagootinta ah waxaa ka qayb galay Wasiirka Xafiiska Adeegga Shacabka DDS, Marwo Khadra Bashiir Maxamuud, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska.

Masuuliyiinta Xafiiska Adeegga Shacabka ayaa uga mahadceliyay Mudane Cawaale Maxamed dadaalkii, wada-shaqayntii iyo taageeradii uu siiyay xafiiska intii uu ahaa Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Adeegga Shacabka DDS, gaar ahaan doorkii uu ka qaatay horumarinta iyo casriyeynta nidaamyada adeeg-bixinta dawladda.

Xafiiska Adeega Shacabka DDS

Address

Jijiga

Telephone

+251934496333

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Peace Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Peace Media:

Shortcuts

Share